Xisbiga UCID Oo Maanta Kulan Muhiim Ah La Yeeshay Wefti Sare Oo Ka Socday Waddanka Ingiriiska
Hargeysa (Oodweynenews)- Masuuliyiin ka tirsan xsibiga UCID oo uu hogaaminayey Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, ayaa maanta kulan la yeeshay wefti sare oo uu hogaaminayay Sariifka waddanka Ingiriiska u qaabilsan midawga Afrika ee fadhigiisu yahay magaalada Adis-ababa.
Kulan-kan oo ka qabsoomay Hotel Maansoor ee magaalada, ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada hadlleen arrimo badan oo la xidhiidha hawlaha doorashooyinka ee Somaliland ka dhacaya 26-ka June.
Waxaana sidii kulankaasi u dhacay ka hadlay Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, oo hadalkiisa ku bilaabay oo yidhi “Maanta oo ay Axad tahay, waxa aanu la kulan-nay wefti sare oo ka cocda safaarada Ingiriiska ee magaalada Addis-ababa. Ambasador-ka uguma horayso socdaal uu ku yimaado Somaliland. Markaa waxa uu u socday oo uu doonayay inuu ogaado rayiga Axsaabta ka qabto sida ay wax u socdaan sii-ba xagga Komishanka iyo sida ay wax u wadaan, Xeerkii anshaxa ee lagu heshiiyey sida ay u socoto in ololihii doorashadu si nabad ah u socdo. Waayo, Safaarada oo ka wakiil ah Wadamada Yurub waxay ka mid ahayd dadkii nala diyaariyey lixdii Qodob ee xalka u ahaa khilaafaadkii sayaasadeed ee waddanka halista geliyey.”
Waxa uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Annagu haddii aanu nahay reer UCID, waxa aanu had iyo jeer ku dadaal-naa marka ay hawlahaas oo kale imanayaan, si wada-jir ah ayaanu uga wada qayb-galnaa. Weftigii reer UCID ee aan madaxda ka ahaa ee la kulmay Safaarada waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Ololaha Saleebaan Daahir, Xoghaya guud ee xisbiga Muuse Inji, Af-hayeenka xisbiga Xasan Xuseen iyo Kawsar, Maxamed Xasan Dirir iyo Cabdinaasir oo ka mid ah dhalinyada madaxda ah ee xisbiga UCID, Faadumo Madar oo xaga dibada noo qaabilsan iyo Asad oo shalay London ka yimi. Waxaanu kala hadalnay weftiga wixii xisbi ahaan aanu tebayno iyo wixii mustaqbalkaba la xidhiidha. Safiirka iyo weftiga la socdaana wixii talooyin ah ee nagu kordhiyeen-na way nagu kordhiyeen. Waxaana aan hubaa in wada-hadalkayagii uu sii Heersare ah oo aad iyo aad u fiican uu ku dhamaaday.”
Waxa kale oo uu sheegay Dr. Maxamed Rashiid inay weftiga ka wada hadleen sidii ay doorashadu ugu dhici lahayd si nabadgelo oo bilaa carqalad ah, isla markaana waxa uu tilmaamay inay weftiga xog-waran ka siiyeen geedi-socodka ololaha doorashada iyo sida ay ugu qanacsan yihiin.
Oodweynenews.com/Hargeysa Office
Xisbiga UCID Oo Maanta Kulan Muhiim Ah La Yeeshay Wefti Sare
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 399 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 1 Replies
- 351 Views
-
Last post by Somalistan
-
- 1 Replies
- 459 Views
-
Last post by 1_londoner
-
- 0 Replies
- 227 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 316 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 262 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 29 Replies
- 2445 Views
-
Last post by Advocator
-
- 5 Replies
- 571 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 3 Replies
- 578 Views
-
Last post by tightrope
-
- 6 Replies
- 87 Views
-
Last post by NoAngst.