Muj.Xassan Cisse Jamac iyo Faysal Ali Waraabe in Baligubadl

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Muj.Xassan Cisse Jamac iyo Faysal Ali Waraabe in Baligubadl

Post by Siciid85 »

Image

Image

Image

Image

Hargeysa (HWN) Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa shalay gabal dhicii dhagax dhigay taalo, loogu talogalay in lagu xasuusto taariikh halgameedkii ururkii SNM.



Taaladan oo laga dhisi doono xaruntii ay SNM ku lahayd magaalada, Baligubadle ee magaalo madaxda gobolka Hawd.



Xaflada taalada dhagaxa dhiga oo ay ka soo qayb galeen guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire Waqaf, Guddoomiyaha arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Maxamed Ibraahim (Qabo), Guddoomiyaha ololaha doorashada madaxtooyada Dr.Saleebaan Daahir C/laahi (Dogox), masuuliyiin iyo saraakiil sarsare oo ka socotay xisbiga UCID.


Ugu horeyn Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee Somaliland Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in guddoomiyaha xisbiga UCID uu yahay ka keliya ee ilaa hada afkiisa laga maqlo hadalo dhinaca diinta u jandheedha, waxaanu ku hambalyeeyay sida uu mar walba diinta hal ku dhega uga dhigtay.


“Faysal baaba yidhaahda ilaahay sida uu khayrku ku jiro ha inooga yeelo, isaga si gaar ah ayaan ugu mahadnaqayaa, waayo diinta insha allaah carabka wuu ku badiyaa” ayuu Xasan Ciise Jaamac dhagax dhiga taalada laga qotomiyay xaruntii SNM uu yidhi


Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga UCID, ahna murashaxa jagada madaxweyneha Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna halkaas kalmado kooban ka yidhi “Hore ayaan u sheegay waxa aan idhi hadii aynu guulaysano taariikhdeenii halgankii iyo Lixdankii labadaba waa la qori doonaa, waxaanan jecelahay in dhagaxa uu maanta dhigay Xasan aanu noqon doonin kii Rayaale iyo madaxweyne ku xigeenkii ay dhigi jireen, balse ay noqdaan kuwo dhab ah, taariikhdiina waanu qori doonaa haddii uu eebe yidhaahdo,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.


Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagews/Office

Hargeysa/Somaliland
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Muj.Xassan Cisse Jamac iyo Faysal Ali Waraabe in Baligu

Post by Somalistan »

:up: :sland:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”