Beesha Muuse Dheriyo oo taageertay Xisbiga Ucid

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Beesha Muuse Dheriyo oo taageertay Xisbiga Ucid

Post by Bohol iyo karaman »

Beesha Muusa Dheriyo Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Si Buuxda Taageeradeedii Ugu Wareejisay Xisbiga UCID + SAWIRO


Hargeysa: Xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, ayaa galabta xaflad ballaadhan oo soo dhawayn ah ku qaabilay Beesha Muusa dheriya oo ka mid ah beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland, oo daboolka ka qaaday inay taageeradoodii iyo codkoodiiba ku biirinayaan xisbiga UCID.



Xafladaas oo lagu qabtay Hotel KAAH ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay masuuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga UCID oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga Saleebaan Daahir Dogox, Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Gudoomiyaha Ololaha doorashada ee Gobolka Maroodi-jeex Mr Jiir, Suldaanka Beesha Muusa dheriyo Suldaan Naasir, odoyaasha, aqoonyahanka, Haweenka iyo dhaliyarada beesha taageeradooda ku soo biiray xisbigab UCID ee Muusa dheriyo.



Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil oo halkaas ka hadlay, ayaa beeshiisa si weyn ugu hambalyeeyey go’aanka ay ku doorteen inay taageeradooda ku biiriyaan xisbiga UCID, “Aniga inaan KULMIYE, UDUB iyo UCID mid-na ahayn cid waliba way og tahay. Laakiin waxa halkan i keenay inaan ka qayb-galo oo aan ka muuqdo bulshadayda dadkii hormuudka u ahaa halka ay sahankooda fureen, ilaahay Guri barwaaqo haka yeelee oo ah xisbiga UCID.” Ayuu yidhi Suldaan Naasir.

Waxa xusay inay beeshiisu xor u tahay xisbiga ay teegeerayaan oo ah xisbiga UCID, oo ku tilmaamay xisbi imika-dan ka warhaya oo gacan ka gaysta horumarita waxbarashada Jaamacda ee Ardayda beesha Muusa Dheriyo, isaga oo tilmaamay in Gudoomiyaha xisbigu oo Araday Jaamacada dhigata qarashka ka bixiyo.



Waxa uu u soo jeediyey Bulshada reer Somaliland oo uu yidhi “Waxa aan leeyahay bulshada reer Somaliland, walaaloyaal aynu dalkeena wada ilaashano. Cadawguna wuu fara badan yahay maanta, waxaana aad la socotaan marxaladan aynu marayno siyaabaha nabadgelyada wax loo yeeli karaa way fara badan tahay, ee meel ha looga soo wada-jeedo ilaalinteeda iyo adkaynteeda-ba.”



Gudoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga UCID Saleebaan Daahir Dogox, oo isna xafladaas ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad-celiyey beesha Muusa dheriyo ee taageeradooda ku xoojiyey xisbiga UCID, isaga oo u ballan-qaaday inay xisbi ahaan muhiimad gaar ah siin doonaan beesha Muusa dheriya haddii ay ku guulaystaan talada dalka.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Walaaloyaal dib-u-dhaca beesha ku yimi waxaa ka masuul ahaa dawladihii ina soo maray, waa dawladihii dadka kala qayb-qabiyey ee qabiil-qabiilka inaga dhigay. Haddii aynu heli lahayn dawlad caddaalad ku dhisan waxa aynu la mid noqon lahayn dawladaha caalamka, waxaa halkaa ina dhigay waa caddaalad la’aan, waa dhaqan la’aan.”

Waxa uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Waxa aanu idinka ballan-qaadaynaa marka uu doorashada ku guulaysto xisbiga UCID ee kursiga ay ku fadhsiistaan Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Dr. Maxamed Rashiid in dadku sinnaadaan.”



Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ah gudoomiye xigeenka Ololaha doorashada ee xisbiga UCID oo isna halkaa ka hadlay, ayaa tilmaamay inay tahay wax lagu farxo tallaabadan ay muujisay Beesha Muusa dheriya, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa aan jeclahay in aan u mahad-naqo beesha iskeed isu soo abaabushay. Xafladan qiimaha badan ee aad arkaysaan ma aha mid xisbigu qaban-qaabiyey, oo xisbiga caado uma ah inuu beelaha dhaq-dhaqaajiyo oo uu Odoyaala lacag siiyo oo uu shirar u qabto sida ay xisbiyada kale ku kacaan. Waxa aan halkan ka cadaynayaa in shirkani yahay xaflad ay soo abaabuleen Beesha Muusha dheriyo, oo iyagu kharashka iska bixiyeen uguna talo-galeen inay mowqifkooda siyaasadeed ku caddeeyaan.”

Waxa kale oo Xildhibaan Buubaa deedafeeyey hadal si khaldan loo turjumay oo uu maanta daabacay Wargeyska madaxa banaan ee Jamhuuriya, kaasoo wargeysku sheegay in Xisbiga UCID uu Maxkamad soo taagi doono adaxweyne Daahir Rayaale Kaahinhadii uu Xisbigu Talada dalka ku guulaysto, isaga oo tilmaamay in arrintaas haba-yaraatee aanay wax-ba ka jirin.

Sida oo kale waxa uu xisbiga UDUB ku eedeeyey inay si badheedha oo khalad ahah inay u jareen boodhadh weyn oo ay ku sawirnaayeen musharixiinta xisbiga UCID, oo ku yaalay xaafalada Jig-jiga yare e Hargeysa, isla markaana inay ku bedeleen mid ay ku sawiran yihiin musharixiinta xisbiga KULMIYE.



Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay Fawsi Maxamuud Cali oo ah Gudoomiyaha beesha Muusa dheriyo, Dr. Cabdi Xuseen oo ka mid ah Aqoonyahanka Beesha, Qushe Cali Afyare, Oday Daahir Faarax Khayre iyo Mulki Daahir Khayre oo dhamaantood ka tirsan beesha Muus dheriya, oo sheegay inay muddo ka baaraan-degayeen xisbigii ay taageeradooda siin lahaayeen, isla markaana shirar badan oo wada-tashiyo ah ka dib ay go’aansadeen inay taageero buuxda siiyaan xisbiga Caddaalada iyo Daryeel ee UCID, oo ku sifeeyeen inuu yahay xisbi ka saari karaya dhibaatooyinka kala duwan ee haysta.
:clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap:


Oodweynenews.com/Hargeya Office
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Beesha Muuse Dheriyo oo taageertay Xisbiga Ucid

Post by Bohol iyo karaman »

Rayislayaal badan oo Hargeysa kaa caan ah baa kaa dhex muuqdaa sawirada walahay :lol:


http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=19521
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Beesha Muuse Dheriyo oo taageertay Xisbiga Ucid

Post by Siciid85 »

"Haddii aynu heli lahayn dawlad caddaalad ku dhisan waxa aynu la mid noqon lahayn dawladaha caalamka, waxaa halkaa ina dhigay waa caddaalad la’aan, waa dhaqan la’aan.” , Indeed Xisbiiga UCID will give Cadaalad to all the discriminated minority groups.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Beesha Muuse Dheriyo oo taageertay Xisbiga Ucid

Post by Siciid85 »

........
Last edited by Siciid85 on Fri Jun 18, 2010 5:35 pm, edited 1 time in total.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Beesha Muuse Dheriyo oo taageertay Xisbiga Ucid

Post by Siciid85 »

"Waxa uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Waxa aanu idinka ballan-qaadaynaa marka uu doorashada ku guulaysto xisbiga UCID ee kursiga ay ku fadhsiistaan Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Dr. Maxamed Rashiid in dadku sinnaadaan.”

:sland: :sland:
User avatar
malakumod
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1699
Joined: Sun Apr 11, 2010 3:45 pm

Re: Beesha Muuse Dheriyo oo taageertay Xisbiga Ucid

Post by malakumod »

beesha kuul carre-na yeey ku biirtay. ma kulmiye mise ucid mise udub mise habar yonis. loool
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Beesha Muuse Dheriyo oo taageertay Xisbiga Ucid

Post by Siciid85 »

^^^ Maya dhulbahante bii ku bireen ileen the Sicid Kuul's live with you guys in Southern Sool you guys need them for your Khuususi- SSC militia.
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Beesha Muuse Dheriyo oo taageertay Xisbiga Ucid

Post by Keyse_0208 »

im fuking sick and tired of this Bullshit, beel baa xagaa iyo xagaa taageertay.. Hooyadood ha wasaan odayaasha waxan ka dambeeya. ma qofkastoo beeshaa ka midey rabaan iney u vote-gareeyaan.. these fuking old men should be sent to prison or shot wale iyo bile. this kind of action should be made criminal.

FUCK THE BEESHA TALK.. THE ONLY BEEL MEESHA JOOGTAA WAA- 1-MAN - 1 VOTE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Beesha Muuse Dheriyo oo taageertay Xisbiga Ucid

Post by Siciid85 »

Keyse, this only applies to minority discriminated groups as they can't not afford to spread their votes within three parties, and they want Cadaalad in my opinion they came to the right place.
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Beesha Muuse Dheriyo oo taageertay Xisbiga Ucid

Post by Keyse_0208 »

N
Siciid85 wrote:his only applies to minority discriminated groups
No it doesnt, stop lying man. over the last 3 or 4 months how many sub clans who are well known have done this. waxanai waa af-carabi, waxey rabaan iney dadka vote-gooda shookaanta u qabtaan :lol: .. how the fuk can some old man dictate who u vote for. the sad thing is the people back home are more likely to be persuaded by this type of shyt. :down:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Beesha Muuse Dheriyo oo taageertay Xisbiga Ucid

Post by Siciid85 »

Keyse, well i meant when it comes to UCID not other parties this applies for minority discriminated groups, besides they never said wii ku so biireen they just said they will give their vote to UCID because it will bring Cadalaad for all those minority groups who were marganilized for years so it makes sense who wouldn't support a party that will give their families and children more rights? this is deeper then you think bro this minority discriminated groups are not the same as the other clans.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”