Guurtida Beelaha Galbeedka Burco oo Rayaale ka Dalbay inuu s

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Guurtida Beelaha Galbeedka Burco oo Rayaale ka Dalbay inuu s

Post by Siciid85 »

Guurtida Beelaha Galbeedka Burco oo Rayaale ka Dalbay inuu si Nabadgelyo ah Xilka u Wareejiyo Haddii Laga Helo Doorashada
“Sharaftu waxay tahay in ninkii sida nabadgelyada ah talada dalka loogu wareejiyey inuu isna si nabadgelyo ah ku wareejiyo haddii laga helo doorashada, iskana ilaaliyo inuu taariikh iyo dhaxal xumo kaga tago”

Guurtida Galbeedka Burco oo ka hadlay arrimaha doorashada madaxatooyada

Burco (Jam)- Golaha Guurtida beelaha Galbeedka Burco (Habar/yoonis), ayaa markii ugu horreysay xalay Madaxweyne Md. Daahir Rayaale Kaahin ka dalbay in uu si nabadgelyo ah xilka qaranka Somaliland u wareejiyo haddii xisbigiisa lagaga adkaado codbixintii doorashada Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay Sabtidii toddobaadkan.

Guurtida beelaha Habar/yoonis waxay sidaa kaga dhawaaqeen shir degdeg ah oo ay xalay cawayskii ku yeesheen hudheelka Nasiye ee magaalada Burco, wax yar kadib markii uu soo baxay go’aanka masuuliyiinta xisbiga UDUB ku sheegeen in aanay sinaba u aqbalayn natiijo kasta oo Komishanka Doorashooyinku ka soo saaraan codbixintii doorashada Madaxtooyada oo ay ku tilmaameen in lagu shubtay.

Waxa ay Guurtida Habar/yoonis shirkaas ka caddeeyeen inay si adag uga soo horjeedaan cid kasta oo isku dayda in ay khalkhal iyo deganaansho la’aan ka abuurto dalka, isla markaana difaaci doonaan go’aan kasta oo Komishanka Doorashooyinku ka soo saaraan natiijada codbixintii doorashada Madaxtooyada Somaliland ee qabsoontay 26 June 2010.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida beelaha Galbeedka Burco Mr. Cawil Yuusuf Dhiif, Prof. Cabdisalaan Xasan Yaasiin, oday Dayr Maxamed iyo xubno kale oo isugu jira cuqaal waxgarad ka tirsan beeshaas oo kulankaas ka hadlay, ayaa dhammaantood carrabka ku adkeeyey inay si buuxda uga soo horjeedaan cid kastoo doonaysa inay dalka dhibaato ka abuurto, iyagoo u soo jeediyey masuuliyiinta axsaabta qaranka u soo jeediyey in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo xasillooni-darro ka dhalinaya waddanka, isla markaana u hoggaansamaan doonista iyo rabitaanka shacabka Somaliland.

“Sharaftu waxay tahay in ninkii sida nabadgelyada ah talada dalka loogu wareejiyey inuu isna si nabadgelyo ah ku wareejiyo haddii laga helo doorashada, iskana ilaaliyo inuu taariikh iyo dhaxal xumo kaga tago,” ayey hadalkooda ku soo gunaanadeen Guurtida Beelaha Habar/yoonis oo si gaar ah ula hadlayey Madaxweyne Daahir Rayaale.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Guurtida Beelaha Galbeedka Burco oo Rayaale ka Dalbay in

Post by The_Emperior5 »

Cuqaal talisa Boqor caaddila iyo culimo miisaan leh. Ilaahi Carshiga Nuuriyoow kaaga caban mayno. Caddaankaanu wada loollanaa madaw cisaynmayno ...
:up: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”