THE NEW PRESIDENT OF SOMALILAND AXMED MM SILAANYO
Moderator: Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
THE NEW PRESIDENT OF SOMALILAND AXMED MM SILAANYO
"Walaalayaal: As salaamu calykum wa raxmatu laahi wa barakaatu.
Walaalayaal waxaan maanta halkan uga soo tebinayaa umadda reer Somaliland meel ay joogaanba hambalyo iyo bogaadin, sida fiican ee ay inoogu dhamaatay doorashadii madaxtooyada ee aynu galnay 26, June, 2010.
Waxaan kale oo aan hambalyeenayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, sidii hufnayd ee hawlkarnimadu ku dheehnayd, ee ay u hirgeliyeen hawlaha doorashada. Waxa sidoo kale xusid mudan doorka laxaadka leh ee bulshada caalamku inooga taageertay qabsoomidda doorashada, oo ay u horreeyaan Wadamada midawga Europe iyo dawladda Maraykanka.
Hambalyo gaar ah, oo aan cidna la wadaagin ayaan u dirayaa dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, oo aan mar qudha ka nasan taageerada ay inooga fidinayeen qabsoomidda doorashada iyo dhamaynta khilaafyadii siyaasadeed ee ina soo dhexgalay sanadkii 2009. Ma aha markii u horraysay, ee inagoo taageero u baahan Ethiopia ina gacan qabatay. Waxaan leeyahay idiin ogin haddana, annagu dad abaal guda ayaanu nahay. Sidoo kale ayaa waxaan salaam iyo mahadnaq u diraynaa dadka iyo dawladda reer Djibouti, oo niyad wanaag inoo muujiyay kuna farxay horumarkeena iyo dimuquraadiyadeena.
Dhinaca kale, waxa aan si gaaraa ugu mahadnaqayaa musharixiinta labada xisbi ee UDUB, UCID, iyo taageerayaashooda. Waxaanan cadaynayaa in aan marin doono maamuuska iyo qadarinta ay qarankan ku leeyihiin, aniga oo ugu horayn u fidin doona martiqaad wadatashi.
Ugu dambayntii, waxaan hambalyo u soo gudbinayaa taageerayaasha Kulmiye ee maanta guushan soo hooyay. Waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin waxaanan idin xusuusinayaa in ay maanta inoo bilaabantay hawshii aynu ku ballan qaadnay inaynu dadkeena iyo dalkeena u qabano, sidaa darteed ogaada ineynaan kabaha bixin ilaa aynu balan qaadkeenii fulinayno.
Waxa kale oo aan leeyahay maanta keligeen maynu guulaysan,haddaynu nahay reer Kulmiye ee Somaliland oo dhan baa guulaysatay, dacal ilaa dacal. Haddaan qaar kooban wax ka tilmaamo anigoo kuwa aanan magacaabinna raalli gelin siinaya:
• Waxa guulaysatay taariikhdii halgankii dheeraa ee SNM iyo kuwii naftooda u huray xoraynta dalka.
• Waxaa guulaystay Balli Gubadle, Xaruntii Halganka.
• Waxa guulaystay baaqii u horreeyay ee nabadaynta beelaha Somaliland. Berbera ,albaabkeena addunka u furay, oo heshiiskii isa saamaxa beelaha lagaga dhawaaqay.
• Waxa guulaystay go’aankii dib-ula-soo-noqoshada madaxbanaanida Somaliland ee Burco.
• Waxa guulaystay shirkii nabadda dhidibada u aasay ee Axdi Qarameedkii dhalay, Distoorka iyo dimuquraadiyadda aynu ku caano maalnay ee aynu doorashooyinkii hore iyo tanba ku galnay. Boorame ayaa guulaysatay.
• Waxa guulaystay hoyga tusaalaha wada noolaanshaha iyo is kaashiga bulsho kala beelo ah, hoygii axdi goboleedka. Ceerigaabo ayaa guulaysatay.
• Waxa guulaysatay hoyga gadhwadeenimada iyo gaashaanka birta ah. Oodweyne ayaa guulaysatay.
• Waxa guulstay hoyga garaadka iyo geesinimada. Gabiley baa guulaysatay.
• Waxa guulaystay hoyga gobanimada Somaliland ee Laascaanood.
• Waxa guulaysatay xarunta ilbaxnimada iyo degenaanshaha. Saylac baa guulaysatay.
• Waxa guulaysatay xundhurta iyo xarunta Dalka Somaliland. Waa habboon. Waa Hargeysa mugweyn. Magaalo madaxda dalka ee umaddeena oo dhan marti gelisay ayaa guulaysatay.
• Waxa guulaysatay dimuquraadiyadda oo ah dariiqa keliya ee ummad xor ihi himiladeeda ku gaadhi karto.
• Waxa guulaysaty nabaddii .
• Waxa guulaysay ciidamada qaranka oo aan dib u derejo la’aan doonin.
• Waxa guulaystay dhallinyarada mustaqbalkeena ah, oo aan tahriib iyo shaqo la aan dib bada isugu guri doonin.
• Waxa guulaysatay culmadeenii oo aan dib damabysa afmiishaar iyo beenaale looga door bidi doonin bulshadana kaalinta ka geli doona karaamada ay ku leeyihiina ka heli doona.
• Waxa guulastay shaqaalaha dawladda oo aan dib ugu jri doonin cagajuglayn iyo tahdiid la xidhiidha fikirkooda siyaasadeed.
• Waxa guulaystay hooyooyinka suuqa cadceediisa ganacsiga yar la fadhiya oo cashuurtooda wax loogu qaban doono.
• Waxa guulaystay golayaasha qaranka oo hab maamuuska ay leeyahiin ka heli doona xukuumadda Kulmiye.
• Waxa guulaysatay caddaaladda oo la sugi doono.
• Waxa guulaystay bulshada rayidka ah oo kaalinta ay horumarka kaga jirto taageero ku heli doonta.
• Waxa guulaystay ganacsatada dalka rag iyo haween leh, oo si caddaalad iyo sinaan ah, oo sharciga waafqsan u guddan doona hawlahooda ganacsi, xisbigay doonaan ha ahaadeene.
• Waxa guulaystay dadweynaha guud ahaan oo u harraadanaa adeeg hufan oo habsami loogu qabto.
• Waxa guulaystay reer guuraageena oo aad moodaysay inaan xukuumadahii ina soo a maray kuba xisaabtamin wax u qabad kooda.
Walaalayaal, intiinii iga codaysay iyo intiinii ii codaysayba, waxa aan maanta idiin sheegayaa in aan madaxweyne u wada ahay, isla markaana aan si cadaalad ah idiinku hogaamin doono mudadda aan xilkaa hayo, Insha Allahu tacaala.
Gabagabadii, waxaan dhamaantiin idiin balan qaadayaa in aan taladiina dhug iyo dhaymo u yeelan doono, aniga oo ku soo dhaweenaya qalbi furan iyo niyad san. Walaalayaal, Somalidu waxay ku maahmaahdaa far kaliyi fool ma dhaqdo, sidaa darteed waxaan idinka codsanayaa inaad xilka aad ii doorateen igu garab gashaan, isla markaana in aad Ilaahay ii baridaan in uu ii fududeeyo.
Allaahu akbar.
Somaliland ha Midowdo. Somaliland Hawada jirto.
Aamiin eebow.
Salaamu calaykum wa raxmatu laahi."

- Khalid Ali
- SomaliNet Super

- Posts: 32743
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: THE NEW PRESIDENT OF SOMALILAND AXMED MM SILAANYO

http://farm4.static.flickr.com/3520/326 ... aa41_o.jpg
Mudane Axmed M. Maxamuud oo Loo Doortay Madaxweynaha Somaliland
July 1st, 2010 Comments Off
Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijadii doorashada dalka ka dhacday maalintii Sabtida ee 26 June, 2010. Waxa Komishanku ku dhawaaqeen natiijada doorashada xaflad ay ku qabteen hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Waxa Komishanku caddeeyeen in musharxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo) iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ay ku guulaysteen codadka ugu badan oo noqonaya 266,906 cod, halka xisbiga UDUB ka helay 178,881 cod, xisbiga UCID-na 92489. Tirrooyinkaas oo u kala dhigma 49.59%, 33.23% iyo 17.18%.
Waxa beryahanba la sugayay in Komishanku ku dhawaaqo natiijadan oo Komishanku dhowr jeer ka digeen in la baahiyo mid aan iyaga afkooda ka soo bixin. Waxana dalka ka bilaabmay dabbaaldeg ay dabaaldegeyaan dadweynihii ka qayb galay doorashadu iyada kuwii u codeeyay KULMIYE iyo kuwii aan u codaynba ku faraxsan qaabka heerka caalami ah ee doorashadu uga dhacday dalka si nabadgelyo ah ammaana ugu soo jeedinaya Komishanka qaranku sida ay u maamuleen doorashada iyo ciidamada oo kaalinta nabadgelyo u xilsaarnaa.
Waxa amaan ballaadhan loo soo jeediyay dadweynaha sida nabadgelyada ah uga qaybqaatay doorashada ee heeganka u ahaa inay nabadda ilaaliyaan kana digtoonaa waxkasta oo carqalad ku keeni kara doorashada gude iyo dibedba midkuu ka yimaadaba.
- Khalid Ali
- SomaliNet Super

- Posts: 32743
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: THE NEW PRESIDENT OF SOMALILAND AXMED MM SILAANYO
LiQaaye_TDH wrote:"Walaalayaal: As salaamu calykum wa raxmatu laahi wa barakaatu.
Walaalayaal waxaan maanta halkan uga soo tebinayaa umadda reer Somaliland meel ay joogaanba hambalyo iyo bogaadin, sida fiican ee ay inoogu dhamaatay doorashadii madaxtooyada ee aynu galnay 26, June, 2010.
Waxaan kale oo aan hambalyeenayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, sidii hufnayd ee hawlkarnimadu ku dheehnayd, ee ay u hirgeliyeen hawlaha doorashada. Waxa sidoo kale xusid mudan doorka laxaadka leh ee bulshada caalamku inooga taageertay qabsoomidda doorashada, oo ay u horreeyaan Wadamada midawga Europe iyo dawladda Maraykanka.
Hambalyo gaar ah, oo aan cidna la wadaagin ayaan u dirayaa dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, oo aan mar qudha ka nasan taageerada ay inooga fidinayeen qabsoomidda doorashada iyo dhamaynta khilaafyadii siyaasadeed ee ina soo dhexgalay sanadkii 2009. Ma aha markii u horraysay, ee inagoo taageero u baahan Ethiopia ina gacan qabatay. Waxaan leeyahay idiin ogin haddana, annagu dad abaal guda ayaanu nahay. Sidoo kale ayaa waxaan salaam iyo mahadnaq u diraynaa dadka iyo dawladda reer Djibouti, oo niyad wanaag inoo muujiyay kuna farxay horumarkeena iyo dimuquraadiyadeena.
Dhinaca kale, waxa aan si gaaraa ugu mahadnaqayaa musharixiinta labada xisbi ee UDUB, UCID, iyo taageerayaashooda. Waxaanan cadaynayaa in aan marin doono maamuuska iyo qadarinta ay qarankan ku leeyihiin, aniga oo ugu horayn u fidin doona martiqaad wadatashi.
Ugu dambayntii, waxaan hambalyo u soo gudbinayaa taageerayaasha Kulmiye ee maanta guushan soo hooyay. Waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin waxaanan idin xusuusinayaa in ay maanta inoo bilaabantay hawshii aynu ku ballan qaadnay inaynu dadkeena iyo dalkeena u qabano, sidaa darteed ogaada ineynaan kabaha bixin ilaa aynu balan qaadkeenii fulinayno.
Waxa kale oo aan leeyahay maanta keligeen maynu guulaysan,haddaynu nahay reer Kulmiye ee Somaliland oo dhan baa guulaysatay, dacal ilaa dacal. Haddaan qaar kooban wax ka tilmaamo anigoo kuwa aanan magacaabinna raalli gelin siinaya:
• Waxa guulaysatay taariikhdii halgankii dheeraa ee SNM iyo kuwii naftooda u huray xoraynta dalka.
• Waxaa guulaystay Balli Gubadle, Xaruntii Halganka.
• Waxa guulaystay baaqii u horreeyay ee nabadaynta beelaha Somaliland. Berbera ,albaabkeena addunka u furay, oo heshiiskii isa saamaxa beelaha lagaga dhawaaqay.
• Waxa guulaystay go’aankii dib-ula-soo-noqoshada madaxbanaanida Somaliland ee Burco.
• Waxa guulaystay shirkii nabadda dhidibada u aasay ee Axdi Qarameedkii dhalay, Distoorka iyo dimuquraadiyadda aynu ku caano maalnay ee aynu doorashooyinkii hore iyo tanba ku galnay. Boorame ayaa guulaysatay.
• Waxa guulaystay hoyga tusaalaha wada noolaanshaha iyo is kaashiga bulsho kala beelo ah, hoygii axdi goboleedka. Ceerigaabo ayaa guulaysatay.
• Waxa guulaysatay hoyga gadhwadeenimada iyo gaashaanka birta ah. Oodweyne ayaa guulaysatay.
• Waxa guulstay hoyga garaadka iyo geesinimada. Gabiley baa guulaysatay.
• Waxa guulaystay hoyga gobanimada Somaliland ee Laascaanood.
• Waxa guulaysatay xarunta ilbaxnimada iyo degenaanshaha. Saylac baa guulaysatay.
• Waxa guulaysatay xundhurta iyo xarunta Dalka Somaliland. Waa habboon. Waa Hargeysa mugweyn. Magaalo madaxda dalka ee umaddeena oo dhan marti gelisay ayaa guulaysatay.
• Waxa guulaysatay dimuquraadiyadda oo ah dariiqa keliya ee ummad xor ihi himiladeeda ku gaadhi karto.
• Waxa guulaysaty nabaddii .
• Waxa guulaysay ciidamada qaranka oo aan dib u derejo la’aan doonin.
• Waxa guulaystay dhallinyarada mustaqbalkeena ah, oo aan tahriib iyo shaqo la aan dib bada isugu guri doonin.
• Waxa guulaysatay culmadeenii oo aan dib damabysa afmiishaar iyo beenaale looga door bidi doonin bulshadana kaalinta ka geli doona karaamada ay ku leeyihiina ka heli doona.
• Waxa guulastay shaqaalaha dawladda oo aan dib ugu jri doonin cagajuglayn iyo tahdiid la xidhiidha fikirkooda siyaasadeed.
• Waxa guulaystay hooyooyinka suuqa cadceediisa ganacsiga yar la fadhiya oo cashuurtooda wax loogu qaban doono.
• Waxa guulaystay golayaasha qaranka oo hab maamuuska ay leeyahiin ka heli doona xukuumadda Kulmiye.
• Waxa guulaysatay caddaaladda oo la sugi doono.
• Waxa guulaystay bulshada rayidka ah oo kaalinta ay horumarka kaga jirto taageero ku heli doonta.
• Waxa guulaystay ganacsatada dalka rag iyo haween leh, oo si caddaalad iyo sinaan ah, oo sharciga waafqsan u guddan doona hawlahooda ganacsi, xisbigay doonaan ha ahaadeene.
• Waxa guulaystay dadweynaha guud ahaan oo u harraadanaa adeeg hufan oo habsami loogu qabto.
• Waxa guulaystay reer guuraageena oo aad moodaysay inaan xukuumadahii ina soo a maray kuba xisaabtamin wax u qabad kooda.
Walaalayaal, intiinii iga codaysay iyo intiinii ii codaysayba, waxa aan maanta idiin sheegayaa in aan madaxweyne u wada ahay, isla markaana aan si cadaalad ah idiinku hogaamin doono mudadda aan xilkaa hayo, Insha Allahu tacaala.
Gabagabadii, waxaan dhamaantiin idiin balan qaadayaa in aan taladiina dhug iyo dhaymo u yeelan doono, aniga oo ku soo dhaweenaya qalbi furan iyo niyad san. Walaalayaal, Somalidu waxay ku maahmaahdaa far kaliyi fool ma dhaqdo, sidaa darteed waxaan idinka codsanayaa inaad xilka aad ii doorateen igu garab gashaan, isla markaana in aad Ilaahay ii baridaan in uu ii fududeeyo.
Allaahu akbar.
Somaliland ha Midowdo. Somaliland Hawada jirto.
Aamiin eebow.
Salaamu calaykum wa raxmatu laahi."
Excellent silanyo wa aftahan ragganimo i want to see him say this historical speech
-
1-Londoner
- SomaliNetizen

- Posts: 787
- Joined: Wed Apr 16, 2008 9:12 am
- Location: London, England
Re: THE NEW PRESIDENT OF SOMALILAND AXMED MM SILAANYO
When does he get to move into the Presidential "Palace"? 
- KingWaslawi
- SomaliNet Super

- Posts: 5296
- Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
- Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(
Re: THE NEW PRESIDENT OF SOMALILAND AXMED MM SILAANYO
26th July 20101-Londoner wrote:When does he get to move into the Presidential "Palace"?
- Khalid Ali
- SomaliNet Super

- Posts: 32743
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: THE NEW PRESIDENT OF SOMALILAND AXMED MM SILAANYO
Northwind wrote:26th July 20101-Londoner wrote:When does he get to move into the Presidential "Palace"?
25 days left ayaanu dharin doona silanyo beerta xoriyda
-
1-Londoner
- SomaliNetizen

- Posts: 787
- Joined: Wed Apr 16, 2008 9:12 am
- Location: London, England
Re: THE NEW PRESIDENT OF SOMALILAND AXMED MM SILAANYO
Yeah...can you post a pic of the place please?Northwind wrote:26th July 20101-Londoner wrote:When does he get to move into the Presidential "Palace"?
Re: THE NEW PRESIDENT OF SOMALILAND AXMED MM SILAANYO
Not another faqash can utter the words "riyale nss ba idin xukuma"
Re: THE NEW PRESIDENT OF SOMALILAND AXMED MM SILAANYO
Tha fuck keeps deleting my posts?
- Mr_Alfaas
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3439
- Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
- Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland
Re: THE NEW PRESIDENT OF SOMALILAND AXMED MM SILAANYO
Hambalyo Halyeey Muj Mdaxweyne Mudane Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo...
Hambalyo Somaliland...
Hambalyo xisbiyadi laga guuleystey ee sida gobonimada leh ee sharafta leh u aqbalay go aanki komishanka...
Somaliland oo dhan ayey guushaasi usoo hooyatay.,

Hambalyo Somaliland...
Hambalyo xisbiyadi laga guuleystey ee sida gobonimada leh ee sharafta leh u aqbalay go aanki komishanka...
Somaliland oo dhan ayey guushaasi usoo hooyatay.,
Re: THE NEW PRESIDENT OF SOMALILAND AXMED MM SILAANYO
Congratulations Silaanyo indeed..what a nice chap, i met him in Nairobi after the accident...PS..the incumbent in Africa "always wins"..that was up untill adeer Silaanyo came to the fold
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 32 Replies
- 1875 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 1 Replies
- 424 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 4 Replies
- 560 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 9 Replies
- 1532 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 3 Replies
- 857 Views
-
Last post by afisoone
-
- 59 Replies
- 4105 Views
-
Last post by koohi
-
- 3 Replies
- 708 Views
-
Last post by Mzbeautifull
-
- 3 Replies
- 499 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 0 Replies
- 479 Views
-
Last post by SuldaanOfSanaag
-
- 9 Replies
- 831 Views
-
Last post by The_Emperior5