17 Ministers and Every Clan wants their Share (Read)

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

17 Ministers and Every Clan wants their Share (Read)

Post by LiQaaye_TDH »

Magaalada Hargeysa ayaa maalmahan la ceeryoonsan Dad xilal doona ah oo ka kala yimid Gobolada Dalka kuwaas oo Hunguraynaya inay ka helaan Xilal Xukuumadda Cusub ee uu soo dhisayo Madaxwaynaha la doortay Mudane Siilaanyo.Dadkan oo buux dhaafiyay Hudheelada iyo Goobaha lagu kulmo ee Magaalada waxay isugu jiraan Xubno ka tirsan Xisbiga oo ah Dadkii ololahii Xisibiga ku soo hawlanaa mudadii lagu jiray Ololahii Doorashada, kuwaas oo filaya inaanay ka qadayn Xilalka cusub madaama ay tacab badan soo galiyeen Xisbiga.

waxa kale oo Xubnahaasi barbar socda Salaadiin iyo Odayaal mid waliba Dadaal ugu jiro inuu cid ku daro Xukuumada Cusub si ay Beeshiisu saami uga yeelato Xukuumada Cusub, waxaana Dhaqdhaqaaqa arrintan laga dareemayaa Xarumaha Xisbiga Kulmiye iyo Huteelka Mansoor oo hatan uu si ku meel gaadh ah u degen yahay Madaxwaynaha la doortay.

Waxa arrintan barbar socda Shirar Doceedyo ay Beeluhu kaga arrinsanayaan sidii ay saami ugu yeelan lahayeen Xukuumada Cusub, iyada oo ay jiraan Cadaadisyo la saarayo Madaxwaynaha la doortay si uu Beel walba u siiyo Saami ay qoondaysatay, taas oo culays iyo Dhakafaarba ku ah Madaxwaynaha oo ku Mashaquul san wali sidii uu xilka ula wareegi lahaa.

Arrintani waxay ku soo beegmaysaa iyada oo la sheegay in Gudidii uu u saaray Madaxweynahu ka soo talinta Xukuumada Cusub ay Shalay hor keentay in Golaha Wasiirada laga dhigo 17 Wasaaradood inkasta oo aan tafaasiil laga hayn sida ay isku raac raacayaan Wasaaraduhu, hadana waxay tani culays sii saaraysaa Madaxwaynaha sidii uu Dadkan badan ee wada xil doonka ah iyo Beelaha wada saami doonka ah u gaadhsiin lahaa Jagooyinka Wasaaradaha tirada yar mana cada sida uu uga dabaalan doono Madaxwaynaha cusubi arrimahan aan is qabanayn ee horyaala.
User avatar
Cirwaaq
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6472
Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
Location: Event Horizon periphery... HIILumination

Re: 17 Ministers and Every Clan wants their Share (Read)

Post by Cirwaaq »

It is easy you have 13 Regions in my last check. That leaves 4 seats for those that have no specific degaans Like Dir, Marehaan, Midgaan, Yibir and Gobooye. Or be revolutionary and Give the 60,000 migrants(OG, Hawiye, Rahanweyn and Oroma) just one seat :D They would be happy with even 1/8 of a seat to shre among themselves.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”