Page 1 of 1

MP Caasha Ahmed Abdalla Welcoming By Maakhir Community-MN US

Posted: Wed Jul 07, 2010 7:53 pm
by oldenglish
Image

Image
Chief Caaqil Caabi


Image


Image

Image

Xaflad si aada loo soo agaasimay ayaa habeenimadii xalay oo ay taariikhdu ahayd 06/07/2010 lagu Qabtay hoolka shirarka ee university-ga oo ah goob caan ah oo ku taalla magaalada Minneapolis gobolka minnesota ee Wadanka Maraykanka.

Xafladan oo lagu soo dhoweynayey xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo iyadu ka tirsan baarlamaanka dawlada fadaraalka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo isugu jirey qaybaha kala duwan ee bulshada sida: Isimo, Cuqaal, Haween, Aqoonyahano, culimaa’udiin, siyaasiyiin iyo Dhalinyaroba, oo iyagu si aada u soo dhoweeyey xildhibanada kuwaasoo Wejiyadooda ay ka muuqanaysay farxad sida ay ula dhacsan yihiin soo dhoweynta xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla.



Waxaa dhamaan dadkii shirka ka hadalay ku Soo dhoweeyeen si qadarin iyo tixgelin leh xildhibaanada caasha axmed Cabdalle, waxa ayna xildhibaanada u Sheegeen in Minnesota caado u lee dahay soo dhoweynta madaxa ka Timaada soomliaya, Adiga Caasha ahna waxaan ku lee nahay ku soo DHOWOOW MINNESOTA ayey ku dheheen.


Xildhibaanad Caasho Axmed iyadoo hadal kooban goobtaa ka jeedisay aya waxay aad ugu mahadnaqday dhamaan dadkii soo dhaweeyay iyo intii soo qaban qaabisay xafladan aadka u qaaliga ah, xildhibaanadu waxay u sheegtay inay howlo shaqo ah u timid dalkan Maraykanka iyada iyo tiro Xildhibaano ah oo iyagu dalkii dib ugu noqday kuwaasoo ay dowlada Maraykanka ay martiqaad u fidisay waxayna sheegaty in ay guul ku soo Dhamaaday shirkii ay la galee labada aqal ee dalka maraykanka.


Xildhibaanad caasho oo dhinacyo badan ka hadashay ayaa sidoo kale waxay dhamaan dadkii meeshaa isugu yimid ee qurbojoogta ahaa ku guubaabisay inay ka shaqeeyaan Qaranimadii soomaaliyeed waxayna aad uga digtay dhibaatada ay lee dahay qabyaaladu.

Caasha Axmed Cabdalle ayaa si kulul u weerartey itoobiya iyo waliba madaxda soomaaliya iyadoo ka hadleysan waxay tidhi: “Soomaliya Itoobiyaa Guursatay oo 4 ku qabta si wanaagsana uma dhaqanayso dhowr islaamood oo kalana waa la qabtaa taas oo ay ula jeedo maamulada Soomaliya ka jira” Caasho waxay kaloo weerar ku gaacisay Madax Soomaalida waxay tiri ” Ma jecli waa necbahay Madaxda Soomaliyeed waa khaa’ imiin waa kuwa aan daacad ahayn”


Xildhibanadu mar ay la hadleysey shacabka soomaaliyeed ayaa waxay sheegatay in wadanka soomaliya uu lee yahay cadow Badan waxayna tilmaantey xildhibaanadu in lagu badbaadin karo dalka midnimada iyo wada jirka shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.


Si kastaba ha ahaatee xafladii loo qabtey soo dhoweynta xildhibaanada ayaa kusoo dhamaatey jawi aad u qurux badan waxaana laga dheehan karayey dadweynihii kasoo qeyb galay xafladaas faraxad iyo reyn reyn aan lasoo koobi karin.

Xingaloolnews

Re: MP Caasha Ahmed Abdalla Welcoming By Maakhir Community-M

Posted: Wed Jul 07, 2010 8:05 pm
by oldenglish
Image

Re: MP Caasha Ahmed Abdalla Welcoming By Maakhir Community-M

Posted: Wed Jul 07, 2010 8:06 pm
by oldenglish
The most progressive people in all of Africa :up:

Re: MP Caasha Ahmed Abdalla Welcoming By Maakhir Community-M

Posted: Wed Jul 07, 2010 9:30 pm
by paidmonk
I always thought Casha Cabdalla and Casha Geele were the same perosn.

So Casha Geele is the warlordesse, what does Casha Cabdalla do?

Re: MP Caasha Ahmed Abdalla Welcoming By Maakhir Community-M

Posted: Thu Jul 08, 2010 11:12 am
by oldenglish
paidmonk wrote:I always thought Casha Cabdalla and Casha Geele were the same perosn.

So Casha Geele is the warlordesse, what does Casha Cabdalla do?

Isn't Casha Geele from Galckayco?

Casha Abdalla's from Erigavo if I'm not mistaken. She's been active in the regional scene of Sanaag for 10 yrs after the kacaan. She's no warlordesse, a Somali nationalist who supports the elimination of anti-gov (USC,Shabab,SNM ect.) movements who undermind the Somali people.

She's raised about 3,000 Maakhiri troops that were deployed during the Yusuf years.

Re: MP Caasha Ahmed Abdalla Welcoming By Maakhir Community-M

Posted: Thu Jul 08, 2010 11:19 am
by paidmonk
She's raised about 3,000 Maakhiri troops that were deployed during the Yusuf years.
No wonder I got these two mixed up, they are both warlordesses. :lol: ...and Yes Casha Geele is the de facto governor of Mudug.

Re: MP Caasha Ahmed Abdalla Welcoming By Maakhir Community-M

Posted: Thu Jul 08, 2010 11:25 am
by oldenglish
paidmonk wrote:
She's raised about 3,000 Maakhiri troops that were deployed during the Yusuf years.
No wonder I got these two mixed up, they are both warlordesses. :lol: ...and Yes Casha Geele is the de facto governor of Mudug.

She's a nationalist. I'd raise 20,000 matter of fact I'd arm all the women, children and men and tell them to fight in Xamar for freedom. That would take heavy Maakhiri indoctrination and of course millions to sustain. :lol: :lol: :lol:

That would be a suicidal mission. :cry:

Between, Shabab has targetted her countless, countless failed assasination attempts and suicide attacks.