Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay

Post by Goljano Lion »

Sidoo kale waxa Mililka Khilaafka ka dhex jira Xisbiga Kulmiye daaha ka rogay qudbad Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Kulmiye ku sheegay inay khaati ka taagan yihiin dad xilal doon ah oo doonaya in laga dhigo Wasiirro iyo kuwa kale oo shaqaale Hoosaad ah kuwaasoo uu sheegay inay ka shaqayn kari la ‘yihiin, hadalkaasi ayaa la sheegay inay ka xanaaqeen qaar ka mid ah hogaanka Xisbiga Kulmiye oo ku andacoonaya in loola jeedo iyaga balse aan wali jawaab rasmi ah aan ka bixin

Dhinaca kalena Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay ayaa la sheegay gurigiisa inay buux dhaafiyeen CV’yada dadka shaqo doonka ah ee u xusul duuban inay Dawladiisa ka qabtaan Xilalka kala duwan ee heer Wasiir ilaa iyo jagooyinka Hoose

Sida ay wararku sheegayaan waxa Madaxweynaha cusub wareeriyay bushqado ay ka buuxaan taariikhda iyo waayo aragnimada shakhsiyaad farabadan oo doonaya Madaxweynuhu inuu meel uun kaga qoro jagooyinka xukuumadiisa haddii ay noqoto kuwo cusub iyo haddii ay noqoto in maamulka cusubi waxka bedel ku sameeyo jagooyinkii hore u jirayba

Arrintan ayay dadka shaqa doonka ahi ku dhaqaaqeen kadib markii cabasho badani ka timid beelihii iyo Odayaashii is buux dhaafiyay Guriga Madaweynaha ee gadh-wadeenka ka haa Siyaasiyiinta iyo dadka kale ee doonaya shaqooyinka caadiga ah, kuwaasoo joojiyay markii ay soo if-baxday fadeexado ka dhashay is-garbinta Madax-dhaqameedka la wastaysanayay iyo Siyaasiyiinta Xil doonka ah ee dabada ka waday

Madaxweyne Siilaanyo oo khaatiyaan ka taagan wajigan labaad ee ay shakhsiyaadka Xil-doonka ahi ula soo baxeen ayaa la sheegay inuu ku xawilay mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu dhawdhaw xaga Ururinta Xogtiisa kaasoo ay dadkii CV’yada sitay goob walba ku baacsanayaan iyagoo leh igaga gaadhsii Madaxweynaha

Sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha Nidaamkan cusubi waxa ay sheegayaan in markii ay gaadhay inay arki waayaan dadka shaqa doonka ahi Madaxweynaha iyo xog-hayntiisa ay kaliftay balamihii lagula kulmi lahaa inay gaadho todobaadyo taasoo la mid noqotay cabashooyinkii lagala kulmi jiray Nidaamkii Madaxweyne Rayaale marka aad hawl uga baahato

Dhacdadan oo fool xumo ku ah kuwa xilka doonaya iyo Madaxda la soo doortayba ayaa waxay gaadhsiisay inay Suuqa is eryadaan dadka ka agdhaw Madaxweynaha iyo kuwa shaqo doonka oo ah, oo ay gaadho xilkii uu doonayay haddii lagu yidhaa lama heli karo, gaadhsii uun markuu Madaxweynuhu arko halkuu doono ha ii magacaabee

Marka laga tago dhacdooyinka aragagax leh ee lagu arkayo Suuqyada, waxa aan qarsoonayn qaylo dhaanta ay Madaxda la doortay laftigeedu ka bixiyeen culayska ay arrintani ku hayso oo Madaxweyne ku xigeenka cusubi fagaare la soo istaagay in laga joojiyo dhibaatada haysata isagoo ka qudbadaynaya munaasibad lagu furayay wershad cusub oo dhinaca Xoolaha ah oo la filayo inay Dalka ku soo kordhiso dhaqaale iyo shaqooyinba

Iyadoo dhinaca kalena tani tusaale u tahay Madaxda cusub oo laga filayo marka ay xilka la wareegaan qorshahooda ugu horeeya inay ka dhigaan mid shaqooyin kala duwan dadka loogu abuuro
:lol: :lol:
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay

Post by SahanGalbeed »

Anigu waxan jecla in maddaxweynuhu ii diro sirdoonka jiida hore e aaga widhwidh,xidhxidh iyo dhigdhig .Qori ak-yadan casriga ah ee nocyadan dambe 1oo series ka la yidha e dibinta kuusan leh..oo de ninkii yuhuudiga aha e inoo soo contrabandi-jiray hubka la inooga soo dalbo :lol: iyo kiilo qaad oo yoomiye la iga dhigo ayaa igu filan . Oh if anybody wants to know what would I bring to table ,I'd say "I can easily pass for a dooro !" Thank you for considering my application .
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”