SL to commemorate 21st anniversary of Aljazira massacre
Moderator: Moderators
- Rightwing
- SomaliNet Super
- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
SL to commemorate 21st anniversary of Aljazira massacre
Sannad-guuradda 21-naad ee ka soo wareegtay Xasuusqii xeebta Jasiira (1989)
Friday, 16 July 2010
Maalinta Sabtida ah ee 17-ka July, 2005 waxay ku beegan tahay
sanadguuradii 21-naad ee ka soo wareegtay xasuuqii ka dhacay xeebta
Jasiira ee magaalada Muqdisho sannadkii 1989.
Maalinimadii Jimce ee 15-ka July, 1989kii, waxay noqotay mid nolosha
dadka reer Muqdisho wax weyn ka beddeshay, kadib markii ay foodda isla
galeen dad mudahraadayay oo ka soo baxay salaaddii Jimcaha (Masjidka
Sheekh Cali Suufi) iyo ciidamadii koofiyad casta ah ee ka amar qaaday
jiray talsikii dhiigyacabka ahaa ee Siyaad Barre, halkaas oo askartii
Siyaad Barre ay si arxan-darro ah rasaas ugu fureen, waxana lagu dilay
sarkaal ka tirsan ciidammada booliska, taas sababatay in bandoo lagu
soo rogo Xamar.
Kacdoonka dadka reer Muqdisho oo ka dhacay xaafadda Hodan oo degaan u
ahayd dad badan oo asalkoodu ka soo jeeda Somaliland, ayaa waxay
bartilmaameed u noqotay ciidamadii Koofiyad casta ahaa ee ka amar
qaadan jiray wiilka uu Siyaad Barre dhalay ee Maslax, kuwaas oo saqdii
dhexe habeenkii bishu ahayd 17-ka 1989kii weerarro ku qaaday xaafado
ka mid ah degaanka Medina iyo Hodan.
Askartaasi waxay kala soo baxeen guryihii ay ku noolaayeen dad ilaa
dhawr iyo konton ruux gaadhaya oo aan waxba galabsan oo isir ahaan ka
soo jeeda beelaha Isaaqa. Dadkaas oo isugu jiray caruur dhigata
dugsiga, dhakhaatiir, shaqaale, aqoonyahanno, ardayda jaamacadda,
waxgarad, odayaal iyo ganacsato, waxana sida la sheegay ciidankaas
qabqabtay nin ay isku hayb ahaayeen Siyaad Barre oo la yidhaa Col.
Canjeex. Dadkaas ayaa markii la ururiyay loo qaaday dhanka xeebta
Jasiira, halkaas oo inta la isku xidhxidhay rasaasta qoriga baroonka
ka dhacda lagu furay.
Haddaba, waxa mucjiso noqtotay, kadib markii uu xasuuqan daah furay
Cumar Muuse oo Illaahay ka badbaadiyay falkan arxan-darrada ahaa, taas
oo ka yaabisay taliskii Siyaad Barre, waxana ka dhashay khilaaf soo
dhex galay taliyihii ciidanka booliska iyo xukuumaddii Afweyne. Waxa
kaloo ay dhacdadani fajaciso ku abuurtay diblomaasiyiintii ku sugnaa
magaalada Muqdisho oo dareen adag ka muujiyay dhacdadan aragagax leh.
Cumar oo ka hadlayay sidii wax u dhaceen habeenkaas, ayaa yidhi; “Waxa
naloo qaaday meel aan ka fogeyn guriga oo ilaa 30 tallaabo u jirtay,
halkaas oo ay joogeen ciidamo kale oo koofiyad cas ah, kuwaas oo ku
wareegsanaa dad kale oo meesha lagu soo ururiyey. Waxaan markaa
arkayey 3 gaadhi oo meesha taagnaa, kuwaas oo kala ahaa: 2 gawaadhida
xamuulka ah ee Paggazi loo yaqaan iyo midkale oo Toyota ah, kaasoo uu
saaran yahay qori baroonka ah.
Waxa uu intaa ku daray in loo qaaday dhanka badda oo ka dib markii la
geeyay xeebta Jasiira koox koox la isugu xidhay ka dibna si
arxan-darro ah rasaas loogu furay, waxaannu isagoo arrimahaas
sharraxayey yidhi; “Waxa amar nalagu siiyey in aanu fadhiisano. Intaa
kadib koox-koox ayaa nalooga daadajiyey carrada tuulan korkeeda iyadoo
shan-shan naloo wadayo oo nala geynayo meel buurta hoosteeda ah. Waxan
dareenay in nala laynayo. Haseyeeshee, maanaan maqal wax dhawaaq ah.
Waxaan bilownay xushxush, qaarkayo ayaa ducaysanaya, qaar waa
ashahaadanayaan 'Laa Ilaaha illaLaahu, Muxamadan Rasuulullahi'....'Laa
Ilaaha illaLaah'."!!! "Si isdabajoog ah ayaa naloogu
caga-juglayanayey, waxan maqlay rasaas. Waxa dadka ku jiray Xasan Nuur
Baaruud oon ka gartay. Waxan ahaa qofkii ugu dambeeyey shantii qof ee
ugu dambeeysey ee loo qaado buurta dhaadhaceeda. Waxa nala fadhiisiyey
meel ku beegan dhaadhaca iyadoo si isdabajoog ah naloo safay
madaxayaguna lugahayaga dhexdood ku jiro. Mid ka mida askartii ayaa
amarka bixiyey isagoo leh: Maxaad qabanaysaa oo aad sugaysaa? Fur
rasaasta."
"Qaylo, oohin iyo humhum sakaraad ayaa la isku daray. Laabta ayaan
dhulka saaray anigoo ateero ku jira ilaa intii rasaastu socotay. Hal
xabbo ayaa iga qabsatay meel ka hoosaysa garabka bidix. Cabbaar kadib
ayey rasaastii joogsatay. Askartii waxay gudo galeen inay dadkii
eegaan si ay u hubiyaan in dhammaantood naftu ka baxday. Qofkii sii
nool shan xabbo ayey laabta kaga dhufanayeen si ay qudha uga qaadaan.
Kadib waxay bilaabeen inay gacmahooda maydka ku aasaan. Dhiig badan
ayaa igu qubtay oo badhkii ahaa dhiig aniga iga daatay badhkiina dadka
igu dul daatay dhiigoodii yahay. Waan gariirayey tiiyoo naxdin,
argagax iyo cabsi badan igu wada kulmeen. Askari baa i arkay markaasuu
qaylyey oo uu yidhi 'kani waa nool yahay'. Mid kale oo ag-joogay ayaa
yidhi 'waar ma noolee nafta ayaa ku sii xarbiyeysa, gariirkii
sakaraadka weeyaane inaga keen'. Ciid baa la igu rogrogay, si fiicana
iimay aasin waayo wey degdegsanaayeen Cumar oo wakhtigaa 25 jir ahaa
waxna ka baranayay magaalada Muqdisho, waxaannu ka mid ahaa 47 kaas
ruux ee ay askartii faqashtu ku xasuuqeen xeebta Jasiira, nasiib
wanaagse uu isaga Illaahay ka badbaadiyay, inkastoo gebi ahaanba
intiii kale xataa raqdooda aan cid la tusin,” ayuu yidhi Mr. Cumar oo
wejigiisa laga dareemayey murugo aad u weyn.
Illaahay ha u naxariisto dadkaas la gumaaday waxa kaliya ee loo
aaneynayay waxay ahayd isirkooda uu Illaahay ka abuuray oo xukuumaddii
xilligaasi ugu talogashay in ay tirtirto, balse dhanka Illaahay aan
laga aqblin oo ay ku guuldarraysatay, kuwii falkaa geystayna inta ka
hadhay maanta ay ku nool yihiin werwer iyo walaac markay dib u eegeen
dhiiggii iyo dhagartii ay galeen, waxana hubaal ah in sida dhagarqabe
Gen. Cali Samater dacwadda loogu soo oogay maalin maalaha ka mid ah
iyagana lagu soo oogi doono xadgudubyada xuquuqda insaanka ah ee ay
geystee.
Haddaba, xasuuqani wuxuu qayb ka ahaa fallalkii isir nacaybka iyo
aargoosiga ahaa ee ay xukuumadii Muqdisho ka amar ku taaglayn jirtay
sida joogtada ah ugula kici jirtay shacbiweynaha reer Somaliland marka
ay ciidamdkoodii naf la caaridka ahaa u babac dhigiwaayaan xabbadda
kulul ee mujaahidintii SNM. Dhammaanba intii ku geeriyootay
xasuuqyadaasna waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu naxariistii janno
ka waraabiyo. Dadka reer Somaliland iyo inta danaysa damiirka
dadnimada iyo Islaanimadana waxa la gudboon in ay u hawlgalaan sidii
maxkamad cadli ah loo keeni lahaa kuwii ka dambeeyay fallkan
arxan-darrada ah.
Maadaama ay tahay sannadguuradii ka 21-naad ee ka soo wareegtay
habeenkaas madow waxaynu xasuusan doonaa magacyada Allah ha u
naxariistee dadkii ciidammada Siyaad Barre ku xasuuqeen xeebta Jasiira
ee magaalada Muqdisho:
1.Ibrahim Hasan Gelle( H.Y) US-OMC-Somali Republic
2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie(H.Y)Businessman
3.Mohamed Ismail Ahmed(H.Y) Businessman
4.Yusuf Mohame Handulle( H.Y)USAID
5.Saeed mohamed Mumin( C.G) Ass.pro.Lafole S.N.U
6.Musa Abdi Gaas( C.G) Businessman
7.Hussein Ali Aden(H.J)Businessman
8.Saeed Nur Musa( H.J)businesman
9.Abdirahman Mohamed Bihi( H.J)Businessman
10.Abiwahab Farah Ahmed(H.Y) Student
11.Abdifatah Ahmed Jiir( H.J) Student
12.Matan Abdi Habashi( Arab)Student
13.Mohamed mohamud Abdi(H.Y) Businessman
14.Ali Mohamed Abdi(H.A) Student
15.Hassan Aw Nur Barud(H.Y) Businessman
16.Abdi Mohamed Abdi (H.A)Technician
17.Ahmed Yassin Omar Jama( H.A) Businessman
18.Mohamed Abdi Hassan( H.A)Businessman
19.Ibrahim Hassan Ege(H.A) Technician
20.Abdi Muhumed Daud (H.A) Businessman
21.Hassan Abdi Muhumed (Arab) Businessman
22.Ali Mohamed Dirie(H.J) C.Serv
23.Jama Mohamed Abdi(H.A) Trader
24.Abdi Osman Dubad(H.Y)Trader
25.Husein Omar Husein(C.G) Trader
26.Mohamed Musa Mohamed(H.Y) Trader
27.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) (H.A)Sportsman
28.Muhumed Abdillahi Warsame (Madigan)Trader
29.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan(H.A)Trader
30.Abdirahman Ahmed Dhimbil (H.A) Civil servent
31.Hussein Muhumed Farah (H.A)Civil servent
32.Mohamoud Bacadle (H.Y) Civil servent
33.Jama Aden (barosin)(H.J) Civil servent
34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi)(H.A)Trader
35.Warsame Dugsiye Reydal (G.B) Trader
36.Barre Osman Abdi (C.G) Trader
37.Abdirizaq Aydiid Mohamed (H.A) Student
38.Hussein Osman Jama (H.A)student
39.Khadar Mohamed Ahmed (H.A) Student
40.Bihi Ibrahim Ahmed (H.A) Student
41.Hassan Nur Hersi (H.A) Student
42.Abokor Mohamed Yousuf (H.A)Trader
43.Hassan Guure Abdi (H.A) Trader
44.Khadar nuur Jama (H.A) Trader
45.Ahmed Yusuf Ibrahim (H.A) Trader
46.Mohamed Osman Jama (H.A)Trader
47.Farah Ismail Awale (H.Y) student
48.Yusuf Abdillahi Roble (C.G) graduate Dr.
49.Dayib Abdi Burale (H.Y) Trader
50.Dahir Mohamed Jama Warfaa (H.Y) Trader
51.Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale)(C.G) Trader
52.Muhidin Macalin Ahmed (Ogaaden)
53.Saadiq SH. Ahmed (ogaden)
54.Bahyaal Muhumud Jiri (Ogaden)
55.Fuad Abdillahi Ibrahim (Arab)
56.Daud SH. Ibrahim (H.Y).
57.Hussein Kheyre Abdi (H.J)
58.Rashid Mohamed Osman (H.A)
59.Abdi Barre Osman (C.G) graduate.
Warbixin. Khadar Xasan Cali Jamhuuriya London

- ToughGong
- SomaliNet Super
- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: SL to commemorate 21st anniversary of Aljazira massacre
A sad day indeed
Inankii Ciise Muuse ee kaa baxay.inadeerkii ayaa noo waramey oo yidhi
The whole thing was carried out with the order of Maslax M.S.B

Last edited by ToughGong on Fri Jul 16, 2010 10:50 am, edited 1 time in total.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
Re: SL to commemorate 21st anniversary of Aljazira massacre
Rightwing,
There are countless lives lost with no names during the struggle. At least these guys are being remembered.
I think we should create a special day for all of those who were murdered in the hands of the faqash.
ILAHAY ha u naxariisto dhamaamtood.
I have a friend/relative who he spent 4 yrs in a death row waiting for execution until the SNM freed him 1988 from mandheera. Talking about Green Mile…….thinking everyday will be your last day for four years.
He’s well adjusted now and graduated from college in the US but I swear at times you look at him and see nothing but a ghost. Sometimes he has a dead soul.
There are countless lives lost with no names during the struggle. At least these guys are being remembered.
I think we should create a special day for all of those who were murdered in the hands of the faqash.
ILAHAY ha u naxariisto dhamaamtood.
I have a friend/relative who he spent 4 yrs in a death row waiting for execution until the SNM freed him 1988 from mandheera. Talking about Green Mile…….thinking everyday will be your last day for four years.
He’s well adjusted now and graduated from college in the US but I swear at times you look at him and see nothing but a ghost. Sometimes he has a dead soul.
- ToughGong
- SomaliNet Super
- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: SL to commemorate 21st anniversary of Aljazira massacre
^
A guy called Abdirisaaq Kooshin (a friend of mine) who was one of these
He told me every friday evening they use to tell him "tommrow is the execution day" Talk about phsychological toruture
Untill the SNM came and freed him
A guy called Abdirisaaq Kooshin (a friend of mine) who was one of these
He told me every friday evening they use to tell him "tommrow is the execution day" Talk about phsychological toruture
Untill the SNM came and freed him
- Rightwing
- SomaliNet Super
- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: SL to commemorate 21st anniversary of Aljazira massacre
He's very strong person walaahi to overcome such trauma. Bal an eegno Kulmiye waatay ku campaign garayn jireen inay madaxtooyada ka dhigi doonaan war memorial.Dhaga Bacayl wrote:Rightwing,
There are countless lives lost with no names during the struggle. At least these guys are being remembered.
I think we should create a special day for all of those who were murdered in the hands of the faqash.
ILAHAY ha u naxariisto dhamaamtood.
I have a friend/relative who he spent 4 yrs in a death row waiting for execution until the SNM freed him 1988 from mandheera. Talking about Green Mile…….thinking everyday will be your last day for four years.
He’s well adjusted now and graduated from college in the US but I swear at times you look at him and see nothing but a ghost. Sometimes he has a dead soul.
- Rightwing
- SomaliNet Super
- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: SL to commemorate 21st anniversary of Aljazira massacre
Lucky guy dheh. Imisaa aakhiro loo diray oo aan cidna loo qaban.seemeyer wrote:^
A guy called Abdirisaaq Kooshin (a friend of mine) who was one of these
He told me every friday evening they use to tell him "tommrow is the execution day" Talk about phsychological toruture
Untill the SNM came and freed him
Waxaan la yaabay kuwa 20 sano ee u danbeeye Xamar intay tagaan futadana vasiline sii marsadaan dirta waqooyi la baxa

-
- SomaliNet Super
- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
Re: SL to commemorate 21st anniversary of Aljazira massacre
seemeyer wrote:^
A guy called Abdirisaaq Kooshin (a friend of mine) who was one of these
He told me every friday evening they use to tell him "tommrow is the execution day" Talk about phsychological toruture
Untill the SNM came and freed him
Abdi rizaq Alfo is very focal about it (seen some of his posting in the internet) but this guy doesn't usually talk about his experience there. He was relatively younger than his fellow inmates. I think he was shocked.
I’m helping him writing a book about his experience.
I also saw Ahmed Sh. Ibrahim Sh. Madar in Hargeisa who was one of these guys in the death row. He lost it now and wonders around the streets of Hargeisa. He used to live in Holland. Very beautiful person.
Cabdirahman Ismaciil is also living in UK and I heard he’s not doing that well either.
Abdi Rixiim maxamed baaruud (another death row inmate) died in 88 while fighting in Hargeisa.
RightWing,
Madaxtooyada memorial dgihayaa miyaa? taa maan maqal. I think it makes prefect sense. Halkii laga so xukumi jiray ee go'aanada lagu soo gaadhi jiray in laga dhigo memorial.
BTW, Nin hunguri ku doorsaday dadnimadiisa ma waxaad ka sugaysaa wanaag. Anigu kuwaasi iimaba xisaasana waayo waxaan ogaaday inaany waxba Somaliland runtiika qaadayn.
- Rightwing
- SomaliNet Super
- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: SL to commemorate 21st anniversary of Aljazira massacre
Dhaga Bacayl
Which state do you live in?
Which state do you live in?
- ToughGong
- SomaliNet Super
- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: SL to commemorate 21st anniversary of Aljazira massacre
Haa waa Alfo.its true that he doesn't much mention those events,laakiin on the odd occasion he'll open up and tell you some horror stories Wallee,Like the time when they would stab him in the stomach with a bone dry snapped in the middle Cadey stick (He said it doesn't sound much.but you're left with thousand of splinters embedded in the skin)
And the old water torture eas a reguler occurance

Last edited by ToughGong on Fri Jul 16, 2010 11:53 am, edited 1 time in total.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
Re: SL to commemorate 21st anniversary of Aljazira massacre
Rightwing wrote:Dhaga Bacayl
Which state do you live in?
Check your pm.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
Re: SL to commemorate 21st anniversary of Aljazira massacre
seemeyer wrote:Haa waa Alfo.its true that he doesn't much mention those events,laakiin on the odd occasion he'll open uop and tell you some horrer stories Wallee,Like the time when they would stab him in the stomach with a bone dry snapped in the middle Cadey stick (He said it doesn't sound much.but you're left with thousand of splinters embedded in the skin)
And the old water torture eas a reguler occurance
I was saying that Abdirizaq actually talks bout his ordeal publicly where this guy I was talking about wouldn’t even mention that he was sin prison let alone talking about what happened there.
- hargaysaay
- SomaliNet Super
- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: SL to commemorate 21st anniversary of Aljazira massacre
mujaahidkii dalka xoreeyay ee cabdiraxmaan tuur baa kamid ah kuwaas aad sheegaysid ee is daji duqaRightwing wrote:Lucky guy dheh. Imisaa aakhiro loo diray oo aan cidna loo qaban.seemeyer wrote:^
A guy called Abdirisaaq Kooshin (a friend of mine) who was one of these
He told me every friday evening they use to tell him "tommrow is the execution day" Talk about phsychological toruture
Untill the SNM came and freed him
Waxaan la yaabay kuwa 20 sano ee u danbeeye Xamar intay tagaan futadana vasiline sii marsadaan dirta waqooyi la baxa![]()
-
- SomaliNet Super
- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
Re: SL to commemorate 21st anniversary of Aljazira massacre
AUN walaalayal dont blame our clan though
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 7 Replies
- 956 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 1 Replies
- 498 Views
-
Last post by STARKAST
-
- 19 Replies
- 1296 Views
-
Last post by hanqadh
-
- 1 Replies
- 717 Views
-
Last post by Queen_Arawello
-
- 4 Replies
- 805 Views
-
Last post by ZubeirAwal
-
- 125 Replies
- 5463 Views
-
Last post by zingii
-
- 0 Replies
- 400 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 4 Replies
- 1158 Views
-
Last post by Futurist
-
- 21 Replies
- 3956 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 1 Replies
- 324 Views
-
Last post by miskeen86