Reer Burco Invading Hargeisa Since Silaanyo Came to POwer

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Reer Burco Invading Hargeisa Since Silaanyo Came to POwer

Post by LiQaaye_TDH »

Boqollaal Dadweynaha Reer Burco ah oo si Xoog leh ugu Qulqulaya Hargeysa Intii la doortay Madaxweynaha Cusub


Burco (Buraoonline.com) 17.07.10 Goobaha kala duwan ee bulshadu ku kulmaan gudaha magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa dhawrkii maalmood ee u dambeeyey si weyn looga hadal-hayey boqollaal qof reer Burco ah oo maalin walba sida daadka ugu qulqulaya dhinaca caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Dadweynaha reer Burco, ayaa la sheegay inay si xad-dhaaf ah ugu sii qulqulqayaan dhinaca caasimadda Somaliland ee Hargeysa tan iyo intii la doortay Madaxweyne cusub ee Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo.

Waxa mashquul badani ka muuqdaa goobaha laga raaco gaadiidka ee loo yaqaan istaamada, gaar ahaan kuwa looga baxo caasimadda Hargeysa. Waxa kordhay tirada gaadiidka u baxa dhinaca magaalada Hargeysa oo aan markii hore ka badnaan jirin laba iyo saddex, balse hadda gaadhay inay maalintii ka baxaan gaadiid kala duwan oo gaadhaya ilaa tobaneeyo gaadhi maalin kasta.

Haddaba, qaar ka mid ah kaariyiinta ka hawlgala istaanka Burco ee looga baxo magaalada Hargaysa, ayaa Jamhuuriya uga warramay isbeddelka cusub ee ku soo kordhay istaankooda iyo sida dadweynaha Burco ugu sii qulqlayaan dhinaca caasimadda.

“Magacaygu waa Cabdiqani Maxamed Xasan waxaan ka mid ahay kaariyiinta istaanka, maalintii magaalada Burco waxa ka baxa ilaa 10 gaadhi, waxayna u baxaan Hargeysa. Waxa soo gala ilaa saddex ilaa afar gaadhi. Garman mayno dadkaasi halkay ku socdaan ilaa labaatan casho sidaas ayey ahaayeen. Maalmahan dambe baabuurta guryahooda ayaannu ugu taganaa si ay dadka u qadaan, markii la kala waayay gaadiid la raaco. Waxaannu leenahay dawladda cusub ma Hargeysa oo keliya ayay noqotay, miyaanay na soo gaadhayn?”

“Magacaygu waa Axmed Siciid Cabdillaahi, waxaanan ahay nin istaanka ka rara baabuurta rakaabka, dadkuna waxay ku socdaan caasimadda. Gabaadhida halkan ka baxdaa waa ilaa 10 baabuur oo isagu jira tagaasi iyo basas, waxaanan filayaa dadwaynaha halkan ka baxaa inay doonayaan xilal iyo kuraas, waxana si weyn u kordhay suuqayagii oo gaadiidkii waa widhiidh maalin iyo habeenba, shaqadayaduna way korodhay intii la doortay Madaxweynaha cusub, balse magaaladii dadkii waa ka sii qulqulayaan, waxay raadiyanaa wali maanu fahmin iyo hogosha Hargeysa ka hoortay.”

Dadwaynaha kala duwan ee ku sii socda magaalada Hargaysa ee caasimadda ah, ayaa isgu jira kuwo xilal doonaya oo huguri badani ka hayo ka mid noqoshadd masaabyada kale duwan ee xukuumaadda cusub laga dhawrayo iyo kuwo jibbo farxadeed madax-martay oo la dhacsan guusha u soo hoyatay xisbiga KULMIYE.

Waxa kaloo albaabada u xidhan yihiiin dhamaan xarumihii iyo xafiisyada saddexda xisbi qaran, kuwaasoo masuuliyiintoodii u sarreeyey ilaa kuwii u hooseeyay u dhaqaaqeen dhinaca Hargeysa.

Sidoo kale, gobollada Sanaag iyo Sool ayaa iyagana si weyn looga dhaqaaqay, iyadoo loo kicitimay dhinaca caasimadda Somaliland, waxana la sheegay in magaalada Hargeysa la ceeryoomayso dad iyo gaadiid badan, isla markaana buuxsameen huteellada la seexdo.

Buraoonline.com
User avatar
Cirwaaq
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6472
Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
Location: Event Horizon periphery... HIILumination

Re: Reer Burco Invading Hargeisa Since Silaanyo Came to POwe

Post by Cirwaaq »

Does that mean due to economy of scale Burco will cease to exist?
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5296
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: Reer Burco Invading Hargeisa Since Silaanyo Came to POwe

Post by KingWaslawi »

Cirwaaq wrote:Does that mean due to economy of scale Burco will cease to exist?

Maya dadkani waa xilal doon, oo dawladda cusub bay doonayaan inay jagooyin ka helaan. ka dibna way noqonayaan.
Burco meel ka nolol wanaagsani ma jirto.
User avatar
yunis09
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3441
Joined: Thu Feb 19, 2009 1:32 pm

Re: Reer Burco Invading Hargeisa Since Silaanyo Came to POwe

Post by yunis09 »

Nothing new here people always flock to the capital in masses because they believe the opportunities are greater there.
User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: Reer Burco Invading Hargeisa Since Silaanyo Came to POwe

Post by ToughGong »

:lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
User avatar
Phd in naago kudis
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6349
Joined: Sun Apr 22, 2007 7:41 pm
Location: Smoking Shiisha With Ali Baba

Re: Reer Burco Invading Hargeisa Since Silaanyo Came to POwe

Post by Phd in naago kudis »

learn from da marexaans bak in da xamar days
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Reer Burco Invading Hargeisa Since Silaanyo Came to POwe

Post by Somalian_Boqor »

Phd in naago kudis wrote:learn from da marexaans bak in da xamar days
:lol: :lol: :lol:
paidmonk
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11989
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
Location: http://majerteen.blogspot.com/

Re: Reer Burco Invading Hargeisa Since Silaanyo Came to POwe

Post by paidmonk »

Habar Jeclo are the new Marexaan; they are both called ilkayar, might as well copy each other. :mrgreen:
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Reer Burco Invading Hargeisa Since Silaanyo Came to POwe

Post by SahanGalbeed »

Wallahi Ilaahey ha inoo daaye , reer Burco dad qosolka ka dhamayna weeye . Berigii hore waxay ahayd shekadoodu " war Hargeysa meel dhimatay weeye e ha la inooga soo raro caasimada ". Iminka kaartadi bay badaleen o magaaladi bay rabaan iney inaga saaran .Walle kuwani Hargeysa deeqi mayso Gabiley bay inoogu soo socdaan e , ayaa Ilaahey yaqaan oo inaga qabta :lol:
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Reer Burco Invading Hargeisa Since Silaanyo Came to POwe

Post by SahanGalbeed »

Warye reer burco ,war de maddaxdii waddankaad noqoteen e waan idin la kaftamayna e ,ina la qosla . Sow kuwa inoo aamusay ba :lol:
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Reer Burco Invading Hargeisa Since Silaanyo Came to POwe

Post by Goljano Lion »

Waxaannu leenahay dawladda cusub ma Hargeysa oo keliya ayay noqotay, miyaanay na soo gaadhayn?”


welcome Reer Burco but please dont bring Budhadh

Sidoo kale, gobollada Sanaag iyo Sool ayaa iyagana si weyn looga dhaqaaqay, iyadoo loo kicitimay dhinaca caasimadda Somaliland, waxana la sheegay in magaalada Hargeysa la ceeryoomayso dad iyo gaadiid badan, isla markaana buuxsameen huteellada la seexdo.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”