Big Party For President Hon: Ahmed Silaanyo in E-London

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Big Party For President Hon: Ahmed Silaanyo in E-London

Post by LiQaaye_TDH »

Image

Waxa xalayto ka dhacdey xaafad ka mid ah xaafadaha ay reer Somalilandku aadka ugu badan yihiin oo ku taala bariga magaladan London xaflad si heersare losoo agaasimay oo ujeedadeedu ahayd xuska iyo dabaaldega doorashadii ka dhacdey Dalka Somaliland 26 juun.

Xafladan oo dadlkii kasoo qaybgalay ay ka kala yimaadeen dhamaan dacalada dalkan Ingiriiska waxa ay isugu jireen dhalinyaro,aqoonyahano,haween iyo wasiiro dhawaan madaxweynaha cusub uu jagooyin u magacaabay oo nasiib u yeeshan inay ka qaybgalaan xafladan.

Xafladan oo ahayd ujeedadeedu in la xuso horumarka iyo sida quruxda badan ee ay Somaliland uga dhacdey doorashadu sidoo kale sida quruxda badan ee hogaankii hore ee dalku uu xukunka u wareejiyey oo ahayd mid runtii aan ka dhacin dhamaan dalal badan oo aduunka ka tirsan.

Waxa xuska nasiib u yeeshay inuu ka hadlo mid ka mid ah wasiirada xukumada Cusub ee uu dhawaan soo dhisay madaxweynaha cusub ee Somaliland Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waa Dr Sacad Cali Shire oo loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarka waxa uu aad ugu mahadnaqay dadkii soo abaabulay madashan quruxda badan iyo dhamaan shacabka reer Somaliland ee kazoo qaybgalay,waxa kale oo uu sheegay in aanay kaligood waxba qaban Karin hadii aanay ka helin tageero shacabka reer Somaliland,sidoo kale waxa uu sheegay in wasaarad ahaan ay ku dedaalayaan inay wax weyn ka qabtaan baahiyaha ka jira dalka.

Xaqiiqadii dadka meesha ka hadlay oo aad u fara badnaa oo aan hadaladoodii halkan lagu soo koobi karin waxa ay dhamaan dadka madasha ka hadlay ka sinaayeen in ay maanta guul usoo hoyatey Somaliland oo caalamkuna uu ogaadey in Somaliland ay ku talaabsatey horumar la taaban karo una baahan in caalamku wakhtigan uu Somaliland indhana kusoo eego.

Sidoo kale shacabweynaha reer Somaliland ee madasha jogay waxa ay aad ugu faraxsanayeen sida quruxda badan ee ay Somaliland doorashadu uga dhacdey iyo rajada ay ka qabaan inay dalkii ka gaystaan tageero dhinac walba leh.

Dadkii meesha ka hadlay waxa ma mid ahaa Dr Sacad Cali Shire Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarka Somaliland, Quman Jibriil Ali, Dr Cumar Cismaan Cartan,Cabdi Bacow ,Asha –lul Maxamed Yusuf,Asha M Qalib,Casha Maxamed Mareykan,Jamac Haybe, Bashe Jamac.Faysal Cilmi iyo madaxkale oo aad u farabadan.

Waxa xafladan si wada jir ah u qabanqaabinaya ururada kala ah: Somaliland Society UK (SSUK), West London Somaliland Community, Somaliland Society Europe (SSE), Somaliland Recognition Action Group, Somaliland Education and Cultural Project, Karin Housing Association, OSCA, Nomad International, TAF iyo Haringey Somali Community and Cultural Association. Waxa kaloo munaasibadan ka qayb qaadanaya safaarada Somaliland ee London iyo xisbiyada qaranka Somaliland ee UK (KULMIYE, UCID iyo UDUB)
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Big Party For President Hon: Ahmed Silaanyo in E-London

Post by The_Emperior5 »

More pics

Image


Image

Image
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Big Party For President Hon: Ahmed Silaanyo in E-London

Post by The_Emperior5 »

Image

Image

Image
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”