Page 1 of 1

The new somaliland defence minister Axmed X. Cali Cadami

Posted: Sat Jul 31, 2010 9:03 pm
by Siciid85
Image


Hargeysa(Togaherer.com):- Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed X. Cali Cadami, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay awoodda Wasaaradda uu loo magacaabay, isla markaana waxa uu sheegay inay dad badan oo asxaabtiisa ahi ka biyo-diideen Wasaaradda uu tagay oo uu xusay inay u haystaan meel khatar ah oo laga acuudibillaysto, hase ahaatee, aanu isagu sidaas oo kale u arkahayn.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md. Cadami oo shalay si rasmiya xilkii Wasaaraddaasi ula wareegay, waxa uu sheegay in xaaladda ka jirta Bariga Sanaag iyo Buuhoodle wadahadal iyo masaalaxo wax lagaga qabanayo ee aanay dagaal kala hortagaynin, hase ahaatee, cidda arrintaasi ay khusaysaa haddii ay wax ka qaban waayaan, iyagu u dhiman doonaan.
“Anigu waxaan Wasaaradda Gaashaan-dhigga u aqaanaa adduunkuna u yaqaanaa muhiim afar Wasaaradood ayaa qaab dhismeedka dalka ugu muhiimsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gaashaan-dhigga, Maaliyadda iyo arrimaha dibadda, markaan cabbiro wixii aan soo arkay iyo wixii aan akhriyeyba, waan u hanweynaa Wasaaradda Gaashaan-dhigga, waxaan u haystay in xul ahaan la iigeeyay ee uma aan qabin in muquuno ahaan la ii geeyay. Markii aan suuqa galay marka aan si dhab ah u kaftamo waxoogaa mooraal-jab ah ayaa igu dhacay oo waxa la iga dhigay nin meel cidla ah lagu tuuray.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhiggu Axmed X. Cali Cadami,
Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo yidhi; ”Waan yaabay oo waxaan idhi xaggee ayay salaadu ka xidhmi la’dahay. Saaka waxa ii soo noqonaya mooralkii oo waxaan ogaaday in Wasaaradani tahay sidii aan markii horeba fikrada uga haystay. Dadka qaar waxay igu yidhaahdaan Cadamiyoow nin nabadeed ayaad ahayde maxaad meeshan khatarta ah uga cuudubilaysan weyday, waxaan dadkaas u sheegayaa inaan wali ahay nin nabadeedkii.”
Wasiir Cadami, waxa uu ka hadlay, arrinta Bariga Sanaag iyo Buuhoodle, oo uu sheegay inay jecel yihiin in nabad iyo wadahal lagu dhammeeyo ee aan dagaal lagu degdegin, isla markaana waxa uu xusay inuu ciddii arrintaas ku habboonayd la diray oo ay ku maqan tahay, haddii ay wax ka keeni waayaanna iyagu u dhiman doonaan.
“Halkaa (Deegaannadaas) dadkii ku habboonaa ayaa loo diray, hadday wax ka qaban waayaan oo ay waxba ka keeni waayaanna iyaga ayaa u dhimanaya.” ayuuu yidhi Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaanu u mahadnaqay Wasiirka xilka ku wareejiyey iyo shaqaalaha wasaarradda uu tirsaday. Gebagabadii waxa uu Cadami sheegay inuu saraakiisha iyo hawl wadeennada kala duwan ee Wasaaradda kula shaqayn doono jawi wada tashi iyo wax is waydiin ah, shaqaalahana sidaas oo kale uu ka filayo.

Re: The new somaliland defence minister Axmed X. Cali Cadami

Posted: Sat Jul 31, 2010 9:04 pm
by paidmonk
What will he do about the invading TPLF forces in a few weeks?

Re: The new somaliland defence minister Axmed X. Cali Cadami

Posted: Sat Jul 31, 2010 9:05 pm
by The_Emperior5
paidmonk wrote:What will he do about the invading TPLF forces in a few weeks?
He has good diplomatic connection with sri lanka and he can send special tamil tiger forces to hunt tplf

Re: The new somaliland defence minister Axmed X. Cali Cadami

Posted: Sat Jul 31, 2010 9:50 pm
by Siciid85
The_Emperior5, this tamil tiger will secure all the far eastern borders of sanaag and properly attack pirateland and capture bosaso :lol: .

Re: The new somaliland defence minister Axmed X. Cali Cadami

Posted: Sat Jul 31, 2010 10:00 pm
by Knight of Wisdom
How come he doesn't have the title of "Mujaahid" ? :?

Re: The new somaliland defence minister Axmed X. Cali Cadami

Posted: Sat Jul 31, 2010 10:08 pm
by Siciid85
^^SNMTA kuma jiriin.

Re: The new somaliland defence minister Axmed X. Cali Cadami

Posted: Sat Jul 31, 2010 10:10 pm
by paidmonk
Knight of Wisdom wrote:How come he doesn't have the title of "Mujaahid" ? :?
He did not chew khat and play kaban. You have to hold 8 pounds of khat in your cheeks and play all the strings of kaban in order to become a "mujahid" in waqoyiland. :lol:

Re: The new somaliland defence minister Axmed X. Cali Cadami

Posted: Sat Jul 31, 2010 10:12 pm
by Knight of Wisdom
Siciid85 wrote:^^SNMTA kuma jiriin.
Oh, okay. :|

Re: The new somaliland defence minister Axmed X. Cali Cadami

Posted: Sat Jul 31, 2010 10:23 pm
by grandpakhalif
paidmonk wrote:
Knight of Wisdom wrote:How come he doesn't have the title of "Mujaahid" ? :?
He did not chew khat and play kaban. You have to hold 8 pounds of khat in your cheeks and play all the strings of kaban in order to become a "mujahid" in waqoyiland. :lol:
:lol: :lol: