Cuqaasha iyo waxgaradka beesha Jaamac Siyaad oo aan u kala hadhin ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey inay ka baxeen maamulka Puntland,waxayna sheegeen in shakhsi ka metelaa aanu ku jirin,oo ay kalsoonidii kala baxeen.
Waxay cuqaasha oo aan u kala hadhin ay sheegeen inuu noqday maamul cunsuri ah oo umada Soomaaliyeed dhib weyn ku haya,iyaga oo masaafuris iyo midab kala sooc ah ay umada Soomaaliyeed u geystaan.



