Wasiirka Cusub Ee Maaliyada Oo Balan Qaaday In Jaadka Ka Soo Gala Ethiopia Loogu Bedeli Doono..
August 2nd, 2010 Comments Off
Wasiirka Cusub Ee Maaliyada Oo Balan Qaaday In Jaadka Ka Soo Gala Ethiopia Loogu Bedeli Doono Milixda Iyo Kalluunka Somaliland
Wasiirka Cusub ee wasaarada Maaliyada, Eng.Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sheegay inay dawlada Ethiopia kala hadli doonaan siddii ka ganacsiga Jaadka Somaliland looga soo waarido dhanka Ethiopia taas bedelkeeda milixda iyo kalluunka siddii Somaliland ay Ethiopia ugu iib geyn lahayd.
Wasiirka Maaliyada,Eng.Maxamed Xaashi waxa kale oo uu sheegay in shaqaalaha maaliyada oo uu sheegay in aanay qaadan jirin mushahar ku filan la siin doono mushahar iyo gunooyin daboola baahiyahooda si ay u nabad gasho hantida umaddu leedahay ee ay masuulka ka yihiin.
Wasiirka Maaliyadu waxa kale oo uu sheegay inay guddi soo baadha u saarayaan dayn uu sheegay wasiirkii hore ee maaliyadu,Cawil Cali Ducaale, in lagu leeyahay wasaarada.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale, ayaa maalintii doraad la sheegay inuu ka muquurtay xil wareejintii wasaaradaasi uu xilka u tirinayay wasiirka cusub ee loo soo magacaabay Eng Maxamed Xaashi Cilmi, iyada oo la sheegay inuu Cawil fariin soo diray la leeyahay wuu xanuunsanayaa., iyada oo Maxamed Xaashina uu ku sugnaa xarunta maaliyadda oo uu sugayay inuu Cawil xilka wasaarada u tiriyo.
Shalay subaxdii hore ayaa waxa xarunta maaliyadda ku soo diyaar garoobay Eng Maxamed Xaashi Cilmi, si xilka uu ugala wareego wasiirkii hore ee maaliyada Cawl Cali Ducaale oo muddo dhawr saacadood ah kaddib soo gaadhay xarunta wasaarada, ayaa wasiirkii hore waxa uu saxaafada oo goobtaas diyaar ku sii ahayd ku wargeliyay in aanay soo galin xafiiska xil wareejintu ka dhacaysay, ka dibna saxaafada madaxa banaan intoodii badneyd ayaa halkaas ka dareertay oo Haatuf ka mid ahayd.
Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyadda Cawil Cali Ducaale oo goobtaas xilka ay kula kala wareegayeen wasiirka cusub Eng Maxamed Xaashi Cilmi ay goob joog ahaayeen saraakiil ka tirsan wasaaradaasi, ayaa hadal dheer oo Cawil halkaasi ka jeediyay waxa uu sheegay, in dayn farabadan oo wasaarada lagu leeyahay uu ku wareejinayo wasiirka cusub.
Wasiirka cusub ee maaliyada Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isaguna hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyay sheegay inuu Cawil yahay nin weyn, islamarkaana jaanis uu ku hadlo aanu ii reebin oo wakhtigii uu isagu (Cawil) wada qaatay, dayntaasi uu Cawil sheegayna ay tahay in guddi soo baadha loo saaro.
Wasiirka cusub ee maaliyada,Eng.Maxamed Xaashi iyo wasiirkii hore,Cawil Cali Ducaale, ayaa lagu tilmaami jiray rag xaga siyaasada deeradu dhex miran jirtay, taasoo inta badan eedo musuq maasuq iyo jawaabo ay isku marin jireen saxaafada.
Xigasho: Haatuf
Somaliland finance minister new changes
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
-
- SomaliNet Super
- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
Re: Somaliland finance minister new changes
Gudi lo osaaro waxba ka keeni mayso waxa ku dhacay khasnada Cawil iyo rayaale hadalka yaree yaa yidhaa odayga. The whole government is bank corrupt. Sillanyo told us that markaa adeer hadalka yareeyo waxaad imika qaban kartuun qabo yaa yidhi. Kaluunka iyo Lobster kaba si qarsoodiya Ethiopia looga iibin jiray. In la qarameeyaa waa muhiim. Wliba private sector la siiyo. Salt industry is very valuable and yes, Ethiopia needs badly.
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- Cali_Gaab
- SomaliNet Super
- Posts: 14013
- Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
- Location: Sleeping next to my life's cottage
Re: Somaliland finance minister new changes
I posted in the wrong topic, i reposted it in your other topic "ex wasiir cawil vs new wasiir xaashi"
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 1351 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 1 Replies
- 1228 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 20 Replies
- 3150 Views
-
Last post by Samatr
-
- 0 Replies
- 613 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 4 Replies
- 614 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 411 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 567 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 14 Replies
- 1965 Views
-
Last post by zingii
-
- 6 Replies
- 911 Views
-
Last post by guutale
-
- 3 Replies
- 632 Views
-
Last post by CismanMaxamud1