Madaxweynaha Somaliland Mudane; Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa goor dhaweyd si rasmi ah xilkii Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ugu wareejiyay Guddoomiye ku xigeenka xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi
Siilaanyo waxa uu xafladii xilwareejinta ee Guddoomiyenimada Xisbiga ka sheegay inuu xisbigu fulinayo Go’aamadii ka soo baxay shirweynihii labaad ee xisbiga kulmiye ee Burco kaasoo ay ka mid ahayd inuu xilka wareejiyo haddii uu ku guulaysto talada Dalka., isagoo qadarinaya inaanu laba xil qofna isku hayn karina uu maanta go’aansaday inuu wareejiyo
Intaanu xilka wareejin ka hor waxa uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay xukuumad ahaan inay ku mashquulsan yihiin dhismaha Xukuumadda isla markaana ay magacaabeen Golihii wasiirada, taasoo uu sheegay inay ku keentay caqabado badan oo ay ugu weyn tahay xukuumadda la yareeyay oo sababtay dadkii iska waayay inay siyaabo badan u saamaysay, waxaanu ka codsaday dadka dareenkoodu lab kacay inay isdajiyaan oo aanay xanaaqin
Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Maanta lagu wareejiyay xilka Xisbiga ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uga mahad naqay sida kalsoonida leh ee uu xilka u wareejiyay isagoo sheegay inay Afrika ku yar tahay Madaxweyne taladii xisbiga wareejiyay, waxaanu xusay Madaxweyne Siilaanyo inuu yahay Macallinkiisii Siyaasada haday tahay Halgankii iyo haday tahay ta xisbinimadaba
Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay Axmed Siilaanyo inuu yahay Siyaasi aragtidiisu dheer tahay isla markaana fuliya balamaha, waxaanu xusay maanta oo kaliya inaanu ku sifoobin inuu qadariyo heshiiskii xisbigiisu galay ee uu hore tan oo kale u sameeyay gaar ahaana wakhtigii SNM ee Bali-gaubadle, isagoo intaa raaciyay inuu la shaqayn doono ee aanu ka hor imanayn
Waxa munaasibadii xil wareejinta ka hadlay Lbada Guddoomiye ee labada Aqal ee Baarlamaanka Saleebaan Maxamud Aadan iyo C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro”, waxaanay labada Guddoomiye u mahadnaqeen Madaxweyne Siilaanyo sida uu u wareejiyay Guddoomiyenimadii xisbiga, Muuse Biixina waxay u rajeeyeen in Illaahay u fududeeyo xisbiga iyagoo labada masuul Siilanyo iyo Muuseba ka codsaday inay Xisbiyada Mucaaradka ahna dhisaan
Somaliland horumar weeye walahi. The progressive political atmosphere in Somaliland is one that shall continue to grow as time goes by. Yet again are the Somaliland politicians setting the blueprint for others to follow.
Muuse bixi speech was great he said when silanyo was the chairman of the SNM in 1989 at baligubudle he transfer the power peacefully and in a democratic way and today he did it with Kulmiye
Liqaaye, what do you mean with 'maxaad ogoshihiin'??
Habar Jeclo will always be transparant within the Kulmiye party, no matter who is in charge.
The biggest voting block will always get good positions markaa sit back and enjoy the ride.
I wonder who will be Gudoomiyaha ku xikeenka. Kulmiye.org also needs to update the website and get rid of the Silaanyo picture.
Cali_Gaab wrote:Liqaaye, what do you mean with 'maxaad ogoshihiin'??
Habar Jeclo will always be transparant within the Kulmiye party, no matter who is in charge.
The biggest voting block will always get good positions markaa sit back and enjoy the ride.
I wonder who will be Gudoomiyaha ku xikeenka. Kulmiye.org also needs to update the website and get rid of the Silaanyo picture.
Gudoomiya kuxigeenka kobaad will ina cabdulqaadiir the H.y. man