Puntland Meets UN & World Bank Delegation

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Kheyrow
Posts: 72
Joined: Sat Jul 10, 2010 9:14 am

Puntland Meets UN & World Bank Delegation

Post by Kheyrow »

Image

Dowladda PL oo la kulantey wufuud ka socota QM

4 Aug 4, 2010 - 12:06:11 PM

Wafti sare oo ka socda UN-ka oo uu hogaaminayo Mark Bowden [ United Nations Resident and Humanitarian Coordinator for Somalia] ayaa maalintii shaley booqasho ku yimid magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Waftigaan ayaa waxaa safarka ku weheliyey u saraakiil ka socota Bangiga Aduunka [ World Bank] kuwaasoo dowladda kala hadlayey sidii looga tageeri lahaa mashaariicda lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaale ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mud. Cabdiraxman Maxamad Maxamud Farole iyo Guddi Wasiiro ah ayaa kulan soconayey muddo shan sacadood ah la galey Waftigaan ka socdey hay'adaha QM ee tageera Somalia.

Kulankaan ayaa salka ku hayey sidii looga guuri lahaa qorshe horumarineed la yiraahdo RDP [ Development Reconstruction Plan] oo ahaa qorshe KMG ah ee QM [UN Transitional Plan] iyadoo looga wareegayo UN Somalia Assistance Strategy kaasoo la waafajin doono waxaa loogu yeero Millennium Development Goal.

Dhinaca kale Kulankaan ayaa lagaga hadley dadka IDP iyadoo dowladda Puntland u soo bandhigtey waftiga QM sidii siyasdeeda loo waafijin lahaa howlaha bini'aadnimo ee ku aadan barakacayaasha.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale waftigaan casho sharaf ugu sameeyey caawa 4.08.2010 aqalka Madaxtooyada Garowe.

Wufuud kale oo ka socotey hay'adaha UN ayaa maalmahaan la kulmeysay madaxda sare ee dowladda gaar ahaan Madaxweynaha Puntland kuwaasoo ka socday guddi UN ah oo qoraya Dastuurska Somalia iyo Dr. Shamsul Bari oo ah u qaybsane madax banaan ee xuquuq insaanka.

Kulamadaan ayaa dhamaantood ku dhamaadey is-afgarad iyada oo sarkiil ka tirsan dowlada u sheegtey GO in qoraal wadajir ah ee ku saabsan qaabkii Puntland looga tageeri lahaa mashaariicda hurumarinta kasoo bixi doono deeq bixiye-yaasha.

Wadahadalada maalintii shaley 4.08.2010 dhexmarey waftiga QM iyo dowladda Puntland diirada la saarey sidii deeq bixiye-yaasha gacan uga gaysan lahaayeen sidii dib loogu dayac tiri lahaa wadada isku xirta Galkacayo & Garowe, Garoomada iyo dekada magaalada Bosaso kuwaasoo dhamaantood la sheegey iney wax ka badalyaan nolosha kumanaan qof oo reer Puntland ah.

GAROWE ONLINE
Kheyrow
Posts: 72
Joined: Sat Jul 10, 2010 9:14 am

Re: Puntland Meets UN & World Bank Delegation

Post by Kheyrow »

Enuff of the meetings farole and lets see some implementation. He needs to seriously stop these meetings of inconvience and lets start to see real groundwork being done. Wallahi waan nacay these meetings or mar walbo la sheegayo "is af-garad" ayay ku dhamatay line and 3 months later another organization ayay la shirayan and talking about the same issue that was talked about 1 year ago.

We need to see implementation of this. Dekeda iyo airportyada horta tan mar hore inay dhamaato bay ahayd ma ahan inu hada shir iyo time-wastng sameeyo. This meeting with the U.N should've of been about how to set up road networks for tuuloyinka ama something new not something that should've of been completed a long time ago like dekedaha iyo airportyada. I wouldnt mind if he was talking about building an airport in badhan ama meel aanan weli laga hadlin lakin the same issue ayay ka shiran every f-king month dekedana iyo airportkan thats all they meet about that and oh yes the IDPS war kuwas dhulkooda haa loo celiyo we dont need them all in puntland because it causes higher unemployment we just need sustainable amount of idps depending on the work that is available in puntland siiba construction/maids/fishery sector.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”