
Reer Xassan Xildhibaan Indhageele,

Former SNF spokesman Col Maxamud Samatar

Ambassador Cumar

Guy in glass is former governor of central Bank Jangeli

Guy wearing hat is Ayaanle Maxamed Siyaad

Booqashadii SDSI Ee Magaalada Seattle ee Gobalka Washington
wafti ka kooban Shan xubnood oo uu hogaaminaya gudoomiyaha ururka SDSI mudane cabdinur Sh.Cabdisalaam Aw-Maxamuud.Socdaalka Xubnahaan ay ku soo garaan magaalada Seattle ayaa qayb ka ah safaro kala duwan oo uu ururka SDSI ku marayay Qaarada Yurub,Mareykan iyo Canada. Maqal Iyo Muuqaal (Qudbooyinka)
Wafdigaan oo ka koobnaa Shan xubnood oo kala ah;gudoomiyaha ururka SDSI Cabdinur Sh.Cabdisaalm Aw-Maxamuud,Labadiisa ku xugeen Cumar Sh.Maxamuud,Axmed Dahir Carabeey,Ayaanle Maxamed Siyaad iyo Ibraahim Yusuf Faarax(Ibraahim Dheere) ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Seattle iyagoo markiiba guda galay kulamo is dabajoog ahaa oo ay la qateen dhamaan qaybaha kala duwan oo ay bulshadu ka koobantahay.Hadaba kulamadaan kala duwan oo qaatay muddo Shan maalmood ah oo waftdigii SDSI ay Seattle ku sugnayeen ayaan waxan isku dayaynaa in aan soo koobno.
SDSI iyo Gurtida Jaaliyadda Gobalada Gedo,Galgaduud iyo Jubooyinka.
Maalintii Jimcaha oo ay tariikhu ku beeganayd 16 bishaan oo ah maalintii wafdiga SDSI soo gaareen magaalada Seattle ayaa waxaa martiqaad qadosharaf ah u sameeyey guurtida jaaliyada oo uu horkacayay Maxamuud Samatar Axmed.Kulankaan oo ahaa mid si fiican loo soo agaasimay siweyna odayaasha ay uga qaybgaleen ayaa ujeedadiisu ahayd isbarasho.
Nabadoon Maxamuud Samatar oo ku hadlay afka golaha guurtid ee jaaliyada gobalada Gedo,Galgaduud iyo Jubooyinka ayaa ugu horayn mahad balaaran u jeediyay wafdiga SDSI ee safarka ku soo gaaray magaalada Seattle.Waxaa sidoo kale madashaas ka hadlay odayaal dhawr oo uu ka mid yahay Bacadle Cali Tiiri
Gudoomiyaha SDSI oo munaasabada ka hadlay ayaa aad u amaanay islamarkaan aad ugu mahadnaqay jaaliyada Beesha Sade ee Seattle sida wanaagsan oo ay u soo dhaweyeen.
Kulankii Kowaad ee Guddiga Jaaliyaadka Gobalaka Gedo,Galgaduud Iyo Jubooyinka
Shirweynihii 1aad ee Jaaliyyada Sade ee Seattle ayaa maalintii Axada oo ay tariikhu ku beegnayd 18 July 2010 saqdii dhexe ku soo afjarmay golaha shirarka ee xaafadda New Holly ee magaalo weynta Seattle. Shirkan oo ay ku dhamaayeen qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Sade ee Seattle, waxaa si gaar ah Guddigu ugu marti geliyey shirka Xubno sare ee ururka SDSI ee Sanad ka hor beeshu ku dhisatay Columbus Ohio, urrurka waxbarashada iyo caafimaadka (ADEH), guddiga dhismaha Garoonka Gobolka Gedo iyo waliba shaqsiyaad kale oo hawlo muhiim ah u haya Beesha.
Gudoomiyaha Jaaliyadda mudane Ducaale Xirsi Faarax iyo ku xigeenkiisa Cabdullahi Baraawe ayaa ka warbxiyay mudadii Lix bilood oo uu guddiga Jaaliyadda dhisnaa iyadoo dhinaca odayashana ay codkooda ku hadleen Maxmuud Samatar Axmed,Bacdle iyo Faarax Qalalab oo dhamaantood siyaabo kalae duwan u xusay sida ay ka jaaliyada ahaan ugu midaysan yihiin inay taageeraan cid kasta oo u istaagta inay dadka iyo dalka wax u qabato.
Sahro Maxmed Aar oo u hadashay guddiga Airport Garbahareey ayaa ka warbxisay dhismaha garoonka Garbahreey oo sheegtay inuu marayo heer gabagaba ah.Waxay u mahad celisay dhamaan dadkii dhaqaalaha ku tageeray mashruuca dhismaha garoonka.
Waxaa sidoo kale madashaasi ka hadlay gudoomiyaha urrurka waxbarashada iyo caafimaadka (ADEH) oo ah urur samafal ah oo u taagan wax ka qabashada dhinaca arrimaha bulshada gaar-ahaan caafimaadka iyo waxbarasha mudane SAYID AADAN ABDULLE.Sayid wuxuuu ka warbxiyay hawlaha uu ururkiisa qabtay,isagoo sheegay in dhawaan ay dayactireen iskuul ku yaalo magaalada Ceelwaaq ee gobalka Gedo.
Sh.Cabdirisaaq Gooni oo makarafoonka lagu soo dhaweeyay ayaa khudbad gaaban oo baraarujin ah soo jeediyay isagoo markiina gudagaly qodob ka mid ah qodabadii kulanka ugu muhiimsanaa oo ah dhaqaalo uruurin loogu talagalay in lagu tageero dadkii ku waxyeeloobay xasuuqii Ceel-Dibir.
Xildhibaane Indhageele oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka oo isna madasha ka hadlay ayaa tibaaxay inay lagamaarmaan tahay in dadku isku duubnaado islamarkaana aan meel loo fadhin shaqsigii loo arko inuu haraadi yahay.Waxaa hadaldiisa ka mid ahaa “Soomaaliya waxay u baahantahay waa adinka,si dalka iyo dadkii wax loogu qabtana waa in aad ka talaabsataan haddii waxyaabaha Soomali duleeyay oo ah looma dhamo”

