Page 1 of 1

President Ahmed Silaanyo Meets Top EU Officials

Posted: Mon Aug 09, 2010 9:27 am
by LiQaaye_TDH
Image
Image
Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ka socda EU-da, weftigan oo uu hogaaminaayey Geroges-Marc Andre oo ah wakiilka EU-da ee Somaliland & Somaliya.

kana koobnaa 13 Xubnood oo ka kala socda wadamada Sweden, Finland, Denmark, France. Netherlands, Hungary, Spain, Germany, Austria, iyo UK.

Waxa uu madaxwaynuhu uga waramay Xaalada Guud ee Somaliland ee dhinacyada Nabad gelyada, Maamulka iyo Dhaqaalaha.
Image
Image


Waxa kale oo uu madaxwaynuhu Weftiga uga waramay Dhismaha Xukuumada oo uu sheegay in ay tahay Xukuumad aad u Tiro yar isla markaana Tayo leh oo ay Aqoonta iyo Khibradu Saldhi u yihiin, Madaxwaynuhu waxa uu tafaasiiska bixiyey siyaasada xukuumada Cusub ee Horu marinta Wadanka & in ay uu yoolkeedu yahay rumaynta iyo meel marinta Balanqaadyadii xiliga kaanbaynka ee hore.

Dhinaca kalena madaxwaynuhu waxa uu ku nuuxnuuxsaday Adkaynta Nabad gelyada iyo Ka hortaga Argagixisada iyo Budhcad badeeda.

Madaxa Weftiga Ceroges-Maec Andre ayaa isaguna waxa uu madaxwaynaha si wayn ugu hambalyeeyey doorashadii Dalka ka dhacday iyo Sidii nabad gelyada lahayd ee isbedelku u dhacay, Madaxa weftigu waxa uu soo maalilnad ku dhiiriyey Dadaalka ay ugu jirto inay Horu-mar ka gaadho Dhismaha Dawladnimada & Hanaanka Dumuquraadiyada, waxaanu sheegay in ay EU-du diyaar u tahay in ay Somaliland ka caawiso farsamada iyo Aqoonta lagu Xaqiijinaayo taas.

Gebegebadii kulankan waxa uu ku dhamaaday is Afgarad.

ALLAA MAHAD LEH

AF-hayeenka Madaxtooyadda JSL

C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse )

Re: President Ahmed Silaanyo Meets Top EU Officials

Posted: Mon Aug 09, 2010 10:01 am
by The_Emperior5
Well done :up: :sland:

Re: President Ahmed Silaanyo Meets Top EU Officials

Posted: Mon Aug 09, 2010 2:39 pm
by udun
Aarmay journalist yihiin oo aad isku khaldaysaan wafti iyo weriyayaal? :lol: :lol: Waryaadha BA bal u miyiriya haddii aad gaalkii cadba tidhaahdaan waa wafti oo Siilaanyo soo booqdey dadku way idinka yaabayaan. :lol: :lol:

Re: President Ahmed Silaanyo Meets Top EU Officials

Posted: Mon Aug 09, 2010 2:39 pm
by udun
The_Emperior5 wrote:Well done :up: :sland:
Aar day kii Suldaan Bililiqo ahaana, wax kasta run buu moodayaa. :lol: :lol:

Re: President Ahmed Silaanyo Meets Top EU Officials

Posted: Mon Aug 09, 2010 2:42 pm
by The_Emperior5
you can google xubnaha yimid udun

Suldaanku wa mid sharaf ka mudan salaadinta mana lugu barin siida lola hadlo