SDWO (Hargeisa 11/08/2010) Dugsiga Hoose Dhexe Ee Albaraka Oo Kamid ah Dugsiyada gaarka ah ee ugu waaweyn magaalada Hargeysa ayaa xafladbalaadhan oo uu abaalmarino ku gudoonsiinaayo ardeydii ugu sareysey sannad dugsiyeedkii 2009/2010 Qabtey .
Xaflad Balaadhan Oo Maanta Lagu Qabtey Xarunta Dugsiga Hoose Dhexe Ee Albaraka Magaalada Hargeysa, waxaa aksoo qayb galley Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodijeex,Maamulka Guud Ee Dugsiyada Albaraka,Waalidiinta iyo ardeyda dugsiga Albaraka ,
Ugu Horeyn Maamulaha Guud Ee Dugsiyada Albaraka Nuuradiin Maxamed Yoonis ugu Horeyn Waxaa Uu u Mahadnaqey Kasoo Qaygalayaasha waxaa kale oo uumahadnaq usoo jeediyey macalimiinta dugsiga albaraka iyo waalidiinta Ardeyda waxkabarata dugsiga Albaraka.

Waxaa uu kawarbixiyey Sababta Ay Xafladi u qabteen iney tahey iney ku dhiirigeliyaan ardeyda kaalmaha ka gashey imtaxaankii sanadka.
Waxaa kale oo uu kawaramey inmarka ay latartamo mid uun uu badiyo waxaa uu Nuuradii Maxamed Yoonis Maamulaha Guud Ee Dugsiyada Albaraka Kawarbixyey Taariikhda Dugsiyada Albaraka Oo Uu Sheegey in La Aasaasey sanadkii 1997kii oo ay markii hore ku aasaaseen rawdo kaliyaata lakiin markii ay laga maarmiwaayey ay sameeyeen kuwa kallena.
Waxaa Uu Ugu Dambeyntii Kar bixiyey Iney Xooga Saaraan Tarbiyeynta Caruurta iyo akhlaaqdaba,
Waxaa uu waalidka kalla dardaarmey iney kawar hayaan Caruurtooda oo ay marwalba ku dhiirigeliyaan barashada tacliinta..
Waxaa Kalle Oo Isna Madashaasi Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodijeex Mudane Axmed Keyse.
Gudooomiyuhu waxaa uu ugu horeyn kawaramey qiimaha ayw axbarashadu uleedahey bini Aadamka waxaanu xusey in iyaga mamaul ahaan Xil Kasaaran yahey Tayeyta Tacliinta .
Waxaa uu Axmed Keyse Ka Warbixiyey Kaalinta Uu Macalin kaga Jiro Bulshada iyo Qiimaha uu ku dhexleeyahey Bulshada .
Waxa auu kulla dardaarmey ardeyda iney halkaasi kasii wadaan dadaalkooda waxabrasho oo ay xoojiyaan akhlaaqdooda oo ay kudadaalaan Ciabada .
Waxaa Kallle Oo Isna Hakaasi hadal kooban kazoo jeediyey Rashiid Cabdi Jaamac Oo Ku Hadlaayey Magaca Waalidiinta Ardeyda waxkabarata Dugsiga Albaraka.
Waxaa ugu horeyn u mahadnaqey Macalimiinta ardeyda wax soo bartey oo uu uga mahadnaqey sida wacan ee ay ubadka u tarbiyeyaan waxaanu kulla taliyey maamulka dugsiyada albaraka iney Dadaalka halkaasi kasii wadaan.
Gabo Gabadii waxaa halkaasi abaal marino kalla duwan ku gudoonsiiyey ardeydii kaalimaha hore kagahsey sanad dugsiyeedkii 2009/2010..gudoomiyaha waxbarashada gobolka maroodijeex axmed keyse.