


Madaxweynihi hore ee maamulka Somaliland ayaa ka dhoofay magaaladda Hargeysa isagoo u duulay dalka dibadiisa.
Mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa,wuxuuna inta aan bixin la hadlay saxaafada u sheegay inuu kusii jeedo dalka Faransiiska.
Wuxuu sheegay inuu soo maqnaan doono mudo saddex bilood isla markaasna uu u tegay howlo la xirrira dhanka caafimaadka.
Daahir Riyaale ayaa xusay inuu dib ugu soo laaban doono degaanada Somaliland,isagoo ku baaqay in lala shaqeeyo maamulka cusub ee uu Madaxweyne ka yahay Axmed Siilaanyo.
Safarka Daahir Riyaale ee dalka Faransiiska ayaa imaanaya xilli la sameeyey guddi ka tirsan Xisbigiisa UDUB oo baaritaan ku samayn doona sababaha keenay in laga guuleysto doorashooyinkii madaxtinimada.
Horseed Media