Atam fled to Mogadishu and fleeing supporters reach Burco

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Atam fled to Mogadishu and fleeing supporters reach Burco

Post by Somalian_Boqor »

Atam fled to Mogadishu and fleeing supporters reach Burco :clap:

Atam oo la sheegey inuu ku sugan yahey muqdisho
Posted by admin on August 18th, 2010

Garowe(Pi) Shabakada wararka Puntlandi.com oo baryahanba baaritaan ku heysey meesha uuku sugan yahey wadaadka sida xoogan looga raadinayo Puntland Maxamed Siciid Atam ayaa warar isasoo taraya noo xaqiijiyeen inuu maalmo ka hor intaan dagaalku bilaaban uu ka baxey deegaankuu ku sugnaa, iyadoo aan xiligaas la ogeyn meesha uu aadey.

Dad aad ugu dhow wadaadka oo aan la kulaney waxey noocadeeyeen inuu aadey koonfurta Soomaaliya mase aysan cadeyn siduu ku tagey halkaas.

Dad u shaqeeya isgaarsiinta Soomaaliya ayaa iyana noo sheegey inuu wadaadku muqdisho ku sugan yahey.

Waxaase xaqiiq ah in Wadaad Atam uu isaga baxey buuraha Galgala iyo dhamaan Puntland ba intaan ciidamada Daraawiishtu weerarin sal dhigyadiisii.

Idaacadaha wareysiga la yeeshey Atam ayaan iayagu cadeyn karin meesha uu joogo wadaadku maadaama uu isagu soo wacey sida naloo cadeeyey, mid ka mida idaacadaha ayaa saaacad ka hor wareysiga waxaa soo wacey nin kale oo u sheegey inuu kusoo xirayo Atam si ay u wareystaan, mase jirto idaaco iyadu wacdey Wadaadka si ay u wareystaan.

Maxamed Saciid Atam ayaa ah ninka kowaad ee sida aadka ah ay ciidamada Dowlada Puntland baadi goobayaan, si ay usoo qabtaan isagoo loo heysto inuu abaabuley wax yaabo lid ku ah amaanka Puntland.

Puntlandi.com

Garowe/Bosaso
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Atam fled to Mogadishu and fleeing supporters reach Burc

Post by Somalian_Boqor »

Poliska Togdheer Oo Guryaha Ka Badhey Dad lala Xidhidhiyey Shek ATAM

Booliska oo guri-guri u baadhay xaafadaha Burco, ujeeddada hawlgalkooda & weedha masuuliyiinta

“Waxa jira rag xidhiidh la leh kooxaha rabshadaha ka wada wadamada aynu xuduudka la leenahay oo…” Hoggaanka Booliska Togdheer


- Ciidamada amaanka ee gobolka Togdheer, ayaa hawlgal baadhis ah ka fuliyay guryo ku yaala inta badan xaafaddaha magaalada Burco ee xarunta gobolkaas.

Sida uu Wargeyska Ogaal u xaqiijiyay hoggaanka Booliska gobolka Togdheer Mr. Cabdiraxmaan Axmed Liibaan (Cabdiraxmaan Fooxle), hawlgalkaas waxa ka qaybqaatay boqolaal ka tirsan ciidanka amaanka, kuwaasoo ku hawlanaayeen saddexdii habeen ee u dambeeyay. “Waxa jira rag xidhiidh la leh kooxaha rabshadaha ka wada wadamada aynu xuduudka la leenahay sida Soomaaliya iyo maamul-gobolleedka Puntland oo soo galay magaalada (Burco), kuwaasoo horena inaga dhaawacyo inoo gaadhsiiyay. Markaa hawlgalo balaadhan ayay ciidamada amnigu ka fuliyeen xaafadaha magaalada,” ayuu yidhi Taliyaha oo u waramay weriyaha Wargeyska Ogaal ee magaalada Burco Mr, Mahad Faarax. “Waxaanu baadhnay guryo tiradoodu gaadhayaan sideed guri, baadhistiina way socotaa, markaa cid aanu qabanay oo aan hadda kuu sheegi karaa ma jirto, maadaama ay baadhistii socoto,” ayuu raaciyay Cabdiraxmaan-Fooxle.

Taliyuhu waxa uu sheegay in goobahaa ay baadheen ay ku tuhmeen raadad ay daba joogaan, isla markaana uu hawlgalkani la xidhiidho mid lagu sugayo amaanka magaaladaas.

Hoggaanka Booliska ee Togdheer waxa uu dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco u soo jeediyay inay Booliska kala shaqeeyaan arrimaha lagu xoojinayo nabadgalyada.

Sidoo kale, waxa uu dadweynaha u soo jeediyay in fiiro gaar ah u yeeshaan dadka ay guryaha ka kiraynayaan, isla markaana wixii ay ka shakiyaan la soo socodsiiyaan ciidanka Booliska.

Maaha markii u horaysay ee ciidamada Booliska Burco ay hawlgalo la xidhiidha adkaynta amaanka ka fuliyaan magaaladaas, iyadoo ay dhawr jeer oo hore hawlgalo ay fuliyeen ku soo qabteen rag falal amaan-darro lagu tuhmay.

Ciidanka Booliska Burco waxay 10/06/2010 hawlgal baadhis ah ka fuliyeen guri ku yaala magaaladaas oo sida la sheegay ay degenaayeen niman lala xidhiidhiyay kooxda Al-Shabaab ee dagaalka ka wada Soomaaliya, iyadoo hawlgalkaas oo iska horimaad hubaysan sababay uu ku dhintay sarkaal ciidanka ka tirsanaa, isla markaana ay ku dhaawacmeen laba Taliye oo kala haystay qaybta Booliska Bariga Burco iyo saldhiga dhexe ee Booliska magaaladaas.


Source: ogaal
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Atam fled to Mogadishu and fleeing supporters reach Burc

Post by Goljano Lion »

Voltage
would you like to make a comment :lol: well done reer Puntalnd
User avatar
IRONm@N
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5122
Joined: Tue May 01, 2001 7:00 pm
Location: Jannatul-Fardowsa
Contact:

Re: Atam fled to Mogadishu and fleeing supporters reach Burc

Post by IRONm@N »

Don't believe Puntland media, because there is no freedom of speech, the journalists that tried to report the news were arrested and their radio shut down.
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Atam fled to Mogadishu and fleeing supporters reach Burc

Post by Somalian_Boqor »

IRONm@N wrote:Don't believe Puntland media, because there is no freedom of speech, the journalists that tried to report the news were arrested and their radio shut down.
Just shows the State is strong and independent. Were little China in anarchy Somalia. :mrgreen:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”