Odayaasha Jeed:Ethiopia haddii aanay raalli gelin ka bixin w

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Odayaasha Jeed:Ethiopia haddii aanay raalli gelin ka bixin w

Post by CoolPoisons »

Hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee deegaanka Jeed ee dhulka Ismaamulka Somalida Ethiopia ayaa caro xooggan ka muujiyey duulaankii dhawaanmaleeshiyada New Police ee taabacsan dowladda ethiopia ay ka geysteen tuuladsaas, kuna laayeen dad Soomaaliyeed oo aan waxbo galabsan.



Odayaashu waxay ugu baaqeen xukuumadda dhexe ee Ethiopia in ay raalli gelin deg-degga ah ka bixiso falka ay ku kaceen ciidamada dress-keeda xiran, balse hab qabiil u abaabulan oo ujeedkoodu yahay isir naceyb iyo gumaad dad maati ah.

''Markii la abuuray kuwa New Police la dhaho ayaa dhibaatadu timid, ciidamada Ethiopia markii hore way imaan jireen halkan, dhibna kama sameyn karin laakiin kuwaan weeye kuwa dadka baabi'inayo, ra'iisal wasaaraha Ethiopia waa in uu arrin soo galaa oo uu cudur daar ka bixiyaa'', waxaas sidaasi yiri Nabadoon Aadan Cigaal Ismaaciil oo kamid ah waxgaradka deegaanka Jeed.

Wuxuu sheegay in hadda wixii ka dambeeyo aanay u dulqaadan doonin gardarro iyo weerar lagu soo qaado, iskana dhicin doonaan cid kasta oo ku soo xadgudubta dhulkooda, ''In aan is-difaacno oo aan iska celino xaq baan u leenahay saa deegaankeena ayaa lagu soo duulay'', ayuu mar kale yiri isagoo bixinayey wareysi.

Dagaalkii dhawaan New Police iyo dadka deegaanka ku dhexmaray Jeed waxaa looga itaal roonaaday ciidamada New Police oo iyaguna ku kacay falal dil, dhaawac iyo dhac ay dadka rayidka ah kula kaceen.

Maamulka sare ee Ethiopia kama aysan hadlin labadii dhacdo ee tii tan ka horeysay ee Ceel-Dibir iyo weerarkan kalaba.


Gedoweb News Desk
Galgaduud.

Gedowebnews@hotmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”