Here is the link
http://gargaar.blogspot.com/2008/08/was ... faras.html
siciid, cali gaab
Moderator: Moderators
- HooBariiska
- SomaliNet Super
- Posts: 7692
- Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
- Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'
Re: siciid, cali gaab
Thanks for the source timocase, it seems it's also from reliable Jamhuuriya. 
Hargeysa (Jam)- Xukuumadda Somaliland ayaa faras xaal-marin ah guddoonsiiyey Golaha Guurtida, kadib markii uu Wasiirka Wasaaradda Duulista Md. Cali Maxamed Warancadde uu xafiiska Madaxweyne Rayaale gudihiisa hadallo deelqaaf iyo hanjabaad ah kula kacay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal).
Xaal-marintan oo ah mid nooceedu ku cusub yahay golayaasha qaranka Somaliland, ayaa sida ilo xogogaal ahi Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa ay ka dhalatay, kadib markii kulan lagaga arrinsanayey xal-u-helida dhoofka xoolaha oo horraantii bishan ka dhacay qasriga madaxtooyada ay si weyn isugu maan-dhaafeen Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida, kaas oo uu Wasiir Warancadde si kedis ah u dhexgalay wadahadalladii labada masuul, isla markaana erayo deelqaaf iyo hanjabaad isugu jira si cadho leh ugu weeraray Md. Saleebaan-gaal.
"Wallaahi, haddaad joojin waydo waxaad wado in meydkaaga suuqa la jiid-jiidi." Wedhahaas qallafsan ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen hadallada deelqaafka ah ee Wasiirku kula kacay Guddoomiyaha Guurtida, isla markaana sababtay xaal-marinta faraska la kala qaatay.
Waxa kale oo ilahaaas tibaaaxeen in fadhi gelinkii dambe ee Axaddii toddobaadkan ay ku yeesheen labada dhinac huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, lagaga garnaqay weedhaha uu Md. Saleebaan-gaal si weyn uga cadhooday, kuwaas oo la sheegay in markii hore Wasiir Warancadde dafiray, kuna andacooday in aannu sidaa u odhan, balse ahaayeen kuwo guud oo aan cid gaar ah ula jeedin.
Haseyeeshee, waxa xogahaas tilmaameen inay arrintaas ka odayeeyeen Suldaan Barre Warsame Shire iyo laba xubnood oo ka soo jeeda beesha bariga Hargeysa ee uu ka tirsan yahay Md. Warancadde, kuwaasoo ku xukumay wasiirka kuna dhawaaqay inuu faras xaal-marin ah bixiyo, sidaana ku guddoonsiiyeen Guddoomiyaha Guurtida, sidaana labada masuul isku gacan-qaadeen isuna saamaxeen.
Waxa kale oo ilahaasi intaa ku dareen in Md. Saleebaan-gaal markii uu guddoomay faraska xaalka ah kadib uu isagoo kaftamaya faraska xaal-marinta loo siiyey ku maamuusay Suldaan Barre, isagoo sheegay inuu yahay qaan uu ku gudayo sadadii caleemo-saarka suldaanka.
Source: Jamhuuriya

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 686 Views
-
Last post by udun
-
- 4 Replies
- 900 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 4 Replies
- 556 Views
-
Last post by qoraxeey
-
- 5 Replies
- 945 Views
-
Last post by Moguul21
-
- 11 Replies
- 1146 Views
-
Last post by Mad May
-
- 5 Replies
- 1042 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 9 Replies
- 883 Views
-
Last post by TrophY-WifeY-
-
- 27 Replies
- 2931 Views
-
Last post by Methylamine
-
- 3 Replies
- 695 Views
-
Last post by HELWAA
-
- 6 Replies
- 718 Views
-
Last post by Lord Diplock