Taariikh Nololeedkii Nuur Xassan Good (Nuur Shareeco 1906-1982).
Chief Nuur Shareeco: Waxa uu ku dhashay Ximan oo ka tirsan G/Mudug sanadkii 1906. Waxaa uu u soo wareegay Gobolka Gedo 1923 halkaas oo uu ka soo dhulbilaabay Degmadda Luuq oo ka tirsan G/ Gedo.
1925 waxa uu ku biiray Ciidamadii Talyaaniga uu ka qoranayey Koonfurta Soomaaliya, kuwaaso uu ka gaaray Darajadda ugu sareysa ee uu gaaro Nin madowi Cidaamadda Talyaaniga.
1935 Shareeco waxaa loo qaaday Rome halkaas oo u ku maqnaa 6 Bilood arrimo la xariira Tababar Milateri. Markii Talyaaniga la jabiyay kadib 1946-dii waxaa Koonfurta Somalia Yimi Ingiriis kadibna waxaa uu ka maagay in uu ku biiro Ciidamadii Ingiriiska.
1947 waxaa loo duubay Shareeco Caaqilka Beesha Sade ee G/ Gedo halkaas oo uu ka soo qabtay shaqooyin badan, waxaana uu si gaara ulla shaqeeyay Ugaas Xirsi.
Doorashadii Food qasaaro Nuur Shareeco waxaa uu u tartamay in uu ka noqdo Xildhibaan Dawladii Soomaaliya, musuq maasuq awgiis Doorashadaasi ma noqon mid cadaalad ku dhacda, dalkoo dhana waxaa isku mar la maqlay qaylo dhaan iyo codadkii waxaa ku shubtay Leego (SYL) taasina waxay sababatay in lagu dillo Madaxwayne Cabdirashiid Cali Sharmaarke, allaha u naxariistee.
Kadibna waxaa dalka ka dhashay Kacaankii uu Hogaaminayey Gen. Maxamed Siyaad oo Dalka ka noqday Madaxweyne. Inkastoo Shareeco uusan xil ka qaban Dawladii Kacaanka hadana waxaa uu ahaa dadkii soo dhawayeey nidaamka isbadelay iyo waaga cusub ee u baryey Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaate Nuur Shareeco waxaa uu Noqday Nabadoon si aada looga yaqaano Koonfurta Soomaaliya 1947 ilaa intii uu ka geeriyooday. waxaana Xilkiisii la wareegay Wiilkiisi Nabadoon Abshir Nuur Shareeco Taariikhdu markay ahayd May 10, 1982 .
Chief Nuur Hassan Good (Nuur Shareeco)
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
grandpakhalif
- SomaliNet Super

- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 1161 Views
-
Last post by mr_soma
-
- 6 Replies
- 2186 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 0 Replies
- 618 Views
-
Last post by Advo
-
- 0 Replies
- 1578 Views
-
Last post by kismayogedojubaland
-
- 0 Replies
- 1652 Views
-
Last post by kismayogedojubaland
-
- 2 Replies
- 14697 Views
-
Last post by LooxJiid