Wajaale the future commercial city of Somaliland

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Wajaale the future commercial city of Somaliland

Post by The_Emperior5 »

Togwajaale magalada mustaqbalka Somaliland,waa magalo si xawli ah u socota
Image
Waxa hubaal ah in magaladani hadii ay sidan ku sii socoto oo ay hesho Dawlad wacan iyo dad og,deegaanka ay ku taalo

Ugu horeynta waxaan salaamaya dhamaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay Aduunka ka joogaan,salaan ka dib,waxaan doonaya bal in aan figradeyda ku cabiro dadkana u soo gudbiyo,magaladan aanan waligey arag hase ahate aniga oo jooga Canada cidhifkeeda koonaha aan jacayl weyn u qaaday magaladan (Tog-wajaale) waana jacayl dareenweyn ah,dad iiga sheekeeyey magalada haba yarate ma ay jiraan,waxa i soo jiitey magaladu deegaanka ay ku taalo oo ah deegaan barwaaqo,oo Beero leh,waa magaalo ganacsigu si xawli ah uga socdo oo ku taala xuduudka aynu la leenahay Ethiopia.

Waxa hubaal ah in magaladani hadii ay sidan ku sii socoto oo ay hesho Dawlad wacan iyo dad og,deegaanka ay ku taalo magalada Wajaale mihiimada ay u leedahay dhamaan reer Somaliland in ay noqon doonto magalada mustaqbalka dhaqalaha Somaliland.

Magalada Togwajaale waxa ay noqonkartaa rugta ganacsiga ugu weyn mandaqada (geeska Africa,waa lawada ogyahay tirada Dadka Ethiopia) inta ay leegyihiin iyo in aanay laheyn Bad xeebeed ay wax ka soo dejistaan,waxa kale oo jira wadamo badan oo geeska Africa ah oo iyaguna aan lahyn Bad,sida wadanka (Koonfur Sudan-Ugandha-Rawanda-Burundi,)shantaas wadan ee aan sheegay tirada dadka oo la isku daro waxa ay ku dhawyihiin 140.malyuun oo qof,waa tiro aad u badan oo culus,suuq weyn oo ganacsina looga sameyn karo magalada Tog-wajaale.

Waxase waxkastaba ka horeeya in dadkeena reer Somaliland aynu isla afgarano nimcada iyo nasiibka (Alleh)inoogu deeqay,waa in dadkeenu u soo jeestaan ganacsiga aynu la yeelan karno wadamada (Africanka)oo aynaan isku soo koobin Ganacsiga aynu la leenahay wadamada Carabta oo qura.

Arinkan waxa kaliya ee uu u bahanyahay waa dawlada cusub oo wakhti badan ku lumin ictiraaf raadis,waa in Dawladu wakhtigeeda saartaa maxaynu haysanaa maxaynu qabsankarnaa iwm,marka aynu wax qabsano ee dhaqaale yeelano,weynu iibsankarnaa codka ictiraafka aynu u bahanahay,hadaynu weyno haba iska maqnaado ictiraafku,waxa inaga badan dhulkeena oo aynu ka shaqeysani sida wadanka Taiwan.

Sida ay ku camirmayso magalada (Tog-wajaale) waa Dawlada oo ka shaqeysiisa Dekada (Berbera) ilbaabadana u furta Dekada (Berbera) oo Dekadu shaqeyso 7 da cisho 24hrs,waxkastana laga soo dajiyo canshuurtana aad loo dhimo,alaabtaas soo degeysa inta Dadkeenu ka faaiideystaan mooye inta kale waa in ay si toos ah ugu shubmaan Bakhaarada magalada (Tog-wajaale),halkaas oo suuqa laga hirgaliyo Suuq Free ah oo ilbaabadu u furanyihiin dhamaan ganacsatada ku nool mandaqada (Geeska Africa.Rawanda-Burundi-Ethiopia-Koonfur Sudan-waqooyiga Kenya),waxa hubaal ah in aynu tuureyno dhiisha foqorka,waa hadaynu wax isku ogalnahay dadkeenuna u diyaar yihiin in ay xoogsadan oo shaqeystaan.

Waxaan hada sii saadalinayaa in magalada (Tog-wajaale) 10 ka sano ee soo socda ay noqondoonto magalada labaad ee ugu weyn (Somaliland) kuna xigi doonto caasimada (Hargeysa) lagana yaabo in ay kaba dad badato caasimada (Hargeysa)mustaqbalka soo socda?

Qofkastaba waxa aan kula talinaya hada ka gaadh intaanu dhulka magalada (Tog-wajaale),la kala boobin hadhowna ay adkaan doonto sida loo helo dhul qiimo jaban,waa magaalo barwaaqo,oo Beeraha iyo daaqsinka ku wacan.xiliga barwaaqada Biyuhu dhinackastaba ka marayan sida aan ku arkay sawirada,beryahaaba waxa aan raadinayey magalo aan ka dego (Somaliland) oo aan ka helo Beeryar oo aan ka dhisto Guri, Lo- iyo Digaagna ku dhaqdo mustaqbalka hadii Alleh yiraa,magaladaasna waa magalada (Tog-wajaale) hadii Alleh weyn ii qoro saadaaliskayga.

Dhamaan qurba jooga reer (Somaliland) waxa aan rajeynaya in aad igu soo biiri doontaan saadaaliskayga ku aadan in mustaqbalka la dego,magalada ugu weyn ganacsiga (Somaliland) waa (Tog-wajaale),dhamaantiin reer (Somaliland) kheyr ayaan idiin rajeynaya Dawlada cusubna ha lala shaqeeyo.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”