All Ministers from Sool and Sanaag threatening to resign

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
AsadSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2899
Joined: Sun Mar 21, 2010 2:31 am
Location: Oodweyne

All Ministers from Sool and Sanaag threatening to resign

Post by AsadSL »

All Ministers from Sool and Sanaag threatening to resign from Silaanyo Goverment


http://qarannews.com//

Written by Waaheen
Aug 29, 2010 at 06:47 AM
Wasiiro iyo Masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda Siilaanyo oo is casilaya iyo khatar soo waajahday Xukuumadda

Hargaysa,( waaheen )-Wasiirada Wasaaradaha Gaashaan dhiga, Ganacsiga, Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha oo Dhamaantood ka soo jeeda Beelaha ***** ee Dega Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa Shalay isku shubay Qasriga Madaxtooyada, waxaanay kulan Garnaqsi ah kala yeesheen Madaxwaynaha Saamiga uu Beelahooda ka siiyay Xilalka uu Magacaabay, waxaana la sheegay inay ugu hanjabeen inay iska casilayaan Xilalkooda hadii aan saamiga loo kordhin Mansabyada Xukuumada Cusub.

Kulankan ay yeesheen Wasiirada Beesha ***** iyo Axmed Siilanyo oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen ayaa la sheegay inay u qadimeen Cabasho la xidhiidha Miisanka Mansabyada uu ka siiyay Xukuumadiisa, oo ay sheegeen in aanay siinin Xukumadihii ka horeeyay ee C/raxmaan Axmed Cali, Cigaal iyo Daahir rayaale toona, kuwaasoo ay sheegeen, inay ka ahaayeen mid walba jagooyinka ugu mudan iyo saamiga ugu sareeya ee ay ku salayn jireen Xilalka ay Beelaha u dhiibayee, gaar ahaan waxay farta ku fiiqeen wakhtigii Xukuumadii Cigaal oo ay sheegeen inuu ugu hanjabay inay sheegaan halka ay xadka ka dhiganayaan hadii ay ku kalsoonaan wayaan soo jeedimihiisa.

Wasiiradan ayaa waxay sheegeen Xilalka ilaa hada uu Silanyo Magacaabay oo dhan 78 Xil oo isugu jira Wasiiro Hay'ado Madax banana iyo Agaasimayaal ay ku leeyihiin oo kaliya 8 Mansab oo kala ah

1) Wasiirka Gaashan dhiga

2) Wasiirka Ganacsiga

3) Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta

4) Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha

5) La taliyaha Arrimaha Barige

6) Xubin ka mid ah Hayada Shaqaalaha

7) Agaasimaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta

8) Iyo Hayada Wadooyinka oo ay sheegeen Xilkaasi markii la magacaabayay in soo jeedinta Jagadaasi oo ay lahayeen Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi iyo Chief of Cabeinka Xirsi Xaji Cali Xasan ay ku soo Magacaabeen Beelaha ***** iyo ******, taasoo iyada lafteeduna aana ahayn Xil ay iyagu leeyihiin, waxaanay sheegeen hadii wax laga qaban waayo arrintaa inay is casilayaan isla markaana waxay Madaxwaynaha hortiisa ka cadeeyeen in Hawshii ahayd Xal u helida Gobolada Bariga ee ay Masuuliyiinta u yihiin aan lagu halayn oo aanay waxba ka qaban doonin.

Talaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee soo waajahda Xukuumada Siilanyo oo Beelo dhani saluuga ay ka qabaan Xukumadiisa ugu hanjabeen inay is casili doonaan iyadoo tan iyo intuu wax Magacaabayaba ay isa soo tarayaan Cabashooyin la xidhiidha Magacabistiisa oo la sheegayo inay mar walba dhinac uun ka rarantahay, taasoo bilawgii Xukuumadiisaba la Kowsatay Mudaharaadyo.

Cabdirashiid ducaale Qambi ooh ore u ahaan jiray wasiir ku xigeen doraadna Siilaanyo u magacaabay xubin ka mid ah hay'adda shaqaalaha oo ka soo jeeda gopbolka Sool islamarkaana ah siyaasi gacansaar dhaw la leh Siilaanyo ayaa warar u dhuun daloolaa sheegeen inuu ku dhawaaqay iscasilaadiisa, halka Fu'aad Aadan cadde oo loo magacaabay la taliye iyo wasiirka Gaashaandhiga Axmed X. Cali cadami laga hayo inay qaadayaan talaabo la mod ah taasi.

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Cusman Bulaqaas oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee ka soo jeeda Beesha Bariga Sanaag (**********) kana soo baxay Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu hanjabay in haddii aanu siin Beesha saamigii ay xaqa u lahayd in ay ka tashan doonto isla markaana ay go'aan ka gaadhi doonaan.

Xildhibaan Bulaqaas oo shalay Shir-jaraa'id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiiladda ayaa si cad u deedafeeyay qaab dhismeedka Xukuumada cusub ee Siilaanyo waxaanu sheegay in uu Madaxweynuhu ka balan qaaday in Saami ku filan beeshiisa laga siin doono Agaasimayaasha iyo Hay'adaha Madaxa Banaan ka dib markii uu Siilaanyo Golihiisa Wasiiradda uu Beesha ka siiyay Saami aan ku filnayn oo aan u qalmin sida uu sheegay Xildhibaanku waxaanu yidhi "Xukuumadan cusub ee uu soo dhisay Madaxwayne Axmed Maxamed (Siilaanyo) maaha mid isku dheeli tiran Beelo iska dhan oo xayndaabka Somaliland degen kana mida ayaa xuquuqdii ama saamigii ay ku lahaayeen xukuumadan cusun la duudsiyey, am la inkiray sababtaana waxaa ka masuula madaxwayne (Siilaanyo) iyo inta uu talada ka qaato, wixii ka yimaadana isagaa ka masuula Madaxwayne siilaanyo".

Xildhibaan Bulaqaas wuxuu si cad u sheegay in uu Madaxweyne Siilaanyo ka balan qaaday inuu u uga cawadi doono kuraasta hadhay balse uu ku balan furay, taasina ay tahay ta keentay inuu Bulshadii uu ka soo jeeday u iftiimiyo in aan cidii ay wakiilka ka ahaayeen aan xaqoodii la siin taasina ay u bandhigayaan Bulshada Bariga Sanaag ee uu ka soo jeedo, isla markaan uu maray Madaxweyne Siilaanyo dhabadii Xukuumadii hore ee Rayaale ay ku go'doomisay Deegaankaasi.

Xildhibaan Bulaqaas waxa uu sheegay in rag uu ka mid yahay ay cagta mariyeen isla markaana ay gubeen codad faro badan oo uu rabay Xisbiga UDUB inuu ku shubto, waxaanu xusay in hanti faro badan ay ka maqan tahay isaga iyo hormoodka Beeshiisa.


Source Waaheen
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: All Ministers from Sool and Sanaag threatening to resign

Post by Siciid85 »

Kibir ba ka batay it's beelaha harti sxb not everybody from sanaag or sool.
User avatar
AsadSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2899
Joined: Sun Mar 21, 2010 2:31 am
Location: Oodweyne

Re: All Ministers from Sool and Sanaag threatening to resign

Post by AsadSL »

Why would they wanna ruin it for themselves.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: All Ministers from Sool and Sanaag threatening to resign

Post by The_Emperior5 »

wa Iska buhu baha , they just want xilal yar yar lo magacabo Harti have 3 ministers and one wasiir kuxigeen seems fair,and dhowr agaasimayaal, sii fiican bey u leeyihin xita qollada warsangali went from sports minister to defence minister inay ooyaan maha
User avatar
AsadSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2899
Joined: Sun Mar 21, 2010 2:31 am
Location: Oodweyne

Re: All Ministers from Sool and Sanaag threatening to resign

Post by AsadSL »

I Think 2 minsters need to be taken from Sacad Muse and given to warsangeli. Habar awalshe way qooqeen wale.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: All Ministers from Sool and Sanaag threatening to resign

Post by The_Emperior5 »

AsadSL wrote:I Think 2 minsters need to be taken from Sacad Muse and given to warsangeli. Habar awalshe ba qooqeen wale.
what you mean habarawal are horny you are a werid dude any way 3 ministers ba xita ka badan hartiga.
User avatar
AsadSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2899
Joined: Sun Mar 21, 2010 2:31 am
Location: Oodweyne

Re: All Ministers from Sool and Sanaag threatening to resign

Post by AsadSL »

Where would you get that from. You have truly proven to be a retard once again.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: All Ministers from Sool and Sanaag threatening to resign

Post by The_Emperior5 »

AsadSL wrote:Where would you get that from. You have truly proven to be a retard once again.
you said habarawasha qooqan

means the habarawal are horny

afsomali hadad u badashid

what u mean by that adigu ma condom habarawal gashad tahay maxa qooqayaga ku baray :lol:
User avatar
Blue_609
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 758
Joined: Sun Aug 23, 2009 11:52 am
Location: Kabaal nagi kobtii laygu dhalay kaydka inankayga

Re: All Ministers from Sool and Sanaag threatening to resign

Post by Blue_609 »

i suggest these following additional posts better go to harti so every one becomes happy:

1- vice president.
2- wasiirka Justis ka.
3- wasiirka beeraha.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: All Ministers from Sool and Sanaag threatening to resign

Post by The_Emperior5 »

Blue_609 wrote:i suggest these following additional posts better go to harti so every one becomes happy:

1- vice president.
2- wasiirka Justis ka.
3- wasiirka beeraha.

Harti always hold post like wasiirka isgaadhsinta and they went from wasiirka sportiga to defence and from wasiirka caafimadka to wasiirka ganacsiga

Vice president belongs to the gudubuursi. wasiirka justicka na wa gadabuursi baan filaya isna
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”