War Deg-Deg ah :Dad lagu qabqabtay Mgaalada Burco.

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

War Deg-Deg ah :Dad lagu qabqabtay Mgaalada Burco.

Post by Siciid85 »

Written by TogdheerNews
Sep 04, 2010 at 07:36 AM

Burco (Qaran news)--Ciidan Booliska gobolka Togdheern ayaa hawgal ay saaka qaadeen ku qabqabtay dad gaadhaya ilaa Tobon Qof , oo ay sheegeen inay ku tuhunsan yihiin inay xidhiid la leeyihiin kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalamaya konfurta Soomaaliya.





Dadkan Boolisku qabtay ayaa isugu jiray macalimiin wax ka dhigta Dugsiyadda waxbarashadda gaarka, iyo kuwo, Meherado Ganacsi ku haystay gudaha magaaldda Burco kuwaasoo laga soo qabtay goobohoodii shaqo.


Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliland Col. Cabdi Raxmaan Liibaan Fooxle oo isagu haatan ku sugan magaaladda Burco, ayaa TogdheerNews wax ka waydiisay , Hawgalkan ay Ciidamaddu Saaka ay qaadan iyo Tiradda ay ku qababteen,Aayaa sheegay inuu yahay mid lagu xoojinayo amaanka Gobolka Islamrkaana lagu qabtay dad lagu tuhunsanyahay inay xidhiidh la leeyihiin Islaamiyiinta ka dagaalamaysa koonfurta Soomaaliya.



Sidoo kale ,Gudoomiyaha gobolka Togdheer, Yaasin Maxamed Cabdi,ayaa Shir Jar’iid oo uu ku qabtay Xafiiskiisa kaga hadlay Talaabadan Boolisku ku qab qabteen dadkan la sheegay in lagu Tuhunsan yahay in ay Xidhiidha la leeyihiin Islaamiyiinta ka Dagaalamaaya, Koonfuta Soomaaliya , kaasoo sheegay ina dadkan Baadhitaan lagu sameeyn doono oo Cidii Dembiyadda lagu Qaado, kuwii kalana la Sii dayn doono .



Hawlgalka Boolisku saaka qaaday ayaa Noqonaaya kii ugu Balaadhna ee Ciidamaddu kua Sameeyaan Gudaha magaaladda Burco, isle markaana, kii Qab qabtaan dad intaa gaadhaaya.



Waxa hore Ciidaanka Boolisku Burco uu Qabteen, dad , ay sheegeen, inay Damacsanaayeen Qaraxyo ay ka fuliyaan magaaladda , Balse ilaa hadda ku xidhan jeelasha, oo aan wax Maxkamad ah la soo taagin.



TogdheerNews
Last edited by Siciid85 on Sat Sep 04, 2010 12:03 pm, edited 1 time in total.
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Time to lay a rest into this Siciid85 Nick

Post by Mr_Alfaas »

MarineBiologist :up: :up: :D
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: War Deg-Deg ah :Dad lagu qabqabtay Mgaalada Burco.

Post by The_Emperior5 »

loool@ Mr alfaas well done the police of burco
Last edited by The_Emperior5 on Sat Sep 04, 2010 12:46 pm, edited 1 time in total.
User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: War Deg-Deg ah :Dad lagu qabqabtay Mgaalada Burco.

Post by ToughGong »

:clap: :clap:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: War Deg-Deg ah :Dad lagu qabqabtay Mgaalada Burco.

Post by Siciid85 »

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: War Deg-Deg ah :Dad lagu qabqabtay Mgaalada Burco.

Post by The_Emperior5 »

Siciid85 wrote:

Well done ciidanka booliska eeh somalland qofki is dhaqaajiya jeelka loo taxabaya jeelka :up:
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: War Deg-Deg ah :Dad lagu qabqabtay Mgaalada Burco.

Post by Keyse_0208 »

Siciid85 wrote:Ciidan Booliska gobolka Togdheern ayaa hawgal ay saaka qaadeen ku qabqabtay dad gaadhaya ilaa Tobon Qof , oo ay sheegeen inay ku tuhunsan yihiin inay xidhiid la leeyihiin kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalamaya konfurta Soomaaliya.
Good work Burco Police :up: :up: , they should sentence these guys to long jail sentences to make an example out of them.
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: War Deg-Deg ah :Dad lagu qabqabtay Mgaalada Burco.

Post by Mr_Alfaas »

The_Emperior5 wrote:loool@ Mr alfaas well done the police of burco
:lol: :lol:

siciid maaha war degdeg ah saake ayu ahaa warku....ishanews ayan ku arkay iyago kasoo xigtey togdheernews :up:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: War Deg-Deg ah :Dad lagu qabqabtay Mgaalada Burco.

Post by The_Emperior5 »

isha news the new ayub website lol
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: War Deg-Deg ah :Dad lagu qabqabtay Mgaalada Burco.

Post by Mr_Alfaas »

The_Emperior5 wrote:isha news the new ayub website lol
:lol:

wararkooda masoo geliya halkan like siciid always do oodweynenews. :lol:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: War Deg-Deg ah :Dad lagu qabqabtay Mgaalada Burco.

Post by The_Emperior5 »

Haa dee nin walba website bu leeyahay eh :lol:
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: War Deg-Deg ah :Dad lagu qabqabtay Mgaalada Burco.

Post by Mr_Alfaas »

The_Emperior5 wrote:Haa dee nin walba website bu leeyahay eh :lol:
ninkasta website ayu wax ka dhagaysta dheh uu ku kalsoon yahay. :lol: :lol:
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: War Deg-Deg ah :Dad lagu qabqabtay Mgaalada Burco.

Post by Keyse_0208 »

Mr alfaas, this website ishanews aad xayeysiisaa maba shaqeysaba, most of the links when u click on them dont open
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: War Deg-Deg ah :Dad lagu qabqabtay Mgaalada Burco.

Post by Mr_Alfaas »

Keyse_0208 wrote:Mr alfaas, this website ishanews aad xayeysiisaa maba shaqeysaba, most of the links when u click on them dont open
:lol: :lol:
which sxb anu way ii furman badan...kolay cilad frasamaysan way ku dhici karta webku kolay wa cusub yahay..

lakin niyow designkisa i cajabiyeyba :lol:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: War Deg-Deg ah :Dad lagu qabqabtay Mgaalada Burco.

Post by Siciid85 »

MrAlfaas, here is some news from Ishanews.



Garaad Kayse Garaad Cali oo xukumada Siillaanyo ku dhaliilay xaalada Galgala
Posted by sayla on September 4, 2010
Garaad Kayse Garaad Cali Oo Xukuumadda Siillaanyo Ku Dhaliilay Xaaladda Amaan Daro Ee Ka Soo Kordhaysa Buuralayda Galgala, Sheegayna In Wasiirka Daakhiliga Oo Ay Balansanaayeen Uu Taleefankii ka Qaban Waayey

Hargeysa, September 4, 2010 (IshaNews) – Garaad Kayse Garaad Cali Maxamuud Cali Shire oo ka mid ah Madaxdhaqameedyada Somaliland, Gaar ahaana deegaanada bariga Sanaag ayaa dhaliil uga soo jeediyey xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo Wasiirka Arimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Arimaha Gobolada Bariga.

Garaad Kayse Garaad Cali waxa uu intaas ku daray haddii aan xukuumadda Somaliland si degdeg ah waxa uga qaban xaalada Amaan Daro ee isa soo taraysa ee deegaanka Galgala ee Bariga Sanaag, oo uu tilmaamay in deegaanadaasi ay ka mid yihiin dhulka Somaliland isla markaana ilaahay ku manaystay Khayraad, balse Somaliland aanay ka warhayn xaalada colaadeed ee ka taagan deegaanadaasi.

Garaadku waxa uu intaasi ku daray in colaada halkaasi ay ku hirdamayaan Kooxda Atom iyo Puntland ay salka ku hayso khayraadka Somaliland ee deegaankaasi leeyahay.

Waxaanu Garaad Keyse Garaad Cali sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka tilifoonka kula soo xidhiidhay wargeska Haatuf isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa. Ugu horay Garaadku isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas maalintii dhawayd ee uu ka hadlay Saamiga beesha afkiisa kumuu hadlayn ee waxa uu ku hadlayey afka beesha, waxaananu taageersanahay baaqii Xildhibaanka, waana run oo aad ayaanu u saluugsanahay samiga nalaga siiyey xukuumadan cusub, Somalidu waxay tidhaahdaa Kala-lulasho iyo kala go’ iyamaa la qaatey, kala go’ ayaa la qaatey sida runta ah, Madaxwaynihii hore waxaanu ku canaanaynay in siyaasadiisu ay ahayd kala-lulasho, laakiin siyaasada Axmed Siilaanyo waxay noqotey kala go’.”

S: Xukuumadan hada talada dalka haysaa, waa mid aad uga tiro yar, waxa sidaas loo sameeyeyna waa tayo, mida kale wasaarada Gaashiindhiga oo la siiyey beesha aad ka soo jeedo waa wasaarad wayn, arintaasi miyaanay kuu muuqan?

J: Xukuumada tiro yar oo tayo leh in la helo kama soo horjeedno, laakiin dawlada hada talada maaha mid la soo ururiyey waxbana kama yara xukuumadii Siilaanyo, Wasiirka Gaashaandhiguna waa run waa nin beesha ah, laakiin isagu waa nin reer Ceerigaabo ah, beeshuna ma wada aha Ceerigaabo, Badhan ayaa jirta oo iyadu gobol ah, Laasqoray iyo Dhahar oo labaduba dagmo ah ayaa xataa aan ka dhexmuuqan xukuumada cusub, arintaasna waxaanu u aragnaa in reerka la yasayo, gobolka Badhan waxa u wanaagsanayd dawladu in ay mudnaan wayn siiso, sababto ah waa gobol ay dhibi iyo dagaal ka taagan yahay.

S: Maadaama oo xukuumadii Rayaale aanay gaadhin xuduudaha bariga Sanaag, ma isleedahay xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo way ku guuleysan arintaas mihiimada wayn ugu fadhida qaranka?

J: Waanigii hore kuu yidhi Kala-lulasho iyo kala go’ keebaa la qaatey, waxa la qaatey kala go’, markaa xukuumadii Rayaale waxay ahayd kala-lulasho, xukuumadan Siilaanyo-na waa kala go’, sababta oo ah dadkeenu waa beelo beeshaasna waxa weeyi beel la dayacay, markii aan anigu is idhi ka hadal dhibaatada deegaanadaas ka jirtana cid iga hoos qaada waan waayey

S: Guddi ayuu madaxwanuhu dhawaan u magacaabay arimaha bariga, gudidaasna waxa u Guddoomiye ah wasiirka Arimaha Gudaha, gudidaasi miyaanay iyadu arintan aad sheegaysaa shaqadeeda ahayn?

J: Anigu waxaan la kulmey gudidaasi iyada oo la magacaabay laakiin aan wali wax hawla qaban, madaxwaynaha ayaan markaa qoraal u diray, madaxwaynuhu arintaas aan u soo jeediyey aad ayuu ugu farxay oo wuxuu yidhi arintii aan gudida u saarayba hada ayey soo dhawaatey, wuxuu yidhi la xidhiidh wasiirka arimaha gudaha, Gaboose-na garan maayo anigu sida uu wax u wadee albaabkii ayuu iga xidhay, madaxwaynahana wali dib iskumaanu arag laakiin waxaan leeyahay madaxwayne arintii halka ay marayso waad arkeysaa waxaad masuul ka tahay ummada Somaliland oo dhan, waxaanad ogaataa in arintu maalinba maalinta ka khatarsan ay khatar ku sii siqayso.

S: Buuralayda Gall-Galla waxa dagaalo ka dhexwada wadaadka Atam oo la sheegay in uu xidhiidh la leeyahay ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Koonfurta Somaliya arintaas maxaad kala socotaa, maxaadse xukuumada cusub ugu soo jeedin lahayd arintaas?

J: Waxa la isku haystaa waa macdantii iyo khayraadka halkaas ilaahay ku manaystey, inaga ayaana iska leh oo cid kasta ugu xaq badan, Dhibaatooyinka ka socda buuraleyda Gal-Gala-na waxaad moodaa dawladeena iyo dadkeenuba in aanay ogayn, dhawr jeer ayaan anigu arintaas ka hadlaya laakiin cidiba way iga hoos qaadi wayday, walaahi hadii aan arintaas laga hortagin oo aan laga sii tabaabushaysana dhibwayn ayaa Somaliland iyo dadkeeda ka soo wajihi doona, waxaan xukuumada Madaxwayne Siilaanyo u soo jeedinayaa in aanay is odhan arintaasi halkaas ayey ku eekaan doontaaye iska daaya, hadii ay Puntand ka adkaadaan cida ay ku soo jeedsanayaan waa inaga, markaas arintaas waa in xukuumadu dag dag uga arinsataa.

S: Dagaalada ka taagan Gall-gala masuuliyiinta dawlada wali makala hadashay, yaase ka mid ah cid aad kala hadashay?

J: Haa waan kala hadlay masuuliyiin badan oo ka tirsan dawlada Somaliland, waxaanan waliba ugu horayn kala hadlay Madaxwayne Axmed Siilaanyo, madaxwaynuhuna waxa uu ii soo gudbiyey wasiirka arimaha gudaha, wasiirka arimaha gudahana waanu wada hadalnay si wanaagsan ayaan ugu sharaxay dhibta deegaanadaas ka jirta, wuu ila balamay, wuxuu yidhi bari aynu isku nimaadno baritadii ilaa hada tilifoonkii ayuu xataa iga qaban waayey.

Dhinaca kale wasiirka arimaha gudaha Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino arimahaasi ayaaney noo suurta galin in aanu helno.

Xigasho Haatuf.

IshaNews News Desk
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”