Ahmed Youssouf Houmed, Président de l’A

Bruxelles(Saylac.com)-September 12, 2010
Shirweyne ay ku bahoobeen dhamaaan xisbiyada mucaaradka Jabuuti ayaa maanta saacadu markay abaareysay 4:00 Galabnimo Mucaaradka Jabuuti uga furmay magaalada Bruxelles ee Cariga Belgium. Shirkan oo si aad u sareysa loosoo abaabulay ayaa waxa ka qayb galay madaxda kala duwan ee xisbiyada Mucaaradka Jabuuti oo uu horkacayo Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Xukumadii Xasan Guleed Abtidoon Mudane Ismaaciil Geedi Xareed ahna madaxa Dalada ay ku midoobeen Xisbiyada Mucaaradka Jabuuti. Waxa kale oo Wufuudan kasoo qayb gashay shirweynaha ka mid ah Madaxa Ururka CDS Mudane Ismaaciil Buux Rooble,
Daher Ahmed Farah (MRD)

Madaxda kale ee kasoo qayb gashay shirka waxa ka mid ah :
MM. Ismaaciil Geedi Xareed Madaxa dalada UAD
Maxamed Chehem Daud Madaxa Ururka PDD
Mahdi Ibrahim Good Madaxweyne ku xigeenka ururka ARD
Casiim Cali Diini Sacrateriga sare ee ARD
Maki Xaamud Gaba Wakiilka Sakrateriga ururka ARD ee Yurub
Xaamud Daauud wakiilka ururka ARD ee dalka Faransiiska
Ismaciil Bookh Rooble madaxweynaha ururka CDS
iyo marti sharaf aad u kala duwan oo kakala yimid wadamada Yurub, Waqooyiga Ameerika, Australia iyo Afrika.Shirweynaha maanta u furmay xisbiyada mucaaradka Jabuuti ayaa lagaga hadlay tariikhdii ay xisbiyada mucaaradka Jabuuti soo mareen iyo waliba sidii loo dardar galin lahaa wacyigalinta shacabka Jabuuti ee ku wajahan cabudhinta iyo dhaqaale darada ay ku hayso xukumada uu madaxda ka yahay Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele.
Sidoo kale waxa lagaga hadlay arimaha siyaasadeed ee geeska Africa iyo sidii dalka Jabuuti loogu soo ridi lahaa habka dimoqraadiyada, Kobcinta dhaqaalaha, dhinaca Waxbarashada iyo horumarinta Dhalinyarada. Shirweynahan oo socon doona dhawr Casho ayaanu idiinsoo gudbin doonaa qodobada lagaga hadlay iyo nuxurka uu huwan yahay shirweynuhu oo ah sii adkaynta dalada mucaaradka Jabuuti iyo midnimada axsaabta mucaaradka Jabuuti si wadajir loola xisaabtamo xukumada Ismaciil Cumar Geele ee talada dalka haysa.
Hadii aad jeceshay inaad ka qaybgashid hoos ka aqri addresska uu shirweynuhu ka dhacayo oo ah:
Adreyska
Kriekelaar Center
Street Gallait 86
1030 Schaerbeek (Brussels near the Place Liedts)
Transport: Tram 55 stop where Rubens Pavilion
