Gudd/Guurtida Beelaha Hawiye Oo Dhaliilay Sharmaake,Sheegayna In Ay Ogol Yihiin Gooni-Isu Taaga SL
Written by Haatuf
Sep 22, 2010
Gudd/Guurtida Beelaha Hawiye Oo Eedo U Soo Jeediyey Ra'iisal-Wasaarihii Dawladda Sheekh Shariif, Sheegayna Inay Ogol Yihiin Gooni-Isu Taaga Somaliland
Hargeysa,(Qaran news)-Guddoomiyaha Guurtida Beelaha Hawiye Sheekh Ciise Maxamed Dalabey ayaa sheegay in madaxda ka Soo jeeda Beesha Daarood ee ka tirsan Maamulka Dawlada Sheekh Shariif ay dhib uun ku hayaan beesha Hawiye, isaga oo tilmaamay in Ra'iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke oo shalay xilkii iska casilay intii uu xilka hayay in hanti lacageed oo dalka Somalia lahaa uu gaystay maamul goboleedka Puntland oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.
Guddoomayaha Guurtida Beelaha Hawiye Mr. Dalabeey, waxa uu intaa raaciyay Cumar C/rashiidna Ra'iisalwasaare inuu ka ahaa Xukuumada Sheekh Shariif oo dhulka Hawiye xukumayey, isla markaana madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Mr. Faroole isaguna dadkii ka soo jeeday koonfurta Somalia uu kasoo mastaafuyey deegaankooda, ayaa waxa uu ku tilmaamay mid aan meesha qaban.
Waxa kale oo uu sheegay in Hawiye ahaan ay ogol yihiin jiritaanka Somaliland, isla markaana loo baahan yahay in labada dhinac koonfurta Somalia iyo Somaliland-ba iskaashi ka yeeshaan siddii wax la isku tari lahaa.
Ugu horayna isaga oo ka hadlaya arrinta Ra'iisal wasaaraha uu ku eedaynayo iyo madaxweynaha Puntland inay Hawiye dhibaato ku hayaan waxa uu yidhi "Waxaan rabaa inaan Beel beel ula hadlo beelaha Soomaaliyeed aan ugu horeeyo beelaha Daarood, waxa ka dhashay Ra'iisa-wasaare Cumar C/rashiid (is-casilay), gaar ahaan Beesha Harti (Majeerteen) waxaan rabaa inay beeshoodu kaxaystaan oo aan ka codanayaa inay Carradooda (dhulkooda) inay gaystaan, sababtuna waxay tahay waxa uu sameeyay cadaalad daro oo waxa uu raray lacagtii qaranka wuxuuna u rartay Puntland anaguna dhulkaanu qarka ku haynaa, iyaga waxayagii qaba, waxaan ka codsanaynaa beeshaas inay odaygaasi (Cumar C/rashiid) mel geeyaan"
Waxanu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata "Waxaad ogtihiin ninka la yidhaahdo Faroole ee Maamul-goboleedka Puntland madaxweynaha ka ah waxa uu soo Tarxiilay (mastaafuriyey) dad Soomaali ah, taasina waxay kuu cadaynaysaa dhaqan ahaan in meel lagaga dhacay, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke-na kama hadlin, arrinkaas waxay ahayd ra'iisal-wasaarahu inuu ka hadlo uu yidhaahdo waar dadka ha soo rarin aniguba qolo kale ayaan la joogaaye meeshan Xamar Hawiya iska leh, meeshu doonaya inuu nagu xukumo waxbana nagumu darsan isaguna lacagtayadii buu rarayaa markaa dadkana waan soo mastaafurinayaa waanan idin xukumaya ma soconayso. Ta kale ra'iisal wasaaruhu waxa uu hada soo samaystay dastuur madmadow badan leh, markaa beeshaasi Majeerteen xoog (Ciidan) iyo dhaqaale midna nagumay darsan difaacii dalka waxba kamuu qaban ra'iisal wasaare Cumar C/rashiid waxaanu ku mashquulay dantiisa, isaga oo 2500 askartii mushaharkii iyo raashinkoodii ka joojiyay isagu iska maamushay, wuxuu ku guul-daraystay inuu xoog iyo dhaqaale ka keeno Puntland, waxanu maamulayay oo kaliya hantida Hawiye Dakeda iyo Airport-ka Xamar Hawiye ayay wax uga soo degaane hal xabo kuma laha iyagu"
Gudoomiyaha Guurtida beelaha Sheekh Ciise Maxamed Dalabeey mar uu ka hadlayay inay beelaha Hawiye taageerayaan Somaliland, islamarkaana Beelaha Hawiye ay ka go'an tahay inay taageerayaan Somaliland nabadgalyana ay ku wada noolayaan, waxa kale oo uu intaa ku daray in beesha Dir ee koonfurta Somalia ay Hawiyaha isku saami yihiin haddii Soomaalidu isku soo noqto iyo haddii ay kala tagta-ba "Beelaha Dir ama Somaliland, dir waxay yeelatay dawlad waxayna ku dhawaaqday gooni isu taag, hadaba waxaan Somaliland ka codsanaynaa waxa ay anaga (Hawiye) na tari lahaayeen inay na taraan, taas ayaanan anagu Hawiye ahaan kula shaqaynaynaa waayo bulshadaasi waxay yidhaahdeen anagu (Somaliland) gooni baanu isu-taagnay, anagu Somaliland baanu naqaana intaa ay aqoonsigeeda helayso waxaanu doonaynaa inay meesheeda ku nabad gasho, wixii aan u qaban karayno ayaan u qabanaynaa. Ta kale beesha Dir ee koonfurta Somalia waxay naga heli doontaa xaqeeda haddii Somalia wada jirtu iyo haddii ay kala tagto-ba diyaar baanu u nahay "Biyo Maal" baan u jeedaa isku saami ayaanu nahay waanu u kaalmaynaynaa".
Gudd/Guurtida Beelaha Hawiye Oo Dhaliilay Sharmaake,Sheegayn
Moderator: Moderators
- HaragWafi85
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1838
- Joined: Sun Sep 19, 2010 9:48 am
- Location: Somaliland.
Re: Gudd/Guurtida Beelaha Hawiye Oo Dhaliilay Sharmaake,Shee
Instead of blaming others for their problems they should look in the mirror first, also it was a smart move on his behalf to side with Somaliland there are already almost 100,00 refugees from Koonfurta who found peace in SLand.
Re: Gudd/Guurtida Beelaha Hawiye Oo Dhaliilay Sharmaake,Shee
Who takes this guy serious?
This is the man that was telling Al-shabab to go rap D&M and take there towns in the same speech. 
Re: Gudd/Guurtida Beelaha Hawiye Oo Dhaliilay Sharmaake,Shee
Nobody would really take him serious.Executive wrote:Who takes this guy serious?This is the man that was telling Al-shabab to go rap D&M and take there towns in the same speech.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 301 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 442 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 1 Replies
- 369 Views
-
Last post by Gedo_Boy
-
- 0 Replies
- 541 Views
-
Last post by COSTA
-
- 16 Replies
- 72 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 24 Replies
- 2293 Views
-
Last post by Addoow
-
- 5 Replies
- 456 Views
-
Last post by abgaalKING
-
- 4 Replies
- 762 Views
-
Last post by Somali-Transporter
-
- 16 Replies
- 1067 Views
-
Last post by MJ-Pride
