Madax-dhaqameedka, Waxgaradka Ceerigaabo oo

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Madax-dhaqameedka, Waxgaradka Ceerigaabo oo

Post by Mr_Alfaas »

Madax-dhaqameedka, Waxgaradka iyo Dhalinyarada Ceerigaabo oo xukuumadda ku dhaliilay



Madax-dhaqameedka, Waxgaradka iyo Dhalinyarada Ceerigaabo oo xukuumadda ku dhaliilay xayiraada ay Saartay Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe

“Qolada aannu ilma’adeerka nahay waxaan leeyahay ama madaxweyne samaysta ama raysal-wasaare annaga C/raxmaan Ducaale wuxuu nooga dhigan yahay Siiilaanyo”. Nabaddoon-Cismaan Faarax

Ceerigaabo (Ishanews) Kulan Ballaadhan Saxaafaddana u furan oo Madax-dhaqameedyada Guurtidda Waxgaradka iyo Dhallinyarada Beesha H/Yoonis-bari ku qabteen fagaaraha Beerta xorriyadda ee magaalada Ceerigaabo ayaa halkaas waxa xukuumadda Somaliland ay uga soo jeediyeen canbaarayn kuu waajahan guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland C/raxmaan Ducaale oo xukuumaddu xayiraad dhaqdhaqaaq kusoo rogtey iyo xubno madaxdii xukuumaddii hore ka tirsanaa oo la sheegay iyagana in xukuumaddu baadi goob noocan oo kale ah la daba joogto, iyadoo sidoo kalena halkaas xukuumadda uga soo jeediyey dhalliilo dhinaca maammulka iyo baaq ku waajahan in 24-ka saacadood ee innaku soo fool leh xukuumaddu xayiraadda kaga qaaddo guddoomiyahan hore (C/raxmaan Ducaale) sidoo kalena ka waantowdo sida ay sheegeen Aargoosiga xukuumaddu xilligan kula kacayso xubnaha madaxda ka ahaa xukuumaddii hore ee lagaga guulaystey doorashadii Somaliland ka dhacday.

“Arrintan maanta kicisay beesha H/Yoonis-bari ee ah xayiraadda guddoomiyihii hore ee Baanka (C/raxmaan Ducaale) iyo baadi-goobka loogu jiro xubnaha kaleba waa mid ay qaadan waayeen oo sii xoojisey shakiyo iyo dareenno hore oo arrimahaas ka jirey”. Sidaas waxa yidhi guddoomiyaha H/Yoonis-bari Faarax Cali Jaamac oo ugu horrayn halkaas ka hadlay.

Chief-Caaqil-Xuseen Xasan Cali oo isaguna fagaarahan ka hadlay ayaa yidhi “Dadkan waxa soo gaadhey guddoomiyihii hore ee baanka oo xilkii laga qaaday haddana xayiraad iyo dabagal lagu sameeyey. Arrintaas waxannu leenahay xukuumadda cusubi waa ku qaldan tahay, waxannuna filayney markii ay dalka qabsadeen isbeddelkii ay ku baaqi jireen in uu noqonayo wax ay dawladdii hore dheer yihiin laakiin toosh laysla daba galo iyo hadba kan qabo meesha lagama filayn”. “Madaxweynaha waxannu leenahay wasiirradaada jabhadaynaya haddii aanad la ogayn dadka ka qabo waayo jabhadayn Ina Cigaal baa soo afjaray Rayaalena waddadiisii ayuu marayey Somalilanfd-na waxad kula wareegety dal dhisan dhinac kastaba oo xasiilloon oo ictiraaf keli ahi ka dhiman yahay madaxweynihii horena uu si sharaf ah kuugu wareejiyey imminkana xaaladdii amnigu waa kasii daraysaa waxayna arrintu maraysaa hebelow kursi soo eego oo ila ciidammadii ku siman markaa Somaliland haddii aanad meel kale ku wadin halkii ay maraysey ha laga sii wado”.

“Madaxweynaha waxannu ugu baaqaynaa in C/rxmaan Ducaale si deg deg ah xorriyaddiisa loo soo celiyo oo afduubka jabhadeed ee lagu haysto laga sii daayo. Haddii ilaa beerito aan xorriyaddiisii loo soo celin wixii dhibaato arrintaas ka dhasha idinkaa mas’uul ka ah”.

Chief-Caaqil-Saalax Maxamed Xirsi oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Arrintani waa mid argagax leh una muuqata sidii inqilab millateri dalka lagu kala qabsaday waayo nin xilkii laga tirsaday in xadhig loogu daro suurtagal ma aha”. “Madaxweynaha waxannu leenahay nin ciil qaba ama Muqdisho ku socd dalka yaan laga tala gelin, dawladdii iyo dalkii dhisnaana farahaaga yaanay ku burburin. Ninkaas inqilabka lagu qabsadayna xorriyaddiisa degdeg ha loogu soo celiyo”.

Xildhinaab-Dinnad ayaa hadallo dhinacyo badan taabanayey oo uu halkaas ka yidhi waxa ka mid ahaa

“Madaxweyne-Siilaanyo xukuumadda iyo nidaamka uu la wareegey waa kii uu wasiirrada (Qorshaynta iyo Maaliyadda) kazoo ahaan jireyixtiraam iyo hab dawladnimona wa jiraan markaa haddii waxyaabaha uu sheegayaa jiraan waa wax ilaa xilligiisii soo jiitamayey oo uu ogyahay”.

“C/raxmaan Ducaale isagaa dawladda lafdhabar ka ahaa, ninka baanka joogaana haddii aanu la shaqaynayn oo dadka hay’adaha dawladaha iyo hadba meel aanu xukuumadda amah uga soo qaaday madaxweynuhuna koob ma caanayn karayo, waayo xukuumaddu dhaqaale ma haysee waxay wax ku waddaa waa cashuurta yar iyo amaah baankuna taasuun buu wax ku wadaa. Siilaanyona isagoo madaxweyne ah manta $ 7,000,000. Doollar ayuu dad ka amaahday oo mushahaarooyinka iyo deyn ku bixiyey . Markaa haddii Siilaanyo xeer ka dhigo ninka baanka joogaa wixii uu soo qaado iyo wixii uu qabto waa loo xidhayaa isaga ayaa ku xigi doona. Haddii aad kaas karaamada ka qaadoona adiguna karaamo yeelan maysid”.

Isagoo ka hadlaya baadhista la sheegay hanti-dhawrka guud in uu la daba joogo guddoomiyihii hore ee baanka (C/raxmaan Ducaale) wuxu yidhi “Odhitku baanka ma baadhi karo waayo baanku waa laan madax bannaan oo sida ganacsatada iyo hay’adaha kale akkoonnadu ugaga furan yihiin ayaa xukuumaddana akkoonkeedu uga furan yahay waxayna baananku leeyihiin odhit u gaar ah haddii ay meesha soo gasho odhit-ka in uu baadhayo baankana waxay keeni kartaa kala shaki iyo in dadkii kalena lacagahoodii kala baxaan baankaas, markaa taasi sharci ma aha”.

Isagoo ka hadlaya xubno madax sare ka ahaa xukuumaddii Rayaale oo la sheegay in iyagana lagu raad joogo wuxu yidhi “Wasiirrada iyo madaxda kale ee la leeyahay waa la daba jooga nidaam sharci ma aha laakiin waa aargoosi waxayna qayb ka tahay hadalladii qolada Kulmiye odhan jireen aakhiraannu idiin diri doonnaa “.

“Qolada aannu ilma’adeerka nahay waxan leeyahay ama madaxweyne samaysta ama raysal-wasaare annaga C/raxmaan Ducaale wuxu nooga dhigan yahay Siiilaanyo”. Sidaas waxa yidhi Nabaddoon-Cismaan Faarax Xaammud.

“Horaa nalooku sheegay maagga laakiin maantuu noo muuqatay umna dul qaadan doonno arrimaha lagu kacayo iyo aargoosi, waxannuna leenahay dalka ka daaya yaanu maammul-goboleedyo u kala go’ine, waad ogtihiin imminka afarta jaho afduub in uu ka dhacay iyo xataa ciidammadii oo odayal ka talinayaan oo warbaahinta ka hadlayaan, waana arrimo ugub ku ah Somaliland”. Sidaas waxa yidhi Siciid Cilmi Hoorri.

“Dalka xilligan khalkhal nabadgelyo ayaa ka jira dadkuna waa dadkii dalkuna waa dalkii markaa xukuumadda cusub waxannu leenahay meelo day-daye in aad noqotaan looma baahna umana dulqaadanayno arrimaha jira ee aannu horraantoodii arkayno”. Sidaas waxa yidhi Nabaddoon-Saalax Ducaale carraale.

“Talo fara ka haaddeye nabadgelyadeenna aan ilaashanno oo dawlad aynu u ahaannaa ma jirtee nafteenna aan heegan u ahaanno. Somaliland-na meel fog bay kasii laad-laaddaa oo wax kasii dhaca mooyee waxba uma kordhine alle haynoo ilaaliyo isbeddelkii dawladdan cusubina waa innoo caddaadaye waxba yaan laysu qarsan, ninka meesha haystaana waxba ma oga ayaa la yidhiye raysalwasaare la sheegayo oo la leeyahay toorreyo ayuu haystaana waa jiraa, waad ogtihiinoo maanta budhcad-badeeddii la sii daayey ilaa Seylac ayaa amnigii faraha ka baxday, ninka isku hayeyna C/raxmaan Ducaale ayuu ahaayoo marka la daba galay waa noo caddaatay in raggii Somaliland rabey la raafayo, qabyaaladiina waa noo muuqataa. Inta hawshan waddaana waa raggii Somalia rabey markaa annagu taas kuma jirno”. Sidaas waxa yidhi Dacar Aadan Cadde

Boqor-Maxmed Nuux Aadan oo ugu danbayn fagaarahan ka hadlay ayaa yidhi “

“Anigoo ku hadlaya afkayga isim ahaaneed iyo afka isimmada maqan intaba arrinta maanta halkan la isugu yimid waa mid H/yoonis-bari mid jooga iyo mid maqaniba ka midaysan tahay annaguna aannu hormuud ugu nahay”. “Arrintii lagu sameeyey guddoomiyihii hore ee baanka Somaliland ma aha mid ku habboon qof mas’uul ah gaar ahaanna isaga in lagula kaco, waxaannu ka miis qaadan karnona ma ahayn waayo C/raxmaan dalka miisaan weyn ayuu ku leeyahay. Waxannuna madaxweynaha (Siilaanyo) ka codsanaynaa arrintaas baadhis degdeg ah in uu ku sameeyo oo raalligelin degdeg ah naga siiyo”.

C/raxman Osman C/laahi(Isbatore)
Ishanews Media Group
Email.expensiveman_10@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”