Xooghaya Xisbiga UDUB in Another Big embarrassment

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Xooghaya Xisbiga UDUB in Another Big embarrassment

Post by LiQaaye_TDH »

Gaadhigii Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Mr. Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa nin shacab ah ula wareegay dayn qaad xad-dhaaf ah oo uu ka macmiishay muddadii xisbigiisu talada dalka gacanta ku hayey.

Gaadhiga Xoghayaha Guud ee UDUB oo noociisu yahay Landcrusser, lambarkiisuna yahay SL. 30188, ayaa sida ilo xogogaal ah Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa mulkiyaddiisa si rasmi ah ula wareegay oo haatan gacanta ku haya nin shacab ah oo ka ganacsada qaadka oo sida ilahaasi caddeeyeen ku yeeshay dayn dhan $10 kun oo doollarka Maraykanka oo uu muddo dheer kaga macmiishay qaad uu si joogto ah u bixin jiray xilliyadii uu socday ololihii doorashada Madaxtooyada ee xisbigiisa lagaga adkaaday.

fadeexaddan ayaa noqonaysa tii labaad ee soo foodsaarta Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Mr. Jaamac Yaasiin Faarax tan iyo intii ka dambaysay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26kii bishii June ee la soo dhaafay, sidoo kalena waxa maxkamadda kaga socota dacwad labaad oo la xidhiidha dayn xad-dhaaf ah oo uu galay bilihii ugu dambeeyey ee xisbigiisu ganacta ku hayey hoggaaminta dalka Somaliland.

Daynta kale ee xoghayaha UDUB lagu leeyahay oo sida uu qirtay gaadhaysa $35,727 doollar, ayaa markii xisbiga UDUB bixin waayey, waxa xoghayaha UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax dabayaaqadii bishii Augost 2010 looga yeedhay maxkamadda, basle sida uu ku sheegay waraysi uu xilligaas siiyey wargeyska madaxa bannaan Ogaal, ma uu tagin maxkamadda, kadib markii dacwaddiisa ku tilmaamay mid siyaasadaysan
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: Xooghaya Xisbiga UDUB in Another Big embarrassment

Post by Executive »

LiQaaye_TDH wrote: ilahaasi caddeeyeen ku yeeshay dayn dhan $10 kun oo doollarka Maraykanka oo uu muddo dheer kaga macmiishay qaad uu si joogto ah u bixin jiray xilliyadii uu socday ololihii doorashada
Now I see where Xoosh got the Qaad and Qamri from :lol: :lol: :lol:
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Xooghaya Xisbiga UDUB in Another Big embarrassment

Post by Cali_Gaab »

LMFAO :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Xooghaya Xisbiga UDUB in Another Big embarrassment

Post by Dhaga Bacayl »

Lacagtu lacagtii doorashada lagu galay ka mid tihee ninka xasarada kadaaya :lol:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Xooghaya Xisbiga UDUB in Another Big embarrassment

Post by The_Emperior5 »

that's some expensive mirqaan :D
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Xooghaya Xisbiga UDUB in Another Big embarrassment

Post by LiQaaye_TDH »

The_Emperior5 wrote:that's some expensive mirqaan :D
Ina Afdiinle can maybe for this 10k Marqaan :lol:
Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: Xooghaya Xisbiga UDUB in Another Big embarrassment

Post by Cumar-Labasuul »

Executive wrote:
LiQaaye_TDH wrote: ilahaasi caddeeyeen ku yeeshay dayn dhan $10 kun oo doollarka Maraykanka oo uu muddo dheer kaga macmiishay qaad uu si joogto ah u bixin jiray xilliyadii uu socday ololihii doorashada
Now I see where Xoosh got the Qaad and Qamri from :lol: :lol: :lol:
Where did you see khamri because I didn't?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”