Page 1 of 2
BELED HAWO HAS BEEN LIBERATED BREAKING NEWS
Posted: Sun Oct 17, 2010 2:45 am
by CoolPoisons
Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo la wareegay Magaalada Baladxaawo.
Baladxaawo: (Sh. M. Network) Ciidamadii uu hogaaminayay Xildhibaan Bare Aadan Shire Bare Hiiraale aya goordhaweed waxaa ay dagaal kula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Baladxaawo oo mudo ku dhawaad sanad ay maamulayeen Al Shabaab.
Wararka ka imaanay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo waxaa ay sheegayaan in gacan ku haynta degmadaasi ay la wareegeen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan dowladda KMG ee Soomaliya iyaadoo Magaaladaasi laga saaray ciidamda Al Shabaab ee dagaalka lagalay kuwa dowladda.
Ina la’ogyahay 3-ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen oo sida la sheegay dhinacayadii dagaalmayay ah, waxaana jira qasaarooyinka kale oo soo gaaray dadka rayidka aha ee lagu duldagaalmay.
Ciidamda dowladda KMG ee Soomaaliya ee xalay weerarka ka soo qaday degmada Dooloow ee gobolka Gedo watana gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ay si buuxda ula wareegeen Xarumihii muhiimka ahaa ee Shabaab ay kaga sugnaayeen degmada Baladxaaawo gaar ahaa Saldhiga iyo Xarumihii kale ee Degmada Baladxaawo.
Wixii War ah ee ku soo kordha kala soco Shabelle.net Hadii Alle Idmo.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
http://www.shabelle.net/component/conte ... baladxaawo
Re: BELED HAWO HAS BEEN LIBERATED BREAKING NEWS
Posted: Sun Oct 17, 2010 2:50 am
by Murax
Re: BELED HAWO HAS BEEN LIBERATED BREAKING NEWS
Posted: Sun Oct 17, 2010 2:50 am
by ciyaal_warta
congratz 2 ma quule brothers

Re: BELED HAWO HAS BEEN LIBERATED BREAKING NEWS
Posted: Sun Oct 17, 2010 2:52 am
by Murax
Luuq next Inshallah

Re: BELED HAWO HAS BEEN LIBERATED BREAKING NEWS
Posted: Sun Oct 17, 2010 2:52 am
by CoolPoisons
^^ ciyaal warta, ogow it's only 1 city
Waxa haray
Luq, Bardhere, Burdhubo, Garbaharey, Elwaq, El Adde, then Sakow, Jilib, Buale, Afmadow, Jamame, Dhobley then Kismayo
Re: BELED HAWO HAS BEEN LIBERATED BREAKING NEWS
Posted: Sun Oct 17, 2010 2:58 am
by ciyaal_warta
CoolPoisons wrote:^^ ciyaal warta, ogow it's only 1 city
Waxa haray
Luq, Bardhere, Burdhubo, Garbaharey, Elwaq, El Adde, then Sakow, Jilib, Buale, Afmadow, Jamame, Dhobley then Kismayo
true ...laakin in raga la mashquuliyo waaye hiiraan inay ka bilaabato bay iyo bakool iyo gaduud looga bilaabo waaye si ey u wareeraan ayna iskugu gurman karin

Re: BELED HAWO HAS BEEN LIBERATED BREAKING NEWS
Posted: Sun Oct 17, 2010 6:40 am
by IRONm@N
he is just fighting because his cousin is elected prime minister, why didn't he do that before?
Re: BELED HAWO HAS BEEN LIBERATED BREAKING NEWS
Posted: Sun Oct 17, 2010 7:33 am
by Basra-
why was it called baled hawo? Is that where Hawo aka Eve was cast to from heaven? (along with Adam of course)

Re: BELED HAWO HAS BEEN LIBERATED BREAKING NEWS
Posted: Sun Oct 17, 2010 9:43 am
by ciyaal_warta
Basra- wrote:why was it called baled hawo? Is that where Hawo aka Eve was cast to from heaven? (along with Adam of course)

yap

Re: BELED HAWO HAS BEEN LIBERATED BREAKING NEWS
Posted: Sun Oct 17, 2010 10:01 am
by Basra-
ciyaal_warta

u cant respond, u r personally biased and invested. U r marehaan.

Re: BELED HAWO HAS BEEN LIBERATED BREAKING NEWS
Posted: Sun Oct 17, 2010 2:01 pm
by qoraxeey
Basra- wrote:why was it called baled hawo? Is that where Hawo aka Eve was cast to from heaven? (along with Adam of course)

´
you are so sweet buurtooy
Re: BELED HAWO HAS BEEN LIBERATED BREAKING NEWS
Posted: Sun Oct 17, 2010 2:17 pm
by shidow1
Re: BELED HAWO HAS BEEN LIBERATED BREAKING NEWS
Posted: Mon Oct 18, 2010 7:42 am
by Cirwaaq
Re: BELED HAWO HAS BEEN LIBERATED BREAKING NEWS
Posted: Thu Oct 21, 2010 12:01 pm
by Talo alle udaa
Indeed it has been liberated. 12 months of training=failure for doollo militia.
Re: BELED HAWO HAS BEEN LIBERATED BREAKING NEWS
Posted: Thu Oct 21, 2010 4:56 pm
by Estarix
The liberation was short lived........4 days
barre Hiiraale fled like the faras he is.
The Alshabaab are unfortunately razing Beled Xaawo with mortars.
Ciidamada Ethiopia oo degmada Beledxaawo duqeeyey iyo dagaalka oo istaagay
Posted by Gedo
Thursday, October 21 @ 15:21:14 EDT
Warar faahfaahsan ayaa ka soo baxayo dagaalkii kululaa ee caawo ka qarxay magaalada xuduuda ku taalla ee Beledxaawo,halkaasoo ay si daran hubka waa weyn isugu garaaceen,magaaladana la dhaceen ciidamo DKMG oo ay wehliyaan Ahlu-Sunna Wal-Jameeca wada socda iyo kuwa Al-Shabaab.
Goor dhaweyd ayuu dagaalku soo gabagaboobay, xiriirro dhowr ah oo ay Shabakaddan sameysay dad ku sugan magaalada gudaheeda ayaa xaqiijiyey in dagaalku dhimasho iyo dhaawac badan sababay,laakiin aan la kala garin karin cidda geeriyootay, maadaamaa ay habeen tahay.
Sida ay dad xog-ogaal ah noo sheegeen ciidamada Ethiopia ayaa dhanka degmada Doolow ka soo duqeeyey Beledxaawo,iyagoo ku garaacay qori uu kamid yahay BM.
Hooyo magaceeda ka gaabsatay oo aan qadka telephone-ka kula xiriirnay iyadoo qax ku timid degmada deriska ah ee Mandheere ayaa sidatan u sheegtay Gedoweb:-
''Eedoy labadii saac iyo barkii ayaan Mandheere lug ku nimid markii aan aan ka joogsan weynay Axmaarada oo soo rideysay BM oo guryaha qaar ku dhacay, wax dhintay iyo wax kalana ma garan karno,laakiin dagaal weyn baa dhacay''.
Mar aan weydiinay in ay iyada indhaheeda ku aragtay ciidamada Ethiopia ayey sheegtay in aanay waxbo arag, laakiin ay madaafiic ka soo tuurayaan dhinaca Doolow.
Warar is-khilaafsan ayaa ka soo baxayo cidda gacanta ku heyso magaalada, xogaha qaar waxay tilmaamayaan in maleeshiyada Al-Shabaab qabsatay,halka warar kalana ay sheegayaan in wali labada dhinac ay degmada dhexdeeda isku hor-fadhiyaan.
Xuduuda u dhexeysa Beledxaawo iyo Mandheere waxaa ay dowladda Kenya geysay ciidamada GSU-da loo yaqaano, dad ka firxanayo colaadda jirta ayaa si dhuumaaleysi ah ku galayo Mandheere.
Iminka oo saacaddu tahay 10:15 fiidnimo xilliga geeska Africa xabado goos-goos ah ayaa laga maqlayaa Iskuulkii hore ee Waaberi oo bariga magaalada ku yaalla.