Page 1 of 1

yaa maqlay ama haya gabayga

Posted: Fri Oct 22, 2010 9:25 am
by hargaysaay
ninka reer lascanood tirinayo ee uu leeyahay

tolaay yaa daarood ismaaciila durugtay ceebtii

please post it if any one have it its amazing poem

Re: yaa maqlay ama haya gabayga

Posted: Fri Oct 22, 2010 9:44 am
by Khalid Ali
Daarood Ismaaciil sidii, deero kala yaacye
Marre lagu dareershiyo falbaa, deegta loo sudhaye
Waryaa Daarood Ismaaciil aheey, durugtay ceebtiiye…
Falastiin halkii lagu dagaan, daaqad ka arkaaye
Iyaguba darxumaday qabaan, dar Alla ma ahayne
Dukaamadiyo beertii kolkii, daarti laga iibshay
Ee dalkiiba laga saaray bay, dibad u yaaceene
Yaa Daarood Ismaaciil aheey, durugtay ceebtiiye…

Haku darina diraceena go'ay, kaa dudada taagan
Intii laysku kiin diri lahaa, idinku daaweysta
Dubaaxdaad shisheeye u kadeen, siiya doqonkiina
Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye…

Nin rag ahi dudii kalama hadho, geel hadduu dido e
Anna dooda maansada tolkay, baan ku dumayaaye
Inuu daawo yeeshaan rabaa, ubadka Daarood e
Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye


Gabaygan iska ma lahayn nin reer laascaanoodi waxa tiriye Dhoodaan.

Silsiladi ergo darood ba la odhan jiray

80iyadi ba gabaygan la tiriyey

Re: yaa maqlay ama haya gabayga

Posted: Fri Oct 22, 2010 10:11 am
by hargaysaay
maya laga yaaba inay ka copy gareeyeen inta ah yaa daarood is maaciiley laakiin gabaygan habeen dhaweyd baan maqlay waxa la tiriyey 2007 markii laascanood la galay oo iidoor idinku soo duul buu leeyahay

Re: yaa maqlay ama haya gabayga

Posted: Fri Oct 22, 2010 10:21 am
by Khalid Ali
hargaysaay wrote:maya laga yaaba inay ka copy gareeyeen inta ah yaa daarood is maaciiley laakiin gabaygan habeen dhaweyd baan maqlay waxa la tiriyey 2007 markii laascanood la galay oo iidoor idinku soo duul buu leeyahay

I am not sure about that the only gabay i heard about laascanood was this

But the gabay above i posted belongs to the great poet dhoodaan
these are the gabays concerning laascanood





[youtube]F2EltjhtsOs&feature=player_embedded[/youtube]


[youtube]zdtWArkVfYI&feature=related[/youtube]