Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Yeesshay Shir Albaabadu U Xidhnaayeen Iyo Guddoomiyaha Golaha Oo Ka Hadkay
Hargeysa (OWN)- Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo albaabadu u xidhaayeen, isla markaana in muddo ah soconayay.
Kulankaas oo uu shirgudoominayey gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, isla markaana aan saxaafad loo oglayn inay gasho, ayaa ahaa mid ku qabsoomay jewi aan laga faaloon karin iyo wixii la isla meel-dhigay.
Kulankaas oo loo aanaynayay inuu ku salleeyahay Mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, oo shirguddoonka golahaas shalay u gudbiyey Mooshin ku saabsan furashada ururo siyaasadda iyo Kordhinta mushaharka shaqaalaha dawladda, ayaa maanta markii ay kulankaa ka soo dareereen mudanayaasha Goluhu, waxa a warbaahintu wax ka waydiisay wixii uu ku saabsanaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], waxaanu yidhi “Waxaan ummadda reer Somaliland u sheegayaa in goluhu maanta lahaa fadhi xidhan oo aan saxaafada loo ogolayn, kaas oo ku saabsanaa dardar gelinta hawlaha uu qaranka u hayo Baarlamaanku”.
Guddoomiye Cirro oo la waydiiyey waxa ka jira mooshinada la sheegay in ay shirguddoon ahaan u soo gudbiyeen qaar ka mid ah xildhibaanadu, waxa uu sheegay in aanay jirin wax mooshino ah oo ay u soo gudbiyeen mudanayaashu, marka laga reebo hal mooshin oo ku saabsan mushahar kordhinta shaqaalaha dawlada, isaga oo guddoomiyuhu arintaa ka jawaabayana waxa uu yidhi “Mooshinadaas annagu ma ogin [Shir-guddoonka], laakiin waxaanu ognahay hal mooshin oo ku saabsan kordhinta mushaharka shaqaalaha dawlada oo ay soo gudbiyeen Xildhibaano, kaasna waxaad war bixintiisa oo dhamaystiran ka heli doontaan sabtida marka uu goluhu furmo”
Waxa Guddoomiyaha la waydiiyey inuu jiro mooshin ku saabsan in la furo ururo siyaasadeed, waxaana uu ku jawaabay oo uu yidhi “Ma jiro, laakiin waxa uu ku jiraa ajandaha golaha.”
Guddoomiye Cirro oo shalay ka hadlayay mooshinka ay xildhibaanadu keeneen inuu maray nidaamkiii u dajisnaa iyo in kale, waxa uu yidhi “ Mooshin bay xildhibaano keeneen markaa xaq bay u leeyihiin mudanayaashu, barihiisa saxda ahna waan marinaynaa, laakiin waxaan jeclahay in kulankeena berito (Maanta) inuu ka horeeyo kan fadhiguna wuu inoo xidhan yahay.”
Geesta kale, Inkasta oo aan shalay la sheegin tirada mudaneyaasha mooshinka ku saxeexan iyo kuwo ay yihiin, haddana waxay wararka u dhowdhow golaha wakiiladu tibaaxayaan inay mudaneyaasha mooshinkan saxeexay ay u badan yihiin mudaneyaal ka soo jeeda xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo xisbiga UCID, iyadoo uu Madaxweyne Axmed-Siillaanyo iyo xisbiga KULMIYE-ba ay xiligii ololihii doorashadii Madaxtooyada ee uu xisbiga KULMIYE ku guulaystay balanqaadeen in haddii ay talada dalka ku guulaystaan ay furi doonaan ururada siyaasadda, taas oo uu dhowaanna Madaxweyne Siillaanyo ku celiyay inay ka go’an tahay inuu ka dhabeeyo furista ururada siyaasadda, balse waxa uu sheegay inay arrintaasi talo-qaran oo mugleh u baahan tahay in laga yeesho.
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
G.Wakiilada Oo Maanta Yeesshay Shir Albaabadu U Xidhnaayeen
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: G.Wakiilada Oo Maanta Yeesshay Shir Albaabadu U Xidhnaay
i am against new xisbis
Maxay so kordhinaysa waxaasi we have 3 partys allready it will only create more divison we are 3.5 milion people why do we need 5 or 6 party and it will encourage qabilism the less political partys the more alliance the more political partys the more Tribilism.


- HooBariiska
- SomaliNet Super
- Posts: 7692
- Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
- Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'
Re: G.Wakiilada Oo Maanta Yeesshay Shir Albaabadu U Xidhnaay
Rent is too Damn High Party
- Cali_Gaab
- SomaliNet Super
- Posts: 14013
- Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
- Location: Sleeping next to my life's cottage
Re: G.Wakiilada Oo Maanta Yeesshay Shir Albaabadu U Xidhnaay
Lol, if we create a few more parties then that will just make sure kulmiye will hold office for another term. don't worry emperior, we will vote for your uncle muuse bixi 

Re: G.Wakiilada Oo Maanta Yeesshay Shir Albaabadu U Xidhnaay
lol@ ileen emperior is worried about Muse bixi hadaan gartay meeshu ka qayliinayo.
however i think the process will just be like in 2003 where all the different parties take part of elections and the top three shall be promoted, with the highest one winning.

- Cali_Gaab
- SomaliNet Super
- Posts: 14013
- Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
- Location: Sleeping next to my life's cottage
Re: G.Wakiilada Oo Maanta Yeesshay Shir Albaabadu U Xidhnaay
You should know emperior by now, nigis ku xidhan yahay ayuu ilaashadaa, dunida kalle waxba kama gelin 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 375 Views
-
Last post by salafi_student
-
- 2 Replies
- 7195 Views
-
Last post by GeoSeven
-
- 3 Replies
- 64 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 13 Replies
- 1137 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 3 Replies
- 544 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 504 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 29 Replies
- 2993 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 9 Replies
- 1087 Views
-
Last post by Somaliman%
-
- 0 Replies
- 430 Views
-
Last post by sadeboi