M/Weyne Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka JarayDhiseyaal Laga Hirgeliyay Berbera
October 27th, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org)- Wefti uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta socdaal ku tagay magaalada xeebta ku taalla ee Berbera,halkaasi oo uu xadhiga kaga jaray dhismeyaal iyo waddooyin sadexdii bilood ee la soo dhaafay ka hirgalay magaaladaasi.
Weftigan ayaa waxa si wayn u soo dhaweeyay madaxda iyo maamulka gobolka iyo degmada Berbera oo ay horkacayeen Badhsaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan iyo Maayarka degmada Berbera Cabdalle Maxamed Cali, waxaana weftigaasi loo gelbiyay dhinaca guriga martida ee magaalada Berbera.
Madaxwayne ku xigeenku waxa uu xadhiga ka jaray Terminaallo cusub oo ay wasaaradda duulista hawadu ka fulisay madaarka magaalada Berbera.waxa kale oo uu xadhigana ka jaray ilaa shan goobood oo ka tirsan dekeda magaalada Berbera, goobahaasi oo ay ka mid yihiin wadada halbawlaha ah ee gasha dekeda oo dib u habayn lagu sameeyay , xafiisyo loogu talo galay hawl fududaynta adeegyada ay dekedu bulshada u hayso, kaagag ay maraakiibtu biyaha ka qaataan inta ay dekeda ku xidhan yihiin, dhismayaal dhinaca gargaarka degdega ah iyo weliba xafiisyo cusub oo la dhigay raadaalada wax lagaga arko dhinaca badda, waxaana Madaxwayne ku xigeenka iyo weftigiisu warbixino ka dhagaysteen Maareeyaha dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir oo ka warbixiyay guud ahaan hawlaha dekeda.
Sidoo kale waxa uu Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) xadhiga ka jiray xarunta Kalluumaysatada Somaliland ee magaalada Berbera oo dhawaan laga hirgaliyay halkaas, waxa kale oo kormeer ku soo maray dhismaha waddo laami ah oo ay dawladda hoose ee magaalada Berbera ka hirgelinayso badhtamaha magaalada Berbera, waxaana halkaasi warbixin ku siiyay Maayarka magaalada Berbera Cabdalle Maxamed Cali. Socdaalka Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa noqonaya kormeerkii ugu ballaadhnaa ee uu ku tago magaalada Berbera.
Weftigan waxa xubno ka ahaa marwada Wasiirradda Wasaaradaha Maaliyadda, Warfaafinta, Duulista iyo Hawada, Agaasimayaal Guud iyo Marwada koowaad ee madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamina Xaaij Maxamed Jirde (Aamina Weris),
Dhinaca kalena Marwada koowaad ee madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamina Xaaij Maxamed Jirde (Aamina Weris), ayaa amaan u soo jeedisay maamulka gobolka Saaxil iyo degmada oo ay sheegtay inay wax weyn ka qabteen horumarinta adeegyada ay bulshada u hayaan.
Somaliland.org
Hargeysa
S/land vice president visits berbera to open new Termininal
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
S/land vice president visits berbera to open new Termininal
Last edited by The_Emperior5 on Wed Oct 27, 2010 1:35 pm, edited 1 time in total.
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 341 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 39 Replies
- 4234 Views
-
Last post by Gladiator=
-
- 39 Replies
- 353 Views
-
Last post by Gladiator=
-
- 100 Replies
- 3352 Views
-
Last post by zidane88
-
- 0 Replies
- 475 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 1 Replies
- 550 Views
-
Last post by Coeus
-
- 4 Replies
- 498 Views
-
Last post by RuralMan08
-
- 18 Replies
- 1707 Views
-
Last post by AwRastaale
-
- 2 Replies
- 860 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 5 Replies
- 774 Views
-
Last post by bashe19