Barre hiiraale on the run again Godane takes Beled xaawo
Posted: Fri Oct 29, 2010 9:19 am
Ciidamada Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-Sunna Waljameeca ayaa maanta isaga baxay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo kadib markii ay dhowaan kala wareegeen Xarakada Al-Shabaab.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaaya ka bixitaanka labada dhinac,waxaana ay wararku sheegaayan in ay ka danbeysay kadib markii ay isku fahmi waayeen qaabka loo maamulaayo degmada.
Ciidamada Al-Shabaab oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn degmada ayaa durbadiiba soo galay degmada oo ay la wareegeen iyadoo aan wax dagaal dhicin.
Ciidamada Dawladda Federaalka iyo Ahlu-Sunna ayaa la sheegay in ay u jiheysteen dhanka iyo degmada Doolow oo ay markii hore kasoo duuleen.
Xaalada degmada Beledxaawo ayaa deggan,balse waxaa la filan kara in ay Ciidamada Dawladda iyo Ahlu-Sunna Waljameeca ay weerar soo qaadan.
Dagaaladii u danbeeyey ee ka dhacay degmada Beledxaawo ayaa Hay’ada Qaxootiga aduunka ee UNHCR sheegtay in ay ku barakaceen 60,000-qof.
Horseed Media