Police day Anniversary and siilanyo to visit Djibouti

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Police day Anniversary and siilanyo to visit Djibouti

Post by The_Emperior5 »

Amaanka Hargeysa oo aad loo Adkeeyey iyo Sanad-guurada Ciidanka Booliska oo Beri la xusayo
Madaxweyne Siilaanyo Ma ka baaqan doonaa safar la sheegay inuu ugu baxayo Djibouti?

Hargeysa (Waaheen) Aamaanka caasimadda hargeysa ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo la xusayo maalinta Bari sanadguuradii 16 aad ee Ciidanka Booliska Somaliland oo la aasaasay 3dii November 1994 kii.

Waxaana shalay illaa xalay laga dareemayey xarunta taliska guud u diyaargarawga munaasabadan, oo la filayo inay ka qayb galaan Madax faro badan oo ka tirsan Xukuumada Somaliland, iyadoo Munaasibadahii hore uu ka qayb gali jiray Madaxwaynahii hore ee Somaliland.

Ciidanka Booliska oo Ahmiyad wayn u leh Dalka ayaa maalmahanba aad u adkeeyay amaanka Caasimada iyadoo ay ku beegnayd 29 Ocotber Sanadguuradii labaad ee Qaraxyadii ka dhacay Hargaysa Sanadkii 2008kii.

Adkaynta amaanka waxa laga daremayay suuqyada Hargaysa Shalay iyadoo ay dhinaca kale ay aad u shaqaynayeen Ciidamada Sirdoonku, waxaanay tani ku soo beegan tay xili ay Dalka ku sugan yihiin wufuud sare oo ka socda Dalka Sweden, islamarkaana ay Dalka maalmahan si isdeba joog ah u imanayeen wufuud ka socota Caalamka.

Si gaar ah waxa amaanka loo sii adkeeyay Degmooyinka ay ku dhawdahay Xarunta Taliska guud ee Booliska iyo Goobaha waawayn ee lagu kulmo, waxaanay Ciidamadu taxadir ka qabaan weraro ka yimaada Cadawga Somaliland.

Dhinaca kale waxaan la ogayn in Madaxwayne Silanyo uu ka baaqan doono booqasho la sheegay inuu barri ku tagayo Dalka Jabuuti si uu uga qayb galo Munaasibadan markii ugu horaysay isagoo ah Madaxwaynaha Somaliland.

Munasibadani waxay kaga duwan tahay kuwii hore iyadoo ku soo beegantay Xiligan oo Xukuummada cusubi ku hawlan tahay Kordhinta Mushaharada Ciidamada iyo Samaynta Darajooyinkii Ciidamada oo ah arrin ay in badan sugayeen.

Short URL: http://waaheen.com/?p=4632
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Police day Anniversary and siilanyo to visit Djibouti

Post by The_Emperior5 »

President Sillanyo just arrived in dalka Jaabuuuti latest news
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”