Gudoomiyaha gudida siyaasadda ee xisbiga Udub ayaa loo doortay inuu noqdo wasiirkii hore ee maaliyadda Ambasdor. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), waxana la sheegay in jagadasi si wayn loogu taqrtamay xisbiga dhexiidsa, isla markaana kaabayn adag kadib uu ku guulaystay Ambasador Cawil inuu noqdo gudoomiyaha siyaasadda ee Udub.
Sidoo kale waxa gudoomiye xigeenka siyaasadda ee Udub loo doortay md Cumar Jaamac Faarax oo hore u ahaa gudoomiyaha siyaasadda ee xisbiga. Waxa isna xoghayaa gudida siyaasadda ee Udub loo doortay badhasaabkii horee ee gobolka Hargaysa md Maxamed Cabdi Daauud.
Doorashada Ambsador Xuseen Cali Ducaale ayaa la filayaa inay wax wayn oo dhanka diblomaasiyaddaa usoo kordhin doonto xisbiga Udub, wakhtigan oo ay socdaan arrimo diblomaasiydeed oo xisbiga Udub qayb ka yahay.
Tan iyo intii looga guulaystay talada dalka waxa xisbiga Udub u diyaar garoobayay isbedel xisbiga gudihiisa oo badan, waxana siwayn la isula dhexmarayaa in jagada gudoomiyaha xisbiga Udub uu loolan adagi ka socda, waxana jira xubno haatanba cadeeyey inuu damac ka hayo inay booskaa buuxiyaan marka uu baneeyo gudoomiyihii hore ee xisbiga Md Daahir Rayaale Kaahin.
Dadka sida wayn la isula dhexmarayo ayaa waxa ka mid ah, Xuseen Cali Ducaale(Cawil), Ibraahin Maygaag Samatar, Cali Maxamed Waran Cadde, Axmed Yuusuf Yaasiin, Ibraahin Tallaabo iyo xubno kale.
Udub Is back
