Somaliland VP Seylici visits Borama - Awdal

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Somaliland VP Seylici visits Borama - Awdal

Post by Siciid85 »

Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland,Eng:Saylici oo si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Borama+Sawiro

Borama(Bnn) Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng:C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay , Abaarsa, Arabsiya, Gabiley, kalabaydh, Dilla, Tulli, Garoyocowl iyo caasimada Gobolka Awdal, Borama.

Wafitigan ayaa Saylici waxaa ku wehelinayay, wasiirada, Beeraha, iyo waxbarashada, Prof:Faarax iyo Cali , xubno labada gole ee Somaliland, ka kala socda, Guurtida iyo golaha wakiilada.

Dhinaca magaalada Borama ayaa waxaa iyadna waftiga kaga hortagay, Magaalada Gabiley, wafti balaadhan oo uu hogaaminayay, Duqa Magaalada Borama, C/raxmaan Shide Bile, Gudoomiyaha Gobolka, Maxamed Daahir Cabdale, iyo taliyayaasha Ciidamada Amaanka iyo kuwa qaranka.

Waxa kale oo soo dhawaynta Saylici ka qayb qaatay qaar ka mid ah, ururada Maxaliga ah, ee ka hawlgala gobolka Awdal , Sida, Ururka SAADO oo ah urur wadaniya oo dhawaan la aasaasay oo ka shaqayn doona deeganka iyo ilaalinta iyo kobcinta dhirta iyo daaqa, oo uu gudoomiye u yahay, aqoon yahan Sharmaarke Cilmi, Ururka SAYS, oo uu agaasime Nuur shirdoon hogaaminayay,Ururka AYODA, oo uu horkacayay Agaasime, Siyaad iyo Ururka SOHURA oo uu hor kacayay, Madaxa Mashaariica Ururka, Eng:C/qaadir Cali Bade, dhamaan ururadaas oo astaamahoodii iyo gaadiidkoodii wata, ayaa waxa ay waftiga kaga hortageen, Magaalada Dilla halkaas oo ay u soo galbiyeen, ilaa caasimada Gobolka Awdal, ee Borama.

Waftigan ayaa intii uu marayay magaalooyinkaa iyo tuulooyinkaa waxa ay dadwaynuhu ruxayeen, Calanka Somaliland iyo caleemo qoyan, iyaga oo ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid yihiin, Somaliland ha noolaato, Eng:Saylici soo dhawaw.

Ugu danbayn waftigu markii uu soo caga dhigtay Magaalada Bormaa, ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyay, Kumaankun qof oo calamo iyo caleemo qoyan ruxayay, isaga oo u udhaadhacay dadkii qof qofna u salaamayay, waxa uuna noqday, Mas’uulkii ugu sareeyay ee dawlad ka socda, dadkan u daadaga salaana ka qaata, shacabka soo dhawaynayay.

Ugu danbayn waftiga ayaa waxa loo kaxeeyay Qasriga Madaxwayne ku xigeenku ku leeyahay Magaalada Borama, halkaas oo ilaa shalay ay ka socotay shaqo xoog ah ,oo loogu diyaar galoobayay, soo dhawayntiisa.

Isku soo wada duuduuboo waftigan ayaanan ilaa iminka la garanayn, sababaha xiligan keentay in uu yimaado, iyo xiliga uu joogi doono, iyo cida ay la kulmayaanba, waxaanan ka ogaan doonaa , saacadaha soo socda , madax warbaahinta ee waftiga.




Image


Image



Image


Image


Image
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Somaliland VP Seylici visits Borama - Awdal

Post by Siciid85 »

Image




Image



Image



Image




Image
User avatar
Knight of Wisdom
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6609
Joined: Thu Aug 27, 2009 1:56 pm
Location: Eiffel Tower

Re: Somaliland VP Seylici visits Borama - Awdal

Post by Knight of Wisdom »

Siciid85 wrote:


Image
These women are like "Why the fuck did we accept the money to carry this fake ass flag". :lol:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Somaliland VP Seylici visits Borama - Awdal

Post by Siciid85 »

Pinky boy reer awdal don't take bribes ma waxad uu mooday SSC? :lol: you can see the whole city gave the VP of somaliland a warm welcome. It's all good. :up: :sland:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Somaliland VP Seylici visits Borama - Awdal

Post by Siciid85 »

Boorame(OWN)-Madexweyne kuxigeenka Somaliland C/rxamaan Claahi Ismaaciil (Saylici), iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo, oo ay kamid ahaayeen, Wasiirada Warfaafinta,C/laahi Jaamac Geeljire, Beeraha, Faarax Cilmi Geedoole,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Madar,Kuxigeenka Waxbarashada, Cali Xaamud Jibriil, Xildhibaano katirsan labada aqal ee Guurtida iyo Wakiilada inta ugu badan ee kasoo jeeda Gobolka Awdal, oo awal hore isaga soo horjeeday dhinaca Siyaasada,iyo masuuliyiin kale,ayaa maanta kumanaan qof oo kaid ah dadweynaha kunool Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal usoo dhaweeyeen si heersare ah, oo aan kala hadh laheyn.

Madexweyne kuxigeenka iyo waftigiisu markii ay soo gaadheen Magaalada Boorame, waxa uu kaga dagey Madexweyne kuxigeenku baabuurkiisa kaantaroolka dhinaca Hargeysa, oo koonfur kaga beegan Boorame, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen dadweyne aad u tira badan, oo dhamaantood lulayey caleemo qoyan,iyo calanka Somaliland, islamrkaana ku dhawaaqayay erayo badan oo soo dahweyn ah, iyagoo kusoo xoomay markii socod lug ah uu ku dhex qaaday C/raxmaan Saylici Madexweyne Kuxigeenka Somaliland dadweynahaas ilaa hal kiiloo mitir taas oo markii danbe kolanyadii Gaadiidka Waftigu u galbiyeen dhinaca Huteelka Rays ee Magaalada Boorame.

Markii uu dhameysatey Madexweyne Kuxigeenku salaan qaadashada baabuurka dushiisa kumanaankii qof ee laamida dhex marta gudha Magaalada Boorame hareeraha ka tubnaa, waxa uu Huteel Rays kula kulmay boqolaa qof oo isugu jira Salaadiin, Masuuliyiin, iyo Ururada Bulshada rayidka ah ee Magaalada Boorame, isagoo isla amintaa hadal kooban ugu jeediyay in uu hada lakulmayo Masuuliyiinta Laamaha Dowlada ee Gobolka Awdal, islamrkaana ay isku danbeyn doonaan guud haanaba dhinacyada kala duduwan ee bulshada Awdal, mudada uu joogo oo laba maalmood kusiman.

Kulankii ugu horeeyay, ee Madexweyne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil9Saylici0, layeeshay Masuuliyiinta laamaha Xukuumada ee Goblka Awdal, oo ay hurmuud ka ahaayeen Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Daahir Cabadala iyo Maayarka Caasimaada Boorame Cabdi Shide Bille, waxa uu halkaa Madexwene kuxigeenka ka jeediayay hadal raali galiyay guud ahaanaba madaxdii Gobolka Awdal ee kulankaa kasoo qeyb galey waxana hadaladiisii kamid ahaa.

“Waxaan aad iyo aad ga mahad celinayaa sida qiimaha weyn leh ee la iigu soo dhaweeyay Guud ahaanba Gobolka Awdal, gaar ahaana Caasimada Boorame, soo dhaweyntaas oo ay Maamulka Awdal qeyb weyn ka ahaayee, walaalayaal anigu waxaan halkaa kusoo gaadahay Daacadnimo, umanaan soo doonan kursigan inaan wax ku burburiyo, ee waxaan u imid inaan dalkayga iyo dadkeyga waxa ugu qabto,waxaanan idiin sheegayaa, in tartanka la tartamaa xalaal yahey, oo anay dhici doonin in la isku cabudhiyo , qof kastaaba waxa u iska sharixi karaa Xisbiga uu doono, iyo xilka uu doono oo uu xor uyahey, waxaad moodaa inaad reer Boorame ubadneydeen Xisbiga Udub , oo udubnimadu idinku yar fogaatay laakiin, maanta taa waalaga soo gudbay oo waxey ka muuqataa sida aad u dareemaysaan in tartankii axsaabtu dhmaaday, walaalayaal Xukuumadani waxey idiin balanqaadaysaa, in ay ka dhabeyso balanqaadkayagii ahaa, waxqabad, noqona mayso Xukuumadii hadalka ee waxey noqoynaysaa tii Waxqabadka ,hadaad tihiin shaqaalihiina waxaan idinku daradaarayaa inaad ka madax banaanaataan Siyaasada marka laga reebo Badhasaabka iyo Maayarka oo iyagu ku shaqeynaya Siyaaasada Dowlada idinku shaqaala ahaan ,waxaa la idinku qiimayn doonaa sidaad umada wax ugu qabataan anaguna waxaan idiin balanqaadaynaa inaanaan idiinku kala eexan qabiil, iyo Xisbinimo midna’Ayuu yidhi Madexweyne Kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici).
Waxa kale oo isaguna halkaa hadal kooban ka jeediyay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta C/laahi Jaamac Geeljire, hadaladiisiina waxa kamid ahaa.

“Soo dahweyntan qiimaha leh ee reer Awdal iyo reer Boorame nagu soo dhaweyseen, waxey natuseysaa muwaadinimada iyo shucuurta qaranimo ee ay reer Awdal uhayaan dalkooda,waxana noo sharaf ah inaanu maanta joogno Boorame, oo kamid ah hooyadii nabda Somaliland”Ayuu yidhi Wasiirku .
Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa in ay soo dhaweynta reer Boorame ee Madexweyne kuxigeenka iyo waftigiisu tusaale unoqon doonto meelo badan oo kamid ah dalka.
Sidoo kale waxa isaguna halkaa hadal kooban oo uu, kaga waramayo doorka Gobolka Awdal, ee xaalada amaanka iyo waxyaabaha u suurta galey mudadii boqolka maalmood ahaa, ee ay Xukuumadani xilka haysay xogwaran kooban ka bixiyay Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Daahir Cabadala hadaladiisiina waxa kamid ahaa.
“Hadaan ahey Gudoomiyaha Gobolka Awdal, Gobolkan Awdal wuxu asal ahaan ka kooban yahey shan Degmo, shantaa Degmo oo ku shaqeeya nidaam(Council) gudi loo sameeyay oo heer Gobol ah howlihii ugu balaadhnaa ee aanu kashaqeynaya mudadii aanu xilka haynayna waxa ugu horeeya amniga,oo wixii kadanbeeyay Doorashadii iyo xiisadeedii , maantana boqolkiiba boqol ayuu marayaa amaanka Gobolka Awdal,waxqabadkii boqolka maalmood ee Xukuumadu cayinteyna waxa Gobol ahaan noo qabsoomay, waxyaabo aad ubadan tusaale ahaan, Wasaarada Xanaanada Xoolaha wakhtiyadii hore nagamay soo gaadhi jirin daawo xoolaha lagu daweeyo, oo loo qeybiyo guud ahaanba Xoola dhaqatada Gobolka,iyo arimo kale oo badan oo aanan hada halkan kusoo koobi karin”Ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal Mudane Cabadalle.
Maayarka Degmada Boorame Cabdi Shide Bille ,oo isaguna halkaa hadal kaftan lasocdo ka jeediyay ayaa ugu horeyn u ku wargaliyay Madexweyne kuxigeenka in ay mudo badan sugayeen, maadaama ay isugu danbeysay wakhtigii loolanka adag ee tartankii Doorashada , isagoo kahadlayana waxa uu yidhi.

“Madexweyne/kuxigeen in badan ayaanu ku sugaynay maadaama aynu tartan adag soo wada galnay, anagu hadaanu Xisbiga Udub aheyn waanalagaga adkaaday tartankii Doorashada Xisbiyada, haseyeeshee Madexwene kuxigeen aada ayaanu kuula shaqeyneynaa , gacmo furana waanu kugu soo dhaweyneynaa”Ayuu ku cel celiyay Maayarka Boorame.

Kulankaas oo ku dhamaaday jawi aad uwanaagsan, kadib markii Madexwene kuxigeenka iyo waftiga uu hogaaminayay, ay ka qadeeyeen huteelka Rays ee Magaalada Boorame, waxa loo galbiyay gurigiisa oo kuyaala dhinaca waqooyi Galbeed ee Magaalada Boorame, halkaas oo uu isla galinkii danbe maanta kula yeeshay kulan balaadhan oo ay alabaabadu u xidhan yihiin waxgaradka, duqeyda, Salaadiinta iyo madax dhaqameedka beesha Makaa,iil ee Gobolka Awdal kuwaas, oo kulankoodu sida ay sheegeen ilo doceedyo ka ag dhawaa uu ku xidhiidhsan yahey xogwaran guud iyo isbeer xaadhasho la xidhiidha loolankii laga soo gudbay ee Axsaabta iyadoo, ay miisaanka beeshaasi siweyn uga dhex muuqdeen soo dhaweyntii maanta ee Madexweyne Kuxigeenka.
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Somaliland VP Seylici visits Borama - Awdal

Post by Keyse_0208 »

Siciid85 wrote:


Image


Image



Image


Image


Image

These qudhunbursi people are funny, where is the awdalland flag iyo we are anti-somaliland :lol: :lol: these guys are pets
User avatar
NewHargeisaGirl
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4876
Joined: Sat May 30, 2009 11:49 am

Re: Somaliland VP Seylici visits Borama - Awdal

Post by NewHargeisaGirl »

^^^^
Senorita aka Calooleey change ur nigis nayaa urta waxid :arrow:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”