Waxanu warsaxaafadeedku u qornaa sidan.
Warsaxaafadeed .
Fadhi ay iskugu yimmdeen Gudidda Fulinta ee Xisbiga UCID maanta oo taariikhdu tahay 14/11/2010, Xafiiska Xarunta Dhexe waxay ka soo saareen Qodobadan hoos ku qoran.
1.
Golaha Wakiilada:-
Waxa maalmahanba ka socda Golaha Wakiilada mooshin la yaab ku noqday Ummadda Somaliland oo ay G/Wakiiladdu ku kordhisanayaan muushaharka.
Mooshinkaas oo dhaliyay in Xildhibaanadu gacanta isula tagaan oo buuq iyo xushmad darro ka dhacday, dadweynihiina ku abuurtay walaac iyo werwer iyo wax lama filaan ah.
Waxan wada ogsoonahay in maanta ay dalka ka jiraan durufo adag sida, sicir bararka, biyo la’aan, shaqo la’aan iyo busaarad baahsan oo saamaysay miyi iyo magaalaba.
Waxa maanta looga fadhiyaay G/Wakiilada in mudnaanta koobaad ay siiyaan mushahar kordhinta shaqaalaha, ciidamada iyo wax u qabadka dadkii soo doortay oo ay u diir naxaan.
Waxay talo kaga ururtay Golihii Wakiilada muddo kordhin, mushahar kordhin iyo aniga aniga. Waxa kale oo xusid mudan in marka ay jiraan arrimo Qaran ee Golaha dhexdiisa lagagga doodayo in koramku buuxsami waayo iyaga oo ku sugan magaalada, balse marka laga hadlayo dantooda iyaga u gaar ka ah ay kuraasto buuxsanto.
Taasi waxy ku tusaysaa in ay baalmareen wixii loo igmaday oo ay Ummadda ugu dhaarteen. Waxa Golaha Wakiilada laga filayey in ay dhamaystiraan xeerkii lagu dooranayey iyaga, ee maaha inay wax aan loo baahnayn ay wakhtiga ku lumiyaan. Xisbiga UCID maarnaba ka yeelimaayo in mudda kordhintaa ay G/Guurtidu ku dhawaaqday ay aqbalaan. Waxay Ummaddu u baahantahay inay doorato cid bulshada danahooda wax ka qabanaysa ee matalilahayd iyaga una shaqayn lahay.
1.
Somaliland Diidka:-
Waxaan uga digaynaa Maamulka Muqdishu ee tabarta daran ee tiisiiba hanan-kari wayay inu taakuleeyo falaagada Somaliland diidka ee ka soo jeeda Degmada Buuhoodle kuna suganyihiin hadda Magaalada Muqdishu Madaxdoodu.
Waxaan Xukuumadda ku baraarujinayaa iyadoo hore u fidisay googol nabaddeed in ay arrintaas ka midho dhaliso, waajibaadkeedana ka gudato, xuduudaha dalkana sugto.
1.
Nabadgeliyada
Waxaan Dadweynaha Reer Somaliland ku baraarujinayaa in ay ilaashadaan nabadgalyada aynu ku naaloonayno ee ALLAH inagu manaystay gabigoodna ay wada noqdaan askar u soo jeeda ilaalinta nabadgeliyada lana shaqeeyaan ciidamada amniga iyagoo u sheegaya wax kastoo ay ka shakiyaan .
Xukuumaddana waxa waajib ku ah inay feejignaan dheeraad ah ka yeelato adkeynta nabadgalyada dalka iyadoo ay jiraan cadaw farabadan oo ku taameya waxyeelinta amnigeena.
Alla Mahad Leh
Muuse Xaaji Maxamed Guuleed
Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID
C/raxman Osman C/laahi (Isbatoore)
Ishanews Media Group
Email. expensiveman_10@hotmail.com
Ishanews Office Hargeysa, Somaliland



