Maanta oo Dhamaan SL si Wayn Looga Ciiday iyo Ka qayb galkii Salaada Ciida ee M/weynaha Somaliland
M/weyne Axmed Siilaanyo ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray dhamaan Shacbiga
M/weynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dadweynaha Reer Somaliland ee CaasimadaHargaysa Kala qayb galay salaadii Ciida .
M/weynaha ayaa kula Tukaday Shacbiga Maasjidka Ibraahim Dheere ee Xaruntii 26 Juune ee Hargeysa .
M/weyne Axmed Siilaanyo ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray dhamaan Shacbiga Reer Somaliland iyo Guud ahaan Ummadda Muslimiinta ahba.
Guud ahaan Wadanka Somaliland Tuule ilaa magaalo ayaa laga xusay Ciida arafo dadweynuhuna waxay salaadii Ciida kutukadeen Masaajidada iyo Goobaha Banaan ee Magaalooyinka waxayna isugu hanbalyaynayeen ciida odaxada


