QARAXYO WAXYEELLO AY KA SOO GAARTAY CIIDAMADA AMISOM OO MAGA

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Umal Zamzam
Posts: 51
Joined: Tue Aug 11, 2009 9:55 am

QARAXYO WAXYEELLO AY KA SOO GAARTAY CIIDAMADA AMISOM OO MAGA

Post by Umal Zamzam »

QARAXYO WAXYEELLO AY KA SOO GAARTAY CIIDAMADA AMISOM OO MAGAALADA MUQDISHO MAANTA KA DHACAY, IYO AMISOM OO SHACAB AAD U FARA BADAN MAANTA SUUQA BAKAARAHA KU XASUUQAY.

Muqdisho, Talaado 16 Nov 2010, (Hillaac.Net)

Qaraxyo loo Adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso lagana hago Rumuudka Control-ka ayaa maanta waxaa Irridka hore ee Kulyaddii Jaalle-Siyaad iyo Waddada isku xirta Ex-Control iyo deegaanka Xoosh ee degmada Dharkenleey lagula eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM, Iyadoo Sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Xarakada Alshabaab Qaraxyadaas lagu laayey Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidamada Shisheeye ee Afrikaanka ah, Gaadiid Dagaalna lagu burburiyey.

Qaraxa hore ayaa irridka hore ee Kulyadda Jaalle-siyaad waxaa lagula beegsaday Kolonyo gadiid ah oo ay lahaayeen Ciidamada AMISOM kuwaasi oo ka soo baxay Kulyadda oo ay fariisimaha ku leeyihiin ciidamada AMISOM, Waxaana la sheegay in qaraxa uu waxyeeleeyay mid ka mid ah gaadiidka AMISOM Askartii ku jirtayna ay ku baaba'een.

Sidookale qarax kale ayaa maanta barqadii waxaa lagu weeraray kolonyo gaadiid ah oo ay lahaayeen AMISOM islamarkaana marayay waddada isku xirta Ex- Control- Afgooye iyo deegaanka Xoosh ee degmada Dharkenleey ee gobolka Banaadir, Iyadoo Qaraxaasina lagu laayey Askar ka tirsan AMISOM.

Dhanka kale Ciidamada AMISOM ayaa Maanta sidii Caadada u ahayd waxay Madaafiic ku garaaceen Suuqa Bakaaraha Iyagoo halkaa ku xasuuqay In kabadn 15-qof ku dhawaad 40-kalana halkaa ku dhaawacay, Iyagoo sidoo kalena Xaafadaha Magaalada Muqdisho Madaafiic u qeybiyey kuna Gumaaday Shacab kale oo Rayid ah oo Tiradoodu ay aad u badan tahay, Xillii Maalintii Labaad ee Ciidda ay u Dabaaldagayeen Shacabka Muqdisho.

Ciidamada Calooshood-Ushaqeystayaasha AMISOM ayaa Had iyo Goor waxay Madaafiic ku garaacaan Suuqayada iyo Xaafadaha Magaalada Muqdisho, Iyagoo ku Gumaada Shacab aad u fara badan oo aan waxba galabsan, Iyadoo aaney jirin Cid ka hadasha oo ka tirsan kuwa sheeganaya in ay Dowlad u yihiin Shacabkaas la xasuuqayo.
User avatar
Umal Zamzam
Posts: 51
Joined: Tue Aug 11, 2009 9:55 am

Re: QARAXYO WAXYEELLO AY KA SOO GAARTAY CIIDAMADA AMISOM OO

Post by Umal Zamzam »

U dhucaya walaalahan ku shahiday muqdisho malinta ciideed
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”