When the apostate group(shabab) has been fully destroyed, we will remember ASWJ forever because of their service for Dalka iyo Diinta

Waradhuumale: (Sh. M. Network) Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo kuwa Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa saakay mar kale ka qarxay inta u dhaxeysa deegaanada Waradhuumale iyo Ceel-god ee gobolka Galgaduud.
Sida ay sheegayaan wararka saakay laga helayo Waradhuumale iyo Ceel-god, waxaa halkaasi dib uga qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay ku dagaalamayay halkaasi.
Gudoomiye kuxigeenka Maamulka Ahlu Sunna ee degmada Guriceel Cali Baashi ayaa Shabelle u sheegay in dagaalku uu saakay halkaasi ka bilowday , waxaana la tilmaamay in dagaalku uu bilowday kadib markii weerar ay ku soo qaadeen Al Shabaab fariisimo ahlu Sunna dhawaan ay la wareegtay oo kuyaala inta u dhaxeysa Waradhuumale iyo Ceel-god.
Dhawaqa rasaasta iyo hubka kale ee ay is weydaarsanayaan labada dhinac ayaa laga maqlayaa deegaano ku dhow dhow degmada Guriceel ee gobolak Galgaduud, waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Dagaalada Galgaduud ku dhexmaraya Saakay Al Shabaab iyo Ahlu Sunna oo maalintii shalay laga nastay ayaa imaanaya xili shalay qaar ka mid ah qoysaskii xoolo dhaqatada ahaa ee ku sugnaa deegaankaasi ay halkaasi isaga barakaceen kadib markii ay baqdin ka muujiyeen in waxyeelo ay ka soo gaarto dagaalada u dhaxeeya AL Shabaab iyo Ahlu Sunna.
Labada ciidan ee saakay ku dagaalamaya inta u dhaxeysa Deegaanada Ceel-god iyo Waradhuumale ayaa shalay ilaa xalay waxaa ay helayeen gurmadyo farabadan, waxaana mar qura saakay dagaal xoogan uu ka bilowday goobihii ay isku horfadhiyeen sedaxdii Maalin ee la soo dhaafay.
Wixii warar ah ee ku soo kordhaa dagaaladaasi kala soco Shabelle,net hadii uu Illaah inoo saamaxo
They need to open offices in europe/america where their supporters can collect money for this holy jihad
