
Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyey Xeerka Doorashooyinka Puntland
November 23, 2010
Baarlamaanka Puntland ayaa fadhigoodi maanta isku raacay in la meelmariyo xeerka guddiga doorashooyinka Puntland, kaas oo xukuumadda Puntland ay u soo gudbisey Baarlamaanka.
Fadhigii maanta waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Federaalka Dr.Cabdi Xassan Jimcaale, waxaana xildhibaanadu ay weydiinayeen su’aalo ku saabsan xeerka kuwaas oo wasiirku uu iftiiminaayey haddii meelaha qaar mugdi ku jiro.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa saxaafadda u sheegay in xeerka doorashooyinka Puntland ay ka doodayeen saddexdii maalmood ee la soo dhaafey, fadhigii maanta ayaa waxaa ka soo qaybgalay oo xaadir ku ahaa 42 Xildhibaan. Xildhibaanada ayaa u codeeyey xeerka doorashooyinka Puntland waxaana oggolaadey 32 xildhibaan, halka 10 xildhibaan ay ka aamuseen.
Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Federaalka Dr.Jimcaale ayaa sheegay in xeerkan uu ka kooban yahay 21 qodob oo sii kala baxaaya, isla markaana uu goobta u yimid in xildhibaanadu ay ka weydiiyaan wixii su’aalo ah ee caddeyn u baahan, Wasiirka ayaa sheegay in maanta hawl weyn ay qabsoontey, wixii hadda ka danbeeyona la sugaayo in la magacaabo guddigii doorashada ee Puntland gaarsiin lahaa in lagu tartamo nidaamka xisbiyada badan, Guddiga Doorashooyinka Puntland ee aan rasmiga ahayn ayaa ka koobnaan doona 9 xubnood, 5 kamid ah waxaa soo magacaabaya Madaxweynaha Puntland halka inta kale ay soo magacabaayaan Golaha Wakiilada Puntland.
Xeerka maanta (Isniin) ay xildhibaanadu ansixiyeen ayaa shaqeyn doona tan iyo marka ay soo baxaan saddexda xisbi ee rasmiga ah isla markaana hela codadka ugu badan doorashooyinka golaha deegaanka, kadib waxaa la soo dhisayaa guddiga doorashooyinka Puntland ee rasmiga ah.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa balan qaadey in Puntland uu ku gaarsiin doono nidaamka xisbiyada badan kahor dhamaadka mudada xilkiisa, waxaana laga dhursugayaa sida loo taabo geliyaa hawsha dimoqraadiyeynta iyo dawlad wanaaga ee Puntland.
Maxamed Siciid Yusuf
Horseed Media
Garowe Puntland, Somalia