Gaalkacyo:Dhalinyaro kasoo kale jeeda Dhinacyada Gaalkacyo oo isugutimid shirweyne ku saabsan Xasilinta Gaalkacyo.
Gaalkacyo:(Allpuntland)-in kabadan 200 oo Dhalinyaro ah oo kasoo kala jeeda Koonfurta & Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa Maanta Dugsiga Ummada ee bartamaha Magaalada Gaalkacyo ayaa Waxaa maanta u furmay Shirweyne labo cisho soconaya oo kusaabsan Xasilinta Magaalada Gaalkacyo & xal u helida Dagaalada soo noqnoqday ee dhinacyada gaalkacyo dhexmarayey Mudooyinkii u danbeeyey.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Dallada Dhalinyarada gobolka Mudug ee Dud-Mudug oo ay ku midaysanyihiin Dhalinyarada gobolka ee labada dhinac ayaa waxaa taageerayey Hay’adda Save The Children,waxaana Furitaankii shirweynahan ka qeybgalay madax kaladuwan oo ka socotay Qeybaha kaladuwan ee Bulshada Gaalkacyo.
Cabdulqaadir Muuse Nuur Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada ee Gobolka Mudug oo shirkan maanta furitaankiisii ka hadlay ayaa sheegey in Ujeedada rasmiga ah ee shirkani ay tahay sidii ay Dhalinyarada Gaalkacyo ay Mowqif isku mid ahaa uga qaadan lahaayeen Dagaalada soo noqnoda ee Gaalkacyo,Waxaana uu intaas ku daray in ay rajeynayaan in shirkani uu noqdo mid soo afjara Colaada gaalkacyo.
Gudoomiyaha Dallada Ururada Dhalinyarada ee Dud-Mudug wuxuu sidoo kale sheegey in Dhalinyarada oo qeyb muhiim ah uga jirta Bulshada looga baahanyahay in ay ka qeybqaataan Xasilinta Maadama buu yiri ay Dhalinyaradu tahay qeybta ugu badan ee loo adeegsado Dagaalada taas oo uu sheegey in dhalinyarada markasta ay yihiin kuwa Colaada ka qeybqaataan Nabadana keeni kara.
Cabdinaasir Baddal Khalaf Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland oo kamid ahaa dadkii shirkan furitaankiisii ka qeybqaatay ayaa sheegey in Nabada Gaalkacyo ay tahay mid muqadas ah,waxaana uu sheegey in Dhalinyaradu ay hada kadib diyaar u yihiin inay nabada ka qeybqaataan ayna meel iska dhigaan Hubka ayna noqdaan kuwo ka shaqeeya Nabadaynta gobolka Mudug.
Sidoo kale Yoonis Xassan Diini oo kamid ah Madaxda Ururo dhalinyaro oo iyana ka shaqeeya Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa isna halkaas kasoo jeediyey Khudbad nabdeed oo ku saabsan sidii loo joojin lahaa dagaalada Gaalkacyo kusoo noqnoqday,waxaana Sarkaalkani sheegey in dhalinyarada gobolku ay Gacmaha isqabsan doonaan islamarkaasna aysan mar danbe u dulqaadan doonin inay noqdaan Xaabo Dagaalada lagu shido oo Naftooda & Xubnahooda jirka ee Muhiimka ah kuwaaya.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland