Candidates for Jagada Barlamanka (Khadar Ambasdor Gives up)

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Candidates for Jagada Barlamanka (Khadar Ambasdor Gives up)

Post by LiQaaye_TDH »

Waxaana soo baxaya warar sheegaya Md. Khadar Aadan Xuseen (Ambassador), oo hore isugu waday inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada, uu haatan ka tanaasulay murashaxnimadiisii taas oo la xaqiijin sababta ku kaliftay. waxana warku intaasi ku darayaa inuu waxkhtigan jagadaasi u taagan yahay Md. Xaashi Xuseen Caabi.

Waxa kale oo la sheegay in Guddoomiye Ku Xigeenka koowaadna uu doonayo Md. Cali Maxamed Aadan (Cali Barre), halka Guddoomiye Ku Xigeenka labaadna lagu wado inuu isku soo sharaxo Md. Siciid Cilmi Rooble, waxase warku intaasi ku darayaa in ay soo bixi karaan xubno kale oo u tartamaya jagooyinkaasi, iyadoo ay haatanba jiraan Xildhibaano uu ka mid yahay Md. Xasan Cawaale Caynaan, oo isagu si cad u sheegay inuu yahay ninka noqon doona Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha, haddii xilkaasi laga qaado Md. C/Casiis Maxamed Samaale.



Xildhibaanadii shalay Golaha Wakiilada horkeenay mooshinkii ay ku dalbanayeen in la furo oo wax ka bedel lagu sameeyo xeer hoosaadka Golahaasi, ayaa maanta shir albaabadu u xidhnaayeen ku yeeshay Guriga Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, oo ka mid ah mudaneyaasha wax ka saxeexay mooshinkan.

Fadhigan oo sida la sheegay ay ka soo qeyb galeen Mudaneyaal tiradoodu sodomeeye tahay oo ka soo kala jeeda sadexda xisbi qaran ayaa lagaga hadlay sidii ay taageero ugaga raadin lahaayeen xilhibaanada kale ee golaha mooshinkan ay wataan, oo la doonayo in xilka lagaga xayuubiyo sadexda xubnood ee shirgudoonka Golaha Wakiilada.

Shirkan oo ahaa fadhi qayilaad ah lama sheegin waxa rasmi ahaan ka soo baxay, hase yeeshee ilo ku dhow dhow kulankaasi ayaa sheegaya in Xildhibaanadu ay ka wada hadleen sidii ay u sii xoojin lahaayeen midnimadooda inta ka horaysa maalinta Axadda oo lagu wado inuu qabsoomo fadhiga ugu horeeya ee aqalka Wakiilada.

Sidoo kale, waxa jira loolan adag oo ka dhex socda Mudaneyaashan laf ahaantooda kaas oo loogu hirdamayo xubnaha noqon doona shirgudoonka cusub ee ay soo wadaan.
Waxaana soo baxaya warar sheegaya Md. Khadar Aadan Xuseen (Ambassador), oo hore isugu waday inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada, uu haatan ka tanaasulay murashaxnimadiisii taas oo la xaqiijin sababta ku kaliftay. waxana warku intaasi ku darayaa inuu waxkhtigan jagadaasi u taagan yahay Md. Xaashi Xuseen Caabi.

Waxa kale oo la sheegay in Guddoomiye Ku Xigeenka koowaadna uu doonayo Md. Cali Maxamed Aadan (Cali Barre), halka Guddoomiye Ku Xigeenka labaadna lagu wado inuu isku soo sharaxo Md. Siciid Cilmi Rooble, waxase warku intaasi ku darayaa in ay soo bixi karaan xubno kale oo u tartamaya jagooyinkaasi, iyadoo ay haatanba jiraan Xildhibaano uu ka mid yahay Md. Xasan Cawaale Caynaan, oo isagu si cad u sheegay inuu yahay ninka noqon doona Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha, haddii xilkaasi laga qaado Md. C/Casiis Maxamed Samaale.

Xildhibaanadan ayaa la sheegay inay magacaabeen Guddi ka kooban 15 Mudane kuwaasi oo kulan la yeelanaya Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo sida la sheegay ay kala hadlayaan inaanu mooshinkani ahayn mid xukuumadda cusub wax lagu yeelayo. Waxaanay kooxdani is dhinac wadaan mu’aamarado is barkan.

Dhinaca kale, Xubnahan ayaa la sheegay inay ka cabsi qabaan in la kala fur furo, Mudaneyaashani waxay todobaadkan horaantiisii ansixiyeen qorshe dadweynuhu la yaabeen oo ay mushaharka ku korodhsadeen. Waxaana la sheegay inay soo wadaan qorsheyaal kale dabar iyo caqabad ku noqonaya dawlada cusub.

Ma aha markii u horraysay ee kooxdan Mudaneyaasha ahi isku dayaan inay xilka ka qaadaan shirgudoonka Golaha Wakiilada, hase yeeshee daba yaaqaddii sanadkii hore ayay ahayd markii Xildhibaanadani iyagoo xiligaasi gacan iyo taageero dhaqaale ka helayay xukuumada Madaxweyne Rayaale ay isku dayeen inay af-gambiyaan shirgudoonka Golaha Wakiilada, isku daygaasi oo ay wakhtigaasi ku guul daraysteen.
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: Candidates for Jagada Barlamanka (Khadar Ambasdor Gives

Post by GENERAL_SNM »

War this fool robbed Sheffield city council of millions, he should never be trusted with a janitors job. Plus the English Gov is after his arse. :mrgreen:
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: Candidates for Jagada Barlamanka (Khadar Ambasdor Gives

Post by KyrieJama »

Nobody is going anywhere Cirro is keeping his job :lol:
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Candidates for Jagada Barlamanka (Khadar Ambasdor Gives

Post by LiQaaye_TDH »

GENERAL_SNM wrote:War this fool robbed Sheffield city council of millions, he should never be trusted with a janitors job. Plus the English Gov is after his arse. :mrgreen:
The money he stole is standing tall in Hargeisa (Ambassador Hotel)
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Candidates for Jagada Barlamanka (Khadar Ambasdor Gives

Post by Siciid85 »

GeneralSNM. don't hate the player hate the game. Khadar Ambassador. 8-) :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”