Page 1 of 1

Taliyihii hore ee Qeybta Booliska Nugaal oo lagu dilay Burti

Posted: Fri Dec 03, 2010 8:47 am
by AbrahamXirsi
War deg deg ah:Taliyihii hore ee Qeybta Booliska Nugaal oo lagu dilay degmada Burtinle.
2. december 2010

Burtinle:(Allpuntland)-Wararka laga helayo degmada Burtinle oo katirsan gobolka Nugaal ee Puntland ayaa kusoo waramaya in goordhaweyd gudaha Magaaladaas lagu dilay Taliyihii hore ee Qeybta Booliska gobolka Nugaal G/lle sare,Axmed Jaamac Saalax oo loogu yeeri jiray (Axmed Rati).

Wararku waxay intaas kudarayaan In Sarkaalkan sare oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa Gudaha Magaaladaas uu dilay nin hubaysani,iyadoo Dilka sarkaalkan ay kasoo baxayaan Warar kaladuwan oo iskhilaafsan.

Midkamid ah Saraakiisha Amaanka ee Burtinle ayaa APL u sheegey in dilka Sarkaalkan ay kadanbeeyeen Koox lagaranayo,isagoo uu sarkaalkani intaas kudaray in dilkiisa loo aaneynayo Aano Qabiil oo ku lug leh Dil horey uga dhacay caasimada Puntland ee Garoowe.

Majirto weli Wax war ah oo si rasmi ah uga soo baxay saraakiisha Qeybta Booliska ee Nugaal,waxaana Mas’uulkan hore ee la dilay uu xilkan hayey Waqtigii uu Puntland Madaxweynaha ka ahaa Jen.Cadde Muuse Madaxweynihii hore ee Puntland.

Re: Taliyihii hore ee Qeybta Booliska Nugaal oo lagu dilay B

Posted: Fri Dec 03, 2010 9:48 am
by FBISOMALIA
AUN he was good sarkaal in garowe specially :som: :up:

AbrahamXirsi nickname new in section :ugeek:

Re: Taliyihii hore ee Qeybta Booliska Nugaal oo lagu dilay B

Posted: Fri Dec 03, 2010 1:06 pm
by Monk-of-Mogadishu
Reer Xirsi and Muuse Ciise are feuding over a neighborhood. The Reer Xirsi accuse Muuse Ciise of arming themselves through the new presidency and they are complaining, they even said that Cadde Muuse was better. They are chest pumping for no reason, someone should give them some khat to settle down.

Re: Taliyihii hore ee Qeybta Booliska Nugaal oo lagu dilay B

Posted: Fri Dec 03, 2010 1:27 pm
by garoweboy
Aun to the soldier.