
(Hadhwanaagnews) Sunday, December 05, 2010
Hargeysa (HWN) Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa ugu baaqay aqalka wakiilada in ay si nabad ah u wada shaqeeyaan oo wixii dhexdoda yaala xaliyaan.
Xaaji Cabdikariim, oo ka hor fadhigii saaka la hadlayay Mudanayaasha Golaha wakiilada ayaa tilmaamay in laga qurux badan yahay in ay maalin waliba sida caruurta u murmaan isla markaana loo kala jiido.
“Walaalayaal waxa aanu jecelnahay in aydaan noqonin caruur geel la joogta, waxa aanu doonaynaa in aad noqotaan dadka si wanaagsan oo wada shaqeeyo fiican” ayuu yidhi Xaajigu, waxaanu intaasi ku daray in loogu soo tusaale qaadanin Baarlamaanka dalka Somalia oo buu yidhi isku seegay qarsoodi ha lagu codeeyo iyo fartaag ha lagu codeeyo “Ha noqonin baarlamaankii Somalia ee isku laayay qarsoodi ha lagu codeeyo iyo faraag ha lagu codeeyo” ayuu yidhi.
Mudanayaasha Golaha wakiilada ayaa todobaadkii ugu danbeeyay u kala falfaliidhmo kooxo iyada oo waxa ugu weyn ee ay isku seegeen ay ahayd mooshin ay soo jeediyeen xildhibaano isla markaana ku doonayeen in wax lagaga bedelo xeer hoosaadka golaha.
Mooshinkaas oo ay wateen mudanayaal tiradoodu dhamayd 20 ayaa waxa si weyn uga soo horjeedsaday aqlabiyada golaha wakiilada, waxaanay diidmadooda ku saleeyeen in la doonayo isla markaana loogu soo gabanayo sidii xilka looga tuuri lahaa shirguddoonka golaha wakiilada.
Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa saaka u muuqday kuwo ka soo doogay colaad, waxaanay fadhiga ku dhamaysteen jawi aad uga duwan kuwii hore.
Najax Aadan Cunaaye
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland