



Ra’iisal Wasaaraha la magaabay Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta qaabilay guddi ka socday Naafadii Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee xubnohoodii qaaliga ahaa ku waayay dagaalkii 77 ee lala galay Itoobiya.
Afhayeenka Naafada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdi Mahad Cali oo Ra’iisal Wasaaraha u gudbiyay arrimaha ay u soo booqdeen maanta ayaa sheegay inay tahay mid ay ku taageerayaan R/Wasaaraha cusub isagoo xusay in ay tegi doonaan Hoolka Baarlamaanka kana cadeyn doonaan mooqifkooda.
“Haddaan nahay Naafada xooga dalka Soomaaliyeed waxaan kuu cadeyneynaa mudane R/Wasaare inaan ku taageersanahay, waana kuu soo duceyneynaa inuu alle kula garab galo mas’uuliyadda laguu idmaday” ayuu yiri afhayeenka Naafada.
Sidoo kale, afhayeenkan ayaa ka cowday dhanka nolosha ay ku noolyihiin Naafadii xoogga oo u soo lixaad beelay dagaalkii 1977, waxayna xuseen in xilligii dowladdii Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre ay tiradoodu kor u dhaafeysay saddex kun, haatana ay yihiin 320 ruux oo ay ku jiraan caruur 40 agoon ah.
“R/Wasaare waxaan kaa codsaneynaa in marka ugu horeysa ee aad kalsoonida hesho aad il gaar ah nagu eegto oo aan helno xuquuqdeenii” ayuu mar kale yiri isagoo tilmaamay inay xaq u leeyihiin inay helaan garaamka askariga ciidanka ah uu qaato.
Dhinaca kale, R/Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa isaga oo aad u murugeysan kana xun dhibaatooyinka ay sheeganayaan Naafada xooga u balan qaaday in haddii uu helo kalsoonida Baarlamaanka aysan mar dambe ka wal wali doonin noloshooda iyo degaankooda.
“Shaki kuma jiro inaad u soo halganteen dalka iyo dadka Soomaaliyeed aadna u naafowdeen difaaca qaranka, balse waxaan idinka balan qaadayaa in marka aan helo kalsoonida Baarlamaanka eeydan mar dambe ka fikiri doonin Nolol iyo degaan, Insha allahna waad heli doontaan wixii xuquuq ah ee aad dalka ku leedihiin” ayuu yiri R/Wasaaraha oo sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatada la soo deristay iyaga oo naafo ah.
