Page 1 of 1

President Siilaanyo Returns Home

Posted: Thu Dec 09, 2010 9:19 pm
by AsadSL
Image
Image
Image
Image
Madaxweyne Siilaanyo oo Hargeysa ku soo laabtay kana hadlay arrimaha Koonfurta Soomaaliya

Khamiis, 09 December, 2010 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta Hargeisa dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu soo noqday socdaal dhawr toddobaad qaatay oo uu ku tegay dalka Ingiriiska.

Madaxweyne Siilaanyo oo kaddib markii uu ka soo laabtay socdaalka, Saxaafadda kula hadlay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa sheegay in socdaalkiisaa intii uu ku gudo jiray uu kulamo kula soo yeeshay masuuliyiin ka tirsan Dawladda Ingiriiska, isla markaana wuxuu sheegay inay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha iskaashiga labada dhinac.
Mar Axmed Siilaanyo la waydiiyay su’aal nuxurkeedu la xidhiidhay arrimaha Koonfurta Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay in gogol-nabadeed oo ay Somaliland fidiso aanay dawladda Soomaaliya ka soo codsan, isla markaana ay diyaar u yihiin inay fidiyaan, “Hase ahaatee, waa in ay qaranimada Somaliland aanay gorgortan gelin,” ayaa ka mid ahaa hadalladii madaxweynaha.


Sidoo kale, mar la waydiiyay nidaamka caddaaladeed ee Somaliland, waxa uu ku andacooday in uu marayo meel wacan, isla markaana wax ka bedel lagu sameeyay.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka jawaabayay su’aal nuxurkeedu ahaa in uu jiro isku-shaandhayn uu golaha Wasiiradda ku samaynayo sanadka cusub ee soo socda, ayaa wuxuu sheegay in aanu cayiman wakhtiga uu samaynayo.

Waa safarkii labaad ee uu dalka dibedda uga baxo Madaxweyne Siilaanyo, isaga oo hore safarkiisii u horreeyay tan iyo intii xilka loo dhaariyay ku tegay dalka Jabuuti.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland

Re: President Siilaanyo Returns Home

Posted: Thu Dec 09, 2010 9:20 pm
by The_Emperior5
Welcome back Mr President Axmed Maxammad Maxamuud Siilaanyo :up:

Re: President Siilaanyo Returns Home

Posted: Thu Dec 09, 2010 9:20 pm
by AsadSL
Southerners finally will get their peace conference they have been waiting for from Somaliland.

Re: President Siilaanyo Returns Home

Posted: Thu Dec 09, 2010 9:29 pm
by saransoor
Typical African leader...spending more time in travelling than solving problems on the ground.....back home.. :roll:

Re: President Siilaanyo Returns Home

Posted: Thu Dec 09, 2010 9:31 pm
by The_Emperior5
saransoor wrote:Typical African leader...spending more time in travelling than solving problems on the ground.....back home.. :roll:
President Siilaanyo is not a traveler he is in office for 4 months and this was his second trip To The United kingdom

Re: President Siilaanyo Returns Home

Posted: Fri Dec 10, 2010 6:32 am
by AsadSL
He can travel as much has he wants if someone if coming out of his travels. Although he is not much of a traveler. :up:

Re: President Siilaanyo Returns Home

Posted: Fri Dec 10, 2010 6:35 am
by rosyspecs
:up:

He has achieved a lot in his short term of office.

Re: President Siilaanyo Returns Home

Posted: Fri Dec 10, 2010 6:40 am
by XimanJaale
Image